shuyuukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuyuukh
-da: (magac, dhedig, keli) magac wadareedka shiikh; sheekh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijmaac
m.l 1. Kulan fikradeed oo shuyuukh-da waaweyn ee madaahibta Islaanka isku raaceen. 2. Midka saddexaad ee afarta addilo oo diinta Islaanka loo cuskado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijmaac
m.l 1. Kulan fikradeed oo shuyuukhda waaweyn ee madaahibta Islaanka isku raaceen. 2. Midka saddexaad ee afarta addilo oo diinta Islaanka loo cuskado.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHUNUKH
(Shunukh) N Solanum coagulans Forsk. Solanaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuyuuci
m. n. communist; communism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuyuuci
bw: Arabic
de: communist; communism
initial: s
lx: shuyuuci
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shuyuuci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuukh
-da: (magac, dhedig, keli) wax laga baqo, isku cabsiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shucuu
-ta: (n) emotion (imoow-shin); feeling (fiiling); sensation (sen-seey-shin); sentimentality
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuush
(Shuush-ka)
1. Cudur; bugto.
2. Xumaan uurka la isugu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuush
m.l 1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuush
m.l 1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuush
m. n. disease, illness; not being comfortable with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuush
shuush! (ereycodeed) lagu tusmeeyo war bixinaya shanqar hoos ka guux ah, guuxa laga maqlo wax qoyan oo dabka la saaro ama mawjadaha qalabka wax lagu dhegeysto tashwiish ku jiro.
shuush: (ereycodeed) lagu tilmaansado dhuusada aan la maqlin oo hoos loo sii daayo.
shuush -ka: (magac, lab, keli) cudur; xanuun; bugto.
shuush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka laysugu hayo.
shuush-ka (magac, lab, keli) uskagga iyo hadhaaga woolka guntiisa ku hadha. Dh: huurshaa.
shuush -ta: (magac, dhedig, keli) codka uu bixiyo nakhas meel lagu curjiyay oo meel ku cidhiidhsan ka soo baxaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuush
de: disease, illness; [ext.] not being comfortable with s.o.
initial: s
lx: shuush
pd: (-ka)
ps: n-m
key: shuush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuukh
m.dh.w eeg farakh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furuukh
f. n., pl. illegitimate sons, bastards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuukh
-a: (magac, lab, keli) qof aan sharci ku dhalan. Dh: farakh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furuukh
de: illegitimate sons, bastards Sg: farakh
lx: furuukh
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: furuukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucuub
-ta: (magacwadareed) dad badan oo isku dhex jira. Shucuub badan ayaa dunida ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shucuur
m.l/dh Dareen; qiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shucuur
m.l/dh Dareen; qiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shucuur
f. n., [abstract] sentiment, feelings; sensitivity, awareness, perception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucuur
-ta: (magac, dhedig, keli) dareenka ku dhasha qofku markuu la kulmo wax naxdin ama farxad leh.
shucuur -ta: (magac, dhedig, keli) garashada oogada qofka iyo saamaynteeda; dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shucuur
bw: Arabic
de: sentiment, feelings; sensitivity, awareness, perception
initial: s
lx: shucuur
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: shucuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shunuuf
(Shunuuf-ta)
(badanaa koox ahaan: shunuufo) suuqadda dumarku xarragada iyo quruxda u qaato, waxyaalaha laga lullulo oo lagu bilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shunuuf
m.dh (-fo, m.l) Suuqadda dumarku quruxda u qaato waxyaalaha laga lulo oo lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shunuuf
f. n. necklace with a group of pendants
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shunuuf
-ta: (magacwadareed) suuqadda dumarku xarragada iyo quruxda u qaato, waxyaalaha laga lullulo oo lagu bilo; biro yaryar oo sida shucubka oo dharka lagu qurxiyo oo marka la dhaqaaqo sanqadh bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shunuuf
de: necklace with a group of pendants
initial: s
lx: shunuuf
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: shunuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuruuc
m.f.w eeg sharci¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuruuc
f. n., pl. laws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuruuc
-da: (n) [plural of sharci -ga] laws (/oo-wis); rules (ruulis); regulations (ri-gu-leeyshinis) ~ qaanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuruuc
-da: (magac, dhedig, keli) qawaaniin; xeerar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuruuc
