shuqeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel gudaheed ku jiara ul iyo wixii la mid ah ku jugayn si ay dibadda ugu soo baxaan. Dh: juqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuqayn
(Shuqayn-ta)
1. Ul afkeed ama wax la mid ah, wax ku mudmudid, si wax meel gudo ah ku jira ama dibadba joogaa u baxaan ama u kacaan; hadba wax caarad leh juq ku siin; juqayn; mudmudid.
2. Badar, si ishu uga baxdo aayar kasha ku tumid, ku mudmudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqayn
m.f.dh eeg shuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ul afkeed ama wax la mid ah, si wax meel qudeheed ku jira ama dibadda u joogaa u baxaan ama u kacaan, hadba wax caarad leh ku mudid. Dh: jugayn, mudmudid.
shuqayn-ta: (magac, dhedig, keli) badar, si ishu uga baxdo aayar tib ugu tumid; tumid aan xoo ahayn shuqashugo u qaybin. Dh: shuqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeyn
m.f.dh eeg dhuqmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuxleyn
(Shuxleyn-ta)
Xaragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuxleyn
m.f.dh eeg shuxlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuxleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xarragood.
shuxleyn -ta: (magac, dhedig, keli) dheecaan; shuxniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuqgeyn
vl. n. marketing, taking something to market
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqgeyn
-ta: (n) marketing (maar-keting); selling (seeyl-ling); distribution (dis-tiribiyuu-shiri) ~ suuqgelin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuqgeyn
de: marketing, taking s.t. to market Alt sp: suuqgayn
initial: s
lx: suuqgeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: suuqgeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Ul afkeed iyo wixi lamida wax ku mudmudid. 2. Badar si ishu uga baxdo aayar kal ku tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuqee
v. prod, press ~ compress, force (with an implement)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuqee
-yey/shuqeysay: (v) prod or jab with a pointed object repeatedly ~ ku shuqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqee
(fal) ul afkeed iyo wixii la mid ah, wax meel gudaheed ku jira ku guguji oo ku mudmud si uu dibedda ugu soo baxo. Shuqee hogg masasku ha ka soo baxaane. Dh: juqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuqee
cf: juqee, mud
de: prod, press ~ compress, force (with an implement)
initial: s
lx: shuqee
pd: (shuqeeyey)
ps: v2b=tr
key: shuqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukeyn
m.f.dh eeg sukee. la-mid: sukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqayn
(Shaqayn-ta)
Shaqo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayn
m.f.dh eeg shaqee. la-mid: shaqays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayn
vl. n. working, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qabasho, hawl hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayn
de: working, labor Alt sp: shaqeyn
initial: s
lx: shaqayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: shaqayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shufto noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqays
-ka: (magac, lab, keli) shuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqlan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la shuqliyey ahaansho. la-mid: shuqloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuqlan
der. [adjective] busy, occupied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqlan
-ta: (tilmaame) shaqo haya oo mashquulsan. Dh: hawlan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuqlan
de: busy, occupied rw: shuqul
initial: s
lx: shuqlan
pd: (shuqlanaa)
ps: adj-der
key: shuqlan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqlin
m.f.dh eeg shuqli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqlin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl galin oo shaqo u dirid.
shuqlin -ta: (magac, dhedig, keli) «ka shuqul ka jeedin; mashquulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugeyn
m.f.dh eeg suugee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq u samayn badeecad; meel suuq ka dhigid. Aqoon iyo agab ba waad iibgayn kartaa. Dh: sayladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbeyn
m.f.dh eeg khudbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka shaqada qabta; shaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftayn
(Shuftayn-ta)
1. Shufto noqosho.
2. Shufto ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftayn
m.f.dh eeg shuftee. la-mid: shuftays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shufto ka dhigid, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shummayn
(Shummayn-ta)
Dhunkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummayn
m.f.dh eeg shummee. la-mid: shummin, shummis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummayn
vl. n. kiss, act of kissing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummayn
a: shummin ~ shummis
cf: mac, dhunko
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: shummayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: shuqlan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqloon
(tilmaame) qof hawl weyn haya; mashquulsan.
