shukaasasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shukaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansasho
(Shukaansasha-da)
Xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansasho
m.f.dh eeg shukaanso. la-mid: shukaansasd, shukaansi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaansasho
-shukaansashada: (n) the act of courting or wooing to gain love or affection; seduction (se-dhak-shin) xodxodasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) xodxodasho: koodiin: shukaansad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shukaansasho
تَغَزَلتَحَبُّب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaysasho
(Shukaysasha-da)
Shuko qaadasho; shaadir huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysasho
m.f.dh eeg shukayso. la-mid: shukaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaysasbo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbaayad madaw isku wada xijaabid. Dh: xijaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysasho
(Sheekaysasha-da)
Sheekooyin isu sheegsheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysasho
m.f.dh eeg sheekayso. la-mid: sheekaysad, sheekaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheekays sheekaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shukaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Haweeney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho. m.f.dh, shukaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shukaanso
v. woo ~ court someone on one's own
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaanso
-shukaansaday/shukaansatay: (v) court (koort); make advances; woo (wuu); seduce (si-dhuus) for one's self ~ xodxodo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shukaanso
cf: haasaaw {C & S}
de: woo ~ court s.o. on one's own
initial: s
lx: shukaanso
pd: (shukaansaday)
ps: v3a=tr
key: shukaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukayasho
(Dhukayasha-da)
Dhukay iska bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukayasho
m.f.dh eeg dhukayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhukayasho
vl. n. removing ear wax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukayasho
-da: (magac, dhedig, keli) cukayga iska gurid oo dhegaha nadiifsasho. Dh: cukayasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhukayasho
de: removing ear wax
lx: dhukayasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhukayasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakabsasho
m.dh la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajibka sakada gudasho; sako bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukulasho
m.dh la-mid: sukulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuqsasho
m.f.dh eeg shuuqso. la-mid: shuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) 'wax wax qoyan ku dhexjirey' bushmaha ku qabasho oo soo nuugid; shuuqsi.
shuuqsasho-da: (magac, dhedig, keli) cunto qof gaar u leeyahay oo uu kii yoon cid kale u ogalayn kaligii kolba in yar ka cunaya oo tashiilanaya. Shuuqsashada kelinimada ah waligi waa yaqaannaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugaysasho
m.f.dh eeg dhugayso. la-mid: dhugaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira aqoon ka biirsasho oo xoghoosaad ka raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsasho
m.f.dh eeg hakaabso. la-mid: hakaabsad, hakaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bootin isku diyaarin oo hareeraha qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si araggeegu cidhiidhi yahay, wax ugu fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysasho
(Shaqaysasha-da)
Shaqo qabsasho; xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysasho
m.f.dh eeg shaqayso. la-mid: shaqaysad, shaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho; hedlasho; shaqaysi; shaqo aad leedahay qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifaysasho
(Shifaysasha-da)
Shifo wax ku cunid, ku cabbid; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifaysasho
m.f.dh eeg shifayso. la-mid: shifaysad, shifaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shifo ku cunid, ku cabbid; calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacasho
m.f.dh eeg shiraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac xirasho; sida doon iyo wixii la mid ah rarkii loo dhammeeyey oo shiraacii loo xidhay oo ka dhaqaaqaysa marsada. Dh: shiraacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ambabixid iyo socdaal u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraysasho
(Shiraysasha-da)
Neef shiro u qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraysasho
m.f.dh eeg shirayso. la-mid: shiraysad, shiraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shidhaysad; shiraysi, neef shidho ah qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusacsasho
m.dh la-mid: suusucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysnaansho
m.l/dh la-mid: shukaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashahaadasho
m.f.dh eeg ashahaado².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashahaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay kelinimadiisa aqoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsasho
m.f.dh eeg dharaarso. la-mid: dharaarsad, dharaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukanaansho
(Dhukanaansha-ha)
Wax dhukan ahaansho; dhukanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukanaansho
m.l/dh la-mid: dhukanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukanaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) eeg dhukanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaadasho
m.f.dh eeg dhulqaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuxsasho
m.f.dh eeg dhunkuxso. la-mid: dhunkuxsad, dhunkuxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hankaabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsasho
(Hummaagsasha-da)
Arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin; biciriirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsasho
m.f.dh eeg hummaagso. la-mid: , hummaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si hihbiriirsi ah wax u eegid. Dh: himbiriirsi, humaagsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsasho
m.f.dh eeg khabaarso. la-mid: khabaarsad, khabaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) warar iyo xog ka raadsasho; waraysasho; akhbaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaafsasho
m.f.dh eeg khawaafso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cabsi ku ridasho. Dh: baqsasho, didsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansasho
m.dh la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaysasho
m.dh la-mid: shaabbadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlaysasho
m.f.dh eeg shanlayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) feerasho; firasho; feedhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef ari ah shidhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysasho
m.f.dh eeg shiilayso. la-mid: shiilay-sad, shiilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubsasho
m.f.dh eeg shushubso. la-mid: shushubsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sintaacsasho
m.dh la-mid: sitaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadaysasho
m.l la-mid: shaabbadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalnaansho
m.l/dh la-mid: shakaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabasho
(Haabasha-da)
1. Waxaan indhaha lagu arkayn, gacan ku raadin, ku doonid.
2. Wax durugsan gacantogaaleyn: tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haabasho
m.f.dh eeg haabo. la-mid: haabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haabasho
vl. n. act of feeling, groping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haabasho
-haabashada: (n) the act or an instance of groping (gorooping); or scrabbling (iskaraabeling) ~ haabhaabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gacanta ku laacid. Shaadhka gidaarka sudhan haabasho ku gaadhi mayside kacoo soo qaado. Dh: laacitaan. Wa: haabhaabasho.
haabasho -da: (magac, dhedig keli) eeg haabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haabasho
a: haabad (ka) [vn2-m]
de: act of feeling, groping
lx: haabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: haabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawasho
(Haawasha-da)
(weel, kd.) aan dabool saarrayn oo dabayl badani gudihiisa geleyso; afkalahayn; daloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawasho
m.f.dh eeg haawo. la-mid: haawad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, oo aan dabool saarnayn, gudihiisa na dabayshu galayso. Haawashada ka ilaali weelka oo afka wax ka saar.
haawasho -da: (magac, dhedig, keli) hadaaqis iyo isla hadlid aan macno lahayn; hadal aan milgo lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habsasho
(Habsasha-da)
Si culus meel ugu dhicid, tabarxumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsasho
m.f.dh eeg habso². la-mid: habsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsasho
vl. n. act of collapsing ~ falling to pieces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tabarxumo darteed, si xun oo culus meel ugu dhicid ama ka kici waa.
habsasho -da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo wax kale dusha kaga soo dhaca oo ku bahardaadsada ama wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsasho
de: act of collapsing ~ falling to pieces See also: habsad
lx: habsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: habsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsasho
(Harsasha-da)
Kulaylka qorraxda meel hoos ah ka gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsasho
m.f.dh eeg harso. la-mid: harsad, harsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh ah ama hoos leh, joogsad. Dh: hadhsi, harsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haysasho
(Haysasha-da)
Wax lihi ah ama aan ahayn, qof u joogid, gacan ugu jirid; lahaansho; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysasho
m.f.dh eeg hayso. la-mid: haysad, haysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haysasho
-haysashada: (n) possession (pozashen). Ex: waxaa lagu xiray haysasho hanti la soo xaday; he was arrested for possession of stolen property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti iyo wixii la mid ah, gacanta ku jirid, lahaansho. Dh: qabid, mulkiyid, haysad, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsasho
(Hubsasha-da)
Hubin.