bw: Arabic
de: laws Sg: sharci
initial: s
lx: shuruuc
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: shuruuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuruud
m.dh 1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuruud
m.dh 1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuruud
f. n., pl. conditions, requirements
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuruud
-da: (n) [plural of shardi -ga] conditions (kon-di-shinis)-, requirements (rik-waar-mentis) ~ sharuudo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuruud
de: conditions, requirements Sg: sharad ~ shardi
initial: s
lx: shuruud
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: shuruud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaruukh
m.l (sawaariikh, m.dh) la-mid: sayruukh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaruukh
m. n. missile, rocket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaruukh
-a: (adj) missile (mi-sal); rocket (rokit) ~ rokit, sayruukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaruukh
-a: (magac, lab, keli) hubka la isku gano jaad ka mid ah oo meelaha fogfog gaadha. Dh: saaruuq, gantaal, sayruuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaruukh
a: sayruukh
bw: Arabic
de: missile, rocket
initial: s
lx: saaruukh
pd: (-a Pl: sawaariikh)
ps: n2a-m, n8-m
key: saaruukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanduukh
-a: (magac, lab, keli) walax bir ka samaysan oo leh quful oo agabka lagu xafito. Dh: sanduuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Santuukh
(Santuukh-a)
Sanduuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santuukh
m.l la-mid: sanduuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
santuukh
m. n. box, chest, trunk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
santuukh
-a: (n) box (bokis)-, usually a wooden box with a lid and often a lock; chest (fast) ~ sanduuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santuukh
-a: (magac, lab, keli) eeg sanduuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
santuukh
de: box, chest, trunk
initial: s
lx: santuukh
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: sanduuq
key: santuukh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayruukh
m.l (-khyo/-awaariik, m.dh) Qalab la gamo, aad u dheereeya oo hawlo kala duwan loo adeegsado. la-mid: saaruukh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayruukh
m.l (-khyo/-awaariik, m.dh) Qalab la gamo, aad u dheereeya oo hawlo kala duwan loo adeegsado. la-mid: saaruukh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayruukh
m. n. rocket, missile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayruukh
-a: (magac, lab, keli) hubka la tuuro quar ka mid ah ee meelaha fogfog gaadha. Dh: gantaal, sayruuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayruukh
bw: saaruukh
de: rocket, missile
initial: s
lx: sayruukh
pd: (-a Pl: sawaariikh (da))
ps: n8-m
syn: gantaal, roket
xv: Arabic
key: sayruukh
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamuuke
nickname-m fatty and friendly person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shamuuke
magac loo baxsho wiil saaxiibtinimo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuhuura
-da: (magac, dhedig, kali) xiddig aad u cad oo hiirta iyo gallinka la arko, waa xiddig ka mid ah sagaalka meerayaal ama Cirjidhka uu faaliyuhu u adeegsado faalka. Waa sicdi, Madaxweyne iyo Kawshad bay na leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukuumi
-ga: (magac, lab, keli) tuwaalka lagu engejisto. Shukuumiga qaado oo biyaha iska engeji.
shukuumi -ga: (magac, lab, keli) shukaanta doonta ninka haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaabuush
m. n. whip, lash, (riding) crop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaabuush
de: whip, lash, (riding) crop
initial: s
lx: shaabuush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: shaabuug
key: shaabuush
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shuqul-ka
travail.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shurru-ka
mauvaise odeur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuyuuciyad
(Shuyuuciyad-da)
Hab siyaasad iyo dhaqaale iyo bulsho isugu jira oo ka dhashay baabbi'inta hantida gaar ahaaneed - jaad kasta ha ahaatee - iyo qofka oo qof kale ku dulnoolaada; wuxuu wadareeyaa hantida iyo wixii wax soo saara ama lagu soo saaro, iyo waxaas la soo saaray wadaaggooda, iyadoo qof waliba mutaysanayo oo wax u helayo sida baahidiisu tahay ama inta ay le'eg tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuyuuciyad
f. n.; [abs.]: communist woman; communism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuyuuciyad
-da: (magac, dhedig, keli) hab siyaasadeed ku salaysan in si guud looga wada faa'iidaysto hantida iyo wax soosaarka qaranka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuyuuciyad
de: communist woman; [abs] communism
initial: s
lx: shuyuuciyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shuyuuciyad