shulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shulle
(Shulla-ha)
Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagaga xiro; shullacaws; (ama shullo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. la-mid: shullo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shulle
m. n. ankle area (especially of horse's legs where it is tied)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulle
-ha: (magac, lab, keli) fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagaga xidho. Dh: shullacaws, shullo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulle
a: shullo (/ha) [n6-m]
cf: qoofal
de: ankle area (especially of horse's legs where it is tied)
initial: s
lx: shulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shullo
(Shulla-ha)
Shulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shullo
m.l la-mid: shulle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shullo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulley
m.dh.u Dad dhul ballaaran leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulley
-da: (magacwadareed) dadka inta iyagu dhul hanti u leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shuffle
/shafal/ (v) 1. baan-dhayn (shaan-dhaynta turubka iwm) 2. luudid (si tartiib ah oo caga jiid ah u socosho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shuttle
/shatal/ (n) 1. gaadiid laba-meel ka dhex shaqeeya (soo-socod iyo sii-socod safar ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuxlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuxlee
v. walk with elegance, be elegant, dress elegantly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuxlee
(fal) isqurxi oo xarragoo. Shuxlee oo uskagaga iska dhawr intaad dhalinyarada tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuxlee
de: walk with elegance, be elegant, dress elegantly
initial: s
lx: shuxlee
pd: (shuxleeyey)
ps: v2b=intr
key: shuxlee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sugulle
name: Sugule
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sugulle
name-m black-maned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sugulle
magac loo baxsho wiil u dhashay midab, madow dhalaala ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sugulle
de: Sugule
initial: s
lx: Sugulle
ps: name-m
key: Sugulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hule
(Hula-ha)
Cudur xun oo qanjirrada ku dhaca oo oogada xula.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hule
m.l Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hule
m.l Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hule
m. n., [collective] scrofula (serious glandular disease)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HULE
[HOLE, HULE] Maerua ?pseudopetalosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HULE
(Hule) C Maerua pseudopetalosa (Gilg&Bened) Dewolf Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hule
-ha: (magac, lab, keli) cudur xun oo qanjidhdhada ku dhaca oo oogada xula. Dh: hudhe, hole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hule
de: scrofula (serious glandular disease)
lx: hule
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: hule
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hull
n., (husk) qolof, -ti, jidhif or jilif, -ti, laf, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sule
-ha: (magac, lab, keli) eeg sula.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulle
-ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo suun amaba xadhig ku xidhan yahay oo lagu kaxeeyo dibida marka beerta lagu qodayo. Dh: shaabuug.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dulle
Soofe ka tirsan soofeyaasha birta lagu soofeeyo ee ah bog la'aan duuban oo isku wada siiban afkana usii dhuubta oo lagu soofeeyo duleellada birta ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
halle
halle, n.f. - barxad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
huile
huile, n.f. - saliid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulge
m.l.kh H. ah: qof wax matare ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulge
-ha: (magac, lab, keli) qof wax matare ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullo
f.mg3 (-laday, -latay) Ugu h.: cid wax ugu gambasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hullo
v. hide behind something; use someone as a scapegoat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullo
(fal) (ugu ~) cid, wax kale ugu gabbo oo isugu sii toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hullo
bw: hillaab
de: hide behind s.t.; [fig.] use s.o. as a scapegoat
lx: hullo
nt: hullasho (/da) [vn6-f]
pd: (hulladay)
ps: v3a=
key: hullo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulqe
(Hulqa-ha)
(qof) waxmatare; liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) Waxmatare; liid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulqe
m. n. (adj.): useless person, good-for-nothing; unproductive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulqe
(tilmaame) waxmatare liita. Dh: liid, doqon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulqe
de: useless person, good-for-nothing; [atr.] unproductive
lx: hulqe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: waxmatare
key: hulqe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salle
salle, n.f. - qol; qol markabka kamid ah oo dadweynaha ka dhexeeya
salle d'armes - meesha hubka la dhigo
salle de spectacle - meesha riwaayada lagu dhigo
salle de bain - qolka lagu maydho
salle de séjour - qolka fadhiga
salle à manger - qolka lagu cunteeyo
salle obscure - shaneemada
salle des pas perdus - aqal weyn oo meel walba u furan sida meesha tareenku ka baxo
salle d'études - waxbarasho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
selle
selle, n.f. - koore; kooraha faraska dhabarkiisa lagu fariisto;
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shale
Gaantay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shall
