shumac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shumac
m.l la-mid: shamac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shumac
m.l eeg shamac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shumac
m. n. wax; candle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shumac
-a: candle (kaan-dhel); bougie (buu-ji); wax candle; tallow candle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumac
-a: (magac, lab, keli) xaydh si farsamaysan loo fadhiisiyey oo si dhuuban loo nabo oo dhexda dunyar laga gasho oo iftiin ahaan loo shito. Dh: shamac, shumuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shumac
bw: Arabic
de: wax; candle
initial: s
lx: shumac
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: shamac
key: shumac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumac
sumac¹: m.l 1. Gumuca xabbadda. 2. Sukulidda subuul meseggo ul iyo wixi lamida lagu garaaco si iniinaha looga daadiyo.
sumac²: f.g1 (-mcay, -macday) Sabuul meseggo ul ku garaacid si iniiunuhu uga daataan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumac
-a: (magac, lab, keli) dareenka maqalka. Dh: maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shamac
(Shamac-a)
Shimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamac
m.l 1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. la-mid: shimic, shumac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamac
m.l 1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. la-mid: shimic, shumac.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shamac
Candle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamac
m. n. candle; wax; tarp, tarpaulin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamac
-a: (magac, lab, keli) gogol la dhigo sagxadda guryaha oo lagu sharaxo, sibidhka gogol looga dhigo.
shamac -a: (magac, lab, keli) waxa la shido co iftiin bixiya oo marba marka ka danbeeya sii yaraada. Dh: shimic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shamac
a: shimic ~ shumac
bw: Arabic
de: candle; wax; tarp, tarpaulin
initial: s
lx: shamac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shamac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumuc
-a: (magac, lab, keli) xaydh la farsameeyey oo ulo laga sameeye oo, inta dhexda shootali daarmi og laga geliyo, iftiin ahaan loo shito. Dh: shamac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
candle
/kaandhal/ (n) shumac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
taper
/teypar/ (v) 1. soo-yaraansho (soo-dhuubasho) (n) 2. shumac- dheer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wax
/waaks/ (n) 1. shay xabag u eg oo laga sameeyo shumaca iwm, waxna lugu nadiifiyo (n) 2. meesha shinnidu malabka ku samayso (n) 3. dhukay (dhukayga dhegta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wick
/wik/ (n) liifad (xarig-yar oo feynuusta ama shumaca ka dhex-olola).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaah
-a: (n) glimmer (gilimar); a dim light appearing in distant place. Ex: kaaha shumaca; the glimmer of a candle
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
candéla
s.f. - shumac.

céra
s.f. - shumac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shucaac
(Shucaac-a)
Iftiinka qorraxda, fallaarihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shucaac
shucaac¹: m.l 1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyamka iyo wixi lamida.
shucaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Shucaac muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shucaac
m.l 1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyanka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shucaac
m. n., (mass n.): sunlight, sun rays; radiation, radioactivity
shucaac v. glare, beam; radiate, give off radiation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shucaac
-a: (n) radiation (raaydi-yeey-shin); emission (imishin); sunlight an-laayt) ~ kaah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucaac
-a: (magac, lab, keli) fallaadhaha iftiinka qorraxda. Dh: haydhhaydh. Li: saafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shummay
(Shummay-da)
Summad bar ah; (ama shumme).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummay
f. n. natural mark on livestock (especially a camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummay
-da: (magac, dhedig, keli) sumad bar ah; shummo; shumme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummay
cf: bar, summad
de: natural mark on livestock (especially a camel)
initial: s
lx: shummay
pd: (-da)
ps: n-f
key: shummay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumac
m.l la-mid: gumuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumac
m. n. bullet; ammunition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumac
-da: (n) ammunition for firearms; shotgun shell; bullet (bul let) ~ gumuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumac
-: (magac, lab, keli) rasaasta qoriga lagu rido ee wax lagu toogto. Gumac kuma jiro qoriga. Dh: rasaas, xabbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumac
de: bullet; ammunition
lx: gumac
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: gumuc
key: gumac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulac
-a: (magac, lab, keli) eeg holac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humad
-ka: (magac, lab, keli) calallo ama wax la mid ah oo kala daadsan, toltolasho. Dh: humasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
human
/hyuuman/ (n) 1. insaan, dad, aadane. (adj) 2. insaan-ah, (insaaniyad leh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samac
-a: (magac, lab, keli) hawsha dheguhu qabtaan; kartida dheguhu wax ku dareemaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaac
(Shaac-a)
Wax la wada maqlo ama aad u faafa ama caan noqda; baah; caan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaac
shaac¹: m.l.kh Sh. ah: wax la wada maqlo ama la wada arko oo caan noqda.
shaac²: f.mg1 (-cay, -cday) War iyo wixi lamida faafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaac
f.mg1 (-cay, -cday) War iyo wixi lamida faafid. m.f.dh, shaacid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaac
Twilight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaac
m. n. glare, bright ~ radiant light
shaac v. glare, be glaring; become public; spread (of news)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaac
-a: (magac, lab, keli) iftiinka cadceedda, inta qorraxdu soo jeeddo. Marka shaacu madoobaada.