shuqloon: (tilmaame) badar iyo wax la mid ah oo inta la tumay, isha laga tuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xarragood oo uskagagga iska ilaalin. Shuxlayta waxa lagu yaqaan dhalinyarada. Dh: xarragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shey
(Shey-da)
Geed weyn oo weligi cagaaran, oo leh miro qabowga lagu cuno sida kuwa qurcista (tiinka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shey
m.l 1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shey
m.l 1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shey
m. n. thing, article, item, bit
shey [feminine] n. large evergreen tree species, with edible fruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shey
-ga: (n) [plural shayaal -sha] item (aay-tem)-, thing (thing)-, unit (yunit) ~ shay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shey
-da: (magac, dhedig, keli) geed abaareed waligiiba cagaaran oo midho kuwa tiinka oo kale ah na bixiya.
shey-ga: (magac, lab, keli) shay; geed; wax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shun
/shan/ (v) ka fogaansho (iska- dayn, iska ilaalin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuq
(ereycodeed) tusmeeya wax la isku daray ama wax meel si dhammaystiran u gala, meel gal, daf dhe; meel, isku aas, nam dhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqey
m.dh.w eeg duq 1 (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqey
-da: (n) [plural of duq-a] elders (eldheris)', council of elders
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheen
sheen¹: m.l Ka ilaalinta awr qooqan uu ka ilaaliyo geela uu la jiro rati kale.
sheen²: f.g1 (-eemay, -eentay) Awr qooqan geela uu la jiro in uu rati kale soo galo ka ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheen
-ka: (magac, lab, keli) ka ilaalinta awr qooqan uu ka ilaaliyo geela uu la jiro rati kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheyb
(Sheyb-ka)
Nin aad u fil weyn; oday; duq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheyb
m. n. old man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheyb
-ah: (adj) old (ooldh). Ex: oday sheyb ah; an old man ~ duq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheyb
-ka: (magac, lab, keli) nin aad u fil weyn: duq: oday: waayeel; sheybe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheyb
bw: Arabic
de: old man
initial: s
lx: sheyb
pd: (-ka Pl: sheybab (ka))
ps: n4-m
syn: oday, duq
key: sheyb
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shube
nickname-m poem reciter; orator; talkative
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuun
shuun¹: m.l.u Timo ka soo baxa gumaarka dadka; bisqin; bisqan.
shuun²: m.dh Boqorradda shinnida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuun
shuun¹: m.l.u Timo ka soo baxa gumaarka dadka; bisqin; bisqan.
shuun²: m.dh Boqorradda shinnida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shuun
pr. n., [feminine] Shune
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuun
m. n., (mass n.): pubic hair
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shuun
name-fhigh caste. Cf: Gobaad, Gobey, Samaale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuun
-ka: (n) 1. pubic hair; pubic (piyuu-bik); used ;n southern Somalia ~ bisqin, shiciran. 2. in northern Somalia, where it is used to name girls, it is offensive to use the word [shuun] to refer to pubic hair;
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shuun
magac loo baxsho gabadh qaali ah oo boqorad lagu tilmaamay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuun
(fal) sharaf; xurmee; sare u qaad.
shuun -ka: (magac, lab, keli) ruuxa u wehelyeel ah carooska ee garab jooga. Shuun adaa ii noqon caawa. Dh: minxiisad.
shuun -ta: (magac, dhedig, keli) boqoradda shinnida.
shuun -ta: (magac, dhedig, keli) timaha cawrada dadka ka soo baxda marka ay qaangaaraan. Dh: bisqin, nabas, shicirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyn
m.f.dh eeg ducee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahay baryid oo duco sacabbada u taagid. Dh: ducayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqayn
-ta: (n) 1. the act of crashing (karaash-ing) or colliding (kolaydh-ing) ~ shilgalid 2. air raid-rusheyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeyn
(Gufeyn-ta)
Weel afki ama meel kaloo daloosha ama furan, guf gelin, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeyn
m.f.dh eeg gufee. la-mid: cufayn, cufays, gufeys (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujeyn
(Gujeyn-ta)
Gujo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyn
m.f.dh eeg gujee. la-mid: gujeys, gujin, gujis (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeyn
m.f.dh eeg hadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibeyn
(Hibeyn-ta)
Hibo u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibeyn
m.f.dh eeg hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si farxad leh wax u siin. Dh: hibayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeyn
(Hogeyn-ta)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeyn
m.f.dh eeg hogee. la-mid: hogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubayn
(Hubayn-ta)
1. Qalab lagu dagaallamo siin, u yeelid; qalabayn.
2. Dhar la qaato siin; marashiyayn; arratirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubayn
m.f.dh eeg hubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la qaato siin; marashiyeyn. Dh: arratirid, hubays.
hubayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub lagu dagaallamo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufeyn
m.f.dh eeg jufee. la-mid: jifeyn.