shukaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaasi
-ga: (magac, kab, keli) eeg shukaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansi
(Shukaansi-ga)
Shukaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansi
m.l la-mid: shukaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shukaansi
m.l eeg shukaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaansi
vl. n. courting, wooing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaansi
-ga: (n) courtship (koort-shiip); courting (koorting); wooing (wuu-ing); date (dheeyt); go out ~ xodxodasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansi
-ga: (magac, lab, keli) marka wiil iyo gabadhi haasaawayaan. Dh: gaabsi, haasaawe, shukaansad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaansi
a: shukaansad (ka) [vn-m], shukaansasho (/da) [vn-f]
de: courting, wooing
initial: s
lx: shukaansi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: shukaansi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iyo wixi lamida wadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shukaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iyo wixi lamida wadid. m.f.dh, shukaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaami
v. guide, direct, steer; woo, court
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaami
-yey say: (v) court (koort); make advances; woo (wuu); seduce (si-dhuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaami
(fal) cid kale la haasaw. Dh: xodxodo, haasaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaami
de: guide, direct, steer; [fig.] woo, court
initial: s
lx: shukaami
pd: (shukaamiyey)
ps: v2a=tr
key: shukaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaamin
(Shukaamin-ta)
1. Shukaan ku wadid, ku duwduwid.
2. Xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaamin
m.f.dh eeg shukaami. la-mid: shukaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) shukaan ku wadid, ku du'duwid.
shukaamin -ta: (magac, dhedig, keli) xodxodasho shukaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaamis
m.l la-mid: shukaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg shukaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaanse
(fal) qof aad guur ka rabto la haasaw oo la sheekayso. Dh: sasabo, haasaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shukaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Haweeney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho. m.f.dh, shukaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaanso
v. woo ~ court someone on one's own
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaanso
-shukaansaday/shukaansatay: (v) court (koort); make advances; woo (wuu); seduce (si-dhuus) for one's self ~ xodxodo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaanso
cf: haasaaw {C & S}
de: woo ~ court s.o. on one's own
initial: s
lx: shukaanso
pd: (shukaansaday)
ps: v3a=tr
key: shukaanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaam
-ta: (magac, dhedig, keli) loox qori ama wax kale ka samaysan oo baabuurta iyo doonyaha ama maraakiibta lagu wado; shukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaan
(Shukaan-ta)
1. Loox qori ah ama bir oo adag oo ballaaran oo doonnida qaarkeeda danbe ama markabka, faseexado kula dhegsan, oo khashabadda dhoofsan ama seebka lagu wado, lagu duwduwo.
2. Iskujoog, garangar shufeerku qabto iyo xubno kale ka kooban, oo gaadiidka cirka iyo kan dhulka iyo kan badduba lee yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaan
m.dh (-mmo, m.l) 1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iyo wixi lamida. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shukaan
m.dh (-mmo, m.l) 1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iyo wixi lamida. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaan
f. n. steering wheel ~ apparatus of ship, car ~ airplane; cockpit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaan
-ta: (n) steering wheel (steering-wiil); helm (helem) ~ isteerinka baabuurka ama markabka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaan
-ta: (magac, dhedig, keli) loox qori ah ama bir ah oo adag oo ballaadhan oo markabka ama doonnida qaarkeeda danbe, faseexado kula dheggan, oo khashabadda dhoofsan lagu du'duwo, lagu wado.