shaac-a: (magac, lab, keli) midabka casuusta ye caddaanka ah oo qorraxda soo baxaysa ka soo horreeya; shaaca waabberi; baah.
shaac-a: (magac, lab, keli) wax la wada maglo, aad u faafa ama caan noqda. Abidkaana goor shaacu dumay shaarac ha istaagin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
shéma
shéma, n.m. - sawir; fikrad guud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumi
(fal) cid kale, gacan ama meel kale ka dhunko. Shummi gacanta macalinka. Dh: dhunko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuc
-a: (magac, lab, keli) roobka aan badnayn ee tiixtiixa ah Shue baa da'aya. Dh: tiixtix.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spuma
s.f. - xumbo, xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subac
(Subac-a)
1. Hab gaar ah oo Soomaalidu wadajir quraanka u akhrido (iyadoo dibadda laga wada akhriya hayo, oo qof waliba aayad qaadana hayo. baa wadajir aayadda dhammaadkeeda loo wada hooriyaa).
2. Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, meeshi (qaybtiiba maalmaha toddobaadka middood baa lagu magacaabay: - isniinaad, - axadaad, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subac
m. n. method of reciting the Koran (taking turns in a group)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subac
-a: (n) Koran recitation, see also [eeg] subci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subac
-a: (magac, lab, keli) eeg subuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subac
de: method of reciting the Koran (taking turns in a group)
initial: s
lx: subac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: subac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumad
sumad¹: m.dh la-mid: summad¹.
sumad²: f.g1 (-untay, -umadday; -unti) la-mid: summad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumad
v. brand (livestock)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumad
-da: (n) 1. brand (baraan); symbol (saaym-bal); a mark burned on the hide of an animal, indicating identity or ownership 2. trademark (tareeydh-maark) ~ summad, calaamad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumad
(fal) sumad u yeel.
sumad -da: (magac, dhedig, keli) calaamad xoolaha, iyo wixii la mid ah, lagu dhigo oo lagu kala garto; astaan; baadisooc; sawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumad
de: brand (livestock) Contrast: summad [n]
initial: s
lx: sumad
pd: (suntay / sumadday)
ps: v1=tr
key: sumad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumal
(Sumal-ka)
Wanka qoorka ah oo idaha loo hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumal
m.l (-llo, m.dh) Wan qoor ah oo idaha loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumal
m.l (-llo, m.dh) Wan qoor ah oo idaha loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumal
m. n. stud-ram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumal
-ka: (n) ram (ram) especially a ram raised for breeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumal
-ka: (magac, lab, keli) wanka qoodha ah oo idaha saarta. Sumal weyn baa ku jira idaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumal
de: stud-ram
initial: s
lx: sumal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sumal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaw
(fal) qof sun cabbay ahaw; sumow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumay
(fal) sun sii.
sumay: (fal) sun ku dar, ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyac
m.l la-mid: suyuc¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyac
m.l la-mid: suyuc.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyac
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyuc, qurun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamac
(Dhamac-da)
Dhuxul adag oo dhirta waaweyn laga dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamac
m.l/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhamac
m.l/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhamac
m. n. charcoal, ember; torch
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhamac
nickname; name-m hot; charcoal, embers; torch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhamac
-da: (n) burning charcoal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhamac
magac loo baxsho wiil yaraantiisii firfircoon iyo geesinimo ku dheehnayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamac
-da: (magac, dhedig, keli) qoryo gubtay dhuxusha ka hadhay ee nool.
dhamac -da: (magac, dhedig, keli) kulaylka laftiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhamac
de: charcoal, ember; torch
lx: dhamac
pd: (-da)
ps: n2a-m
key: dhamac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumay
-ga: (magac, lab, keli) geed caleemaad ka baxa buuraha oo midab madow leh xooluhuna daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumuc
(Dhumuc-da)
Aan dhuubnayn ee oogo lucuuman leh; aan xalleefsanayn ama miiqnayn ee buuran; baaxad; qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumuc
m.dh Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhumuc
m.dh Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumuc
f. n., [abstract] thickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumuc
-da: (n) thickness (thik-nes); the dimension between two surfaces of an object ~ jismi, xajmi, qiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumuc
-da: (magac, dhedig, keli) jurmiga iyo qarada shey leeyahay.
dhumuc-da: (magac, dhedig, keli) inta ay le'eg tahay cabbiraadda lakab ama qarada walax leedahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhumuc
Qaro, baaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhumuc
de: thickness
lx: dhumuc
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: jurmi, qiro
key: dhumuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuyac
(Dhuyac-a)
Geed; (ama dhuyuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuyac
m.l (botani) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamolaamo u baxa. la-mid: dhuyuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuyac
m.l (botani) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo-laamo u baxa. la-mid: dhuyuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuyac
m. n. tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUYAC
Dalbergia commiphoroides 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUYAC
(Duia) C, S, NFD, May Dalbergia commiphoroides Bak.F. Papilionaceae.
May Dalbergia microphylla Chiov. Papilionaceae.