shulshulmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulmid
m.f.dh eeg shulshulan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulid
m.f.dh eeg shulshul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshulid
-da: (magac, dhedig, keli) shushul u samayn; faraq u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shushul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshul
shulshul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, dariishadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo.
shulshul²: f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Googarad, daah iyo wixi lamida laalaab u yeelid. 2. Maro darfaha faraq uga yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shulshul
m.l (-llo, m.dh) 1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, dariishadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shulshul
m. n. pleat, plait
shulshul v. pleat, put a pleat on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shulshul
-ka: (n) fringe (firinj); frill (firiil) sida faraqyada daahyada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshul
-ka: (magac, lab, keli) dun soohan oo dacalka maryaha qurux ahaan loogu sameeyo. Dh: faraq, tarash, xiddo, xaddaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulsulid
m.dh la-mid: sunsumid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulshul_1
de: pleat, plait
hm: 1
initial: s
lx: shulshul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shulshul_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulshul_2
de: pleat, put a pleat on
hm: 2
initial: s
lx: shulshul
pd: (shulshulay)
ps: v1=tr
key: shulshul_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulan
shulshulan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; lmi) Wax shulshul yeeshay noqosho.
shulshulan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shulshulan
der. [adjective] pleated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshulan
(tilmaame) shulshul loo sameeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulshulan
de: pleated
initial: s
lx: shulshulan
pd: (shulshulnaa)
ps: adj-der
key: shulshulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulnaan
m.f.dh eeg shulshulan². la-mid: shulshulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shulshul leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukulid
m.f.dh la-mid: sukulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubi
f.g2 (-iyay, -isay) Maro, daah iyo wixi lamida shushub u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunsumid
(Sunsumid-da)
Wax badan oo aan ishu tirin karin oo wadajir aayar u socona haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunsumid
m.f.dh eeg sunsun. la-mid: sulsulid, susumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunsumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo aan ishu tirin karin oo wadajir iyo aayar u soconaya, is daba socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tira badan oo ishu aanay tirin karin oo iyagoo is cidhiidhyanaya qunyar soconaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubin
m.f.dh eeg shushubi. la-mid: shu-shubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubis
m.l la-mid: shushubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhashuumid
(Dhashuumid-da)
Dhashuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhashuumid
m.f.dh eeg dhashuun². la-mid: dhashuun¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhashuumid
-da: (magac, dhedig, keli) dhashuun samayn; heemid oo meel kasoo bixid. Nabarku hadduu dhashuun sameeyo dhakhtar teg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khushuucid
(Khushuucid-da)
Khushuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khushuucid
m.dh la-mid: khashuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khushuucid
-da: (magac, dhedig, keli) khushuuc la imaansho. Dh: qushuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubsad
m.l la-mid: shushubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushulsan
(tilmaame) dad yoolyoolsan, ur'urursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. la-mid: shuushi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuushaami
v. lead (livestock ~ children) carefully and gently along
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuushaami
-yey I say: (v) pamper (pam-per); coddle (ko-dhel) ~ koolkooli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaami
(fal) xoolaha si lexejeclo ku jirto u ilaali oo u dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuushaami
cf: shuushi
de: lead (livestock ~ children) carefully and gently along
initial: s
lx: shuushaami
pd: (shuushaamiyey)
ps: v2a=tr
key: shuushaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhildhilmid
m.f.dh eeg dhildhilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhildhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) weydoobid oo wax hilibkii inta uu ka dhacay quruxbadnaaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuushaamin
(Shuushaamin-ta)
(xoolo) si gaar ah oo lexejeclo badani ku jirto u koolkoolin, u ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaamin
m.f.dh eeg shuushaami. la-mid: shuushaamis, shuushin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaamin
wax si gaar u xannaanay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaamis
m.l la-mid: shuushaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaamis
-ka: (magac, lab, keli) xoolo si lexejecto ku jirto u ilaalin oo u dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumid
m.f.dh eeg dhuundhuun². la-mid: dhuundhuun¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u muudhmuudhid. Hilibku dhuundhuumidda ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuuleyn
m.f.dh eeg shuushuulee. la-mid: shuushuuleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuuleys
m.l la-mid: shuushuuleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhumi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhudhun ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhudhumi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhudhun ku cabbirid. m.f.dh, dhudhumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhudhumi
v. measure with the forearm ~ in cubits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhudhumi
-yey / say: (v) measure with cubit (kiyuu-bit); measure with the forearm from the tip of the middle finger to the elbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhumi
(fal) dhundhunka ku cabbir; inta xusul ee uu yahay eeg. Bal dhudhumi inta innoo dhaxaysa miyaan soo dhawaadaa. Dh: xusli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhudhumi
de: measure with the forearm ~ in cubits
lx: dhudhumi
pd: (dhudhumiyey)
ps: v2a=
key: dhudhumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huleelid
(Huleelid-da)
Socod cagajiid ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelid
m.f.dh eeg huleel². la-mid: huleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelid
-da: (magac, dhedig, keli) si cagajiida ah u socosho. Huleelid bay ku yimaaddeen. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkamid
m.f.dh eeg hulkan². la-mid: hulkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluulad
(Huluulad-ka)
Huluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulad
-ka: (magac, lab, keli) shay hoostiisa oo cidhiidhi ah ka dusid. Huluulad kiibuu dhagaxi muday. Dh: huluulasho, xuluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbulid
m.f.dh eeg humbul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbulid
-da: (magac, dhedig, keli) qaab hilan oo kuusan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulid
(Hunbulid-da)
Wax hunbulan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama qaab hunbulan ama kuusan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kushubid
Versamento
To deposit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulqulid
(Qulqulid-da)
Shubmid yar oo aan kala go'ayn oo biyaha dhulka korkiisa marayaa sameeyaan; (ama qolqolid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulid
m.f.dh eeg qulqul³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulid
-da: (magac, dhedig, keli) qulqul samayn. Qulqulidda biyaha jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salsalid
(Salsalid-da)
1. Heesta awrta lagu raro, ku heesid, qaadid.
2. Sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salsalid
m.f.dh eeg salasal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalid
-da: (magac, dhedig, keli) awr la rarayo, hees salsal ah u qaadid.
salsalid-da: (magac, dhedig, keli) sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishid
(Shiishid-da)
Nishaabid; liishaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishid
m.f.dh eeg shiish².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishid
-da: (magac, dhedig, keli) shish saarid: nishaabid; liishaamid; toogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubshub
-ka: (magac, lab, keli) eeg shubaanshub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukuumi
-ga: (magac, lab, keli) tuwaalka lagu engejisto. Shukuumiga qaado oo biyaha iska engeji.
shukuumi -ga: (magac, lab, keli) shukaanta doonta ninka haya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqshuq
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer shug-shuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shushubo
v. pleat something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushubo
-ha: (magac, lab, keli) laallaabadka maro iyo wax la mid ah.
shushubo: (fal) wax dareere ah, kolba shubo oo haddana shubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shushubo
de: pleat s.t. for oneself
initial: s
lx: shushubo
pd: (shushubtay)
ps: v3b=tr
key: shushubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuushin
(Shuushin-ta)
Xoolo gaabinaya aayar kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushin
m.dh la-mid: shuushaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo gaabinaya aayar kaxayn.
shuushin -ta: (magac, dhedig keli) nakhas aayar u furid sida dhuuso iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuu
m.dh Hadal cid gaar ah wax looga sheegayo oo hoos ahaan laysugu gudbiyo.