/shaal/ (v) doona (erey loo adeegsado mustaq-balka, raacana magac-uyaalada I iyo We). e.g. I shall go.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shell
/shel/ (n) 1. qolof (dahaar adag) (n) 2. xabbad (rasaas, saanada qoriga laga rido) (v) 3. qolofta ama dahaar ka qaadid (fiiqid, diirid) 4. xabbad ridid (rasaasayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shell
n., aleel, -shi, laji, -gi or lajo, -adi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shube
nickname-m poem reciter; orator; talkative
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Skull
Lafaha madaxa
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
skull
(n) the bones of the head that make up the brain case and face,
lafta madaxa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
skull
/skal/ (n) lafta madaxa (gungumada madaxa) ~ baso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
skull
n, indolay, -ihi; upper part of the skull, dhako, -adi, kug, ti; each side of the skull, gees, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sully
v.tr., doxbay, wasakhay, uskagay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buulle
nickname-m hut owner, nestler; lit: hut owner or he who lives in a nest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulle
-ha: (magac, lab, keli) qof buul iyo dhogor jirkiisu ku rogantahay. Dh: timo, duf, dogor. buulle: magac ama naanays loo baxsho wiil timo weyn oo buul u eg leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuule
nickname-m he who dresses in a leather a garment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuule
magac loo baxsho wiil hu' ahaan loo xidhay lebbis harag laga sameeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulle
(Guulla-ha)
Keligi guusha leh oo cidduu doono siiya; Ilaah; Eebbe; Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guulle
m. n. giver of victory; God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulle
-ha: (magac, lab, keli) Ilaaha wax kaste abuuray ee awoodda badan. Dh: Eebbe, Rabbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guulle
de: giver of victory; God
lx: Guulle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Guulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quulle
(Quulla-ha)
Miraha jeerinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quulle
m.l.u Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quulle
m.l.u Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quulle
m. n., [collective] wild berry species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QUULLE
Acacia turnbulliana 01: fr
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Quulle
name-m wild nut; lit: born closeby or an environment full of that wild nut-tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quulle
-ha: (magac, lab, keli) midhaha jeerinka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quulle
cf: jeerin
de: wild berry sp.
lx: quulle
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: quulle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
seille
seille, n.f. - weel qori ka samaysan sida dhakalka iwm
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shallo
-shallada: (n) comb (koomb) ~ shanlo, saqaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallo
de: comb
initial: s
lx: shallo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: shanlo
key: shallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanle
(Shanla-ha)
Shan waxyaalood leh ama ku yaalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanle
m. n. five (playing card); something having five of anything
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanle
-shanlaha: (n) playing card that has five numbers ~ turub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanle
-ha: (magac, lab, keli) 'turub' warqad shan dhibcood leh.
shanle -ha: darajo ka mid ah darajooyinka ciidamada. Dh: gaashaanledhexe.
shanle-ha: (magac, lab, keli) shan waxyaalood leh ama ay ku yaalliin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanle
de: five (playing card); s.t. having five of anything
initial: s
lx: shanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shanle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shelve
/shelv/ (n) 1. marfishka ama iskafaale saarid, ku nidaamin (v) 2. dib-u dhigid (waqti dame ka dhigid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiile
magac loo baxsho wiil, eeg Shiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilke
-ha: (magac, lab, keli) qoryaha lagu dagaalamo qori ka mid ah oo dayuuradaha lagu rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubme
m.l (-mayaal, m.l/dh) Hoore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubme
m. n., (mass n.): liquid, fluid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubme
-ha: (magac, lab, keli) dareere aan adkayn oo shubma. Li: adke.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubme
de: liquid, fluid
initial: s
lx: shubme
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: shubme
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulub
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulug
m.l (-gyo, m.dh) Shaati dheer oo ilaa shullaha gaara oo badanaa carabtu qaadato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shulug
m. n. robe worn by Arabs ~ any similar long attire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulug
-ga: (magac, lab, keli) shay maro ah oo gacmaha iyo luqunta marka la gasho isku wada furan. Shulug ayaad soo xidhatay maanta. Dh: khamiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulug
de: robe worn by Arabs ~ any similar long attire
initial: s
lx: shulug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shulug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shumme
m.l la-mid: shummo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shumme
m. n. natural marking (on livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumme
-ha: (magac, lab, keli) summad bar ah; shummay.