shukaan-ta: (magac, dhedig, keli) qalab si fudud loo leexleexin karo oo laga huggaamiyo gaadiidka intiisa badan sida baabuurta doonyaha iyo wixii la mid ah. Baabuurka haddaad shukaanta hayn waydo laamiga wuu kaala leexan. Dh: shookaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaan
de: steering wheel ~ apparatus of ship, car ~ airplane; cockpit
initial: s
lx: shukaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: shukaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukami
(fal) gabadh cid u guuri oo ka dhex shaqee. U shukami jaamac gabadh. Dh: haasaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaaki
-ga: (magac, lab, keli) qof shaki miidhan ah; aad u tuhmaad badan, had iyo goor wax tuhma, qof aan waxna kalsooni ku qabin oo shaki badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukayso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweeney shuko xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukayso
v. wear a full cloak and veil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukayso
de: wear a full cloak and veil
initial: s
lx: shukayso
nt: shukaysad (ka) [vn-m], shukaysasho (/da) [vn-f]
pd: (shukaystay)
ps: v3b=intr
key: shukayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansad
(Shukaansad-ka)
Shukaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansad
m.l la-mid: shukaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansad
-ka: (magac, lab, keli) qof dumar ah, hadalo xodxodasho ah, kula hadlid. Dh: koodiin, xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukaamid
(Dhukaamid-da)
Dhukaan ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukaamid
m.f.dh eeg dhukaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka dhukaanka qaadid. Qaniinkii cunay ayaa awrka dhukaamidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalni
-da: (magac, dhedig, keli) wax shakaalan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysi
(Sheekaysi-ga)
Sheekaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysi
m.l la-mid: sheekaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekaysi
-ga: (n) chatting (jaating)-, casual conversation (kon-verseey-shin); gossip ~ sheekeysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysi
-ga: (magac, lab, keli) wada hadal laba qof ama in kabadan dhexmara oo waxyaalo tagay. jooga, soo socda la isaga warramo. Dh: haasaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo shubid; shubitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shucaacid
(Shucaacid-da)
Shucaac soo saarid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shucaacid
m.f.dh eeg shucaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shucaac soo saarid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaysad
(Shukaysad-ka)
Shukaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysad
m.l la-mid: shukaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaysad
-ka: (magac, lab, keli) shuko xirasho: shaadir qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaysan
(qof)
Shuko qaba, huwan, gashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Naag wax shuko gashan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaysan
der. [adjective] enveloped, having the whole body fully covered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaysan
shukaysnayd: (adj) dressed in a loose, usually black robe that covers the body from head to toe and most of the face. Worn by Muslim women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaysan
(tilmaame) shuko qaba; shuko huwan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaysan
de: enveloped, having the whole body fully covered (of Muslim women)
initial: s
lx: shukaysan
pd: (shukaysnaa)
ps: adj-der
see: shuko
key: shukaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shukaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaysasbo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbaayad madaw isku wada xijaabid. Dh: xijaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaysasho
(Shukaysasha-da)
Shuko qaadasho; shaadir huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysasho
m.f.dh eeg shukayso. la-mid: shukaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saasi
(fal) seeji: ka jeedi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaas
deictic, suf. that, those
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaas
a: =-taas after -l
de: that, those
initial: s
lx: shaas
pd: (shaasi)
ps: deic-f-suf
xe: that place
xv: meeshaas
key: shaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaas
(fal) aad u garaac oo dhugta ka saar. Dh: tun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukaas
(fal) xoog u dil oo wax weyn la dhac. Dh: bukaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaci
f.g2 (-iyay, -isay) War iyo wixi lamida faafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaaci
f.g2 (-iyay, -isay) War iyo wixi lamida faafin. m.f.dh, shaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaaci
v. spread, diffuse (news), propagate; divulge; cause to glare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaaci
-yey / say: (v) publicize (pab-lisaayz); make known; reveal (riviil) ~ faafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaci
(fal) war, arrin iyo wixii la mid ah, oo dahsoon ama la qarinayo, baahi. Arintan waxba ha garinine shaaci. Dh: faafi, fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaaci
de: spread, diffuse (news), propagate; divulge; cause to glare
initial: s
lx: shaaci
pd: (shaaciyey)
ps: v2a=tr
key: shaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaafi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin. m.f.dh, shaafiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaafi
v. cure a sick person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaafi
name-m healer, mediator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafi
(fal) 'awood Rabbi' bogsii; caafimaad sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaafi
de: cure a sick person
initial: s
lx: shaafi
pd: (shaafiyay / shaafiday)
ps: v1=tr
key: shaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahi
shaahi¹: m.l la-mid: shaah¹.
shaahi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid shaah siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahi
m. n., (mass n.): tea
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahi
a: shaah
de: tea
initial: s
lx: shaahi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shaahi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaani
-ga: (magac, lab, keli) shacni iyo qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaaqi
(Shaaqi-ga)
Qof shaqo haya; shaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaqi
m.l (-iyo, m.dh) Nin shaaqale ah oo dadaal bandan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaaqi
m. n. worker, servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaaqi
-ga: (n) hard worker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaqi
-ga: (magac, lab, keli) qof shaqaale ah. Axmad waa shaaqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaaqi
de: worker, servant
initial: s
lx: shaaqi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shaaqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaash
(Shaash-ka)
1. Timo dheer oo ka baxa surka docdiisa kore iyo dhinacyadiisa (sida kuwa aarka libaaxa, gisida Ameerika dibideeda, ...).
2. Masar badanaa xariir ah oo midabyo badan oo dumarku madaxa ku xirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaash
m.l (-shash, m.l) 1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iyo wixi lamida. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.