shuftow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Shufto noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftow
(fal) shufto noqo; mid wax dhaca noqo.
shuftow-ga: (magac, lab, keli) qof dad dariiq isu taaga oo baadha. Dh: dhuljiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shufto
(Shufta-da)
Dad qaanuunka ka baxsan oo wax layn iyo dhac ku nool; qowleysato; dooxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shufto
m.dh (-ooyin, m.l) Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shufto
f. n. robber, bandit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shufto
shuftada: (n) robber band; pirate (piiraat); marauder (ma-rood-her); plunderer (palan-dherer) qawlaysato, burcad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufto
-da: (magac, dhedig, keli) dad qaynuunka ka baxsan oo wax layn iyo dhac ku shaqaysta oo u go'ay. Shufto aan cidi ka nabad galayn baa shaarica taagan. Dh: dooxato, mooryaan, qawlaysato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shufto
de: robber, bandit
initial: s
lx: shufto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shufto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftaw
(fal) mid wax dhaca noqo; shufto noqo.
shuftaw -ga: (magac, lab, keli) mid hubaysan oo dadka dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufay
(fal) shufto noqo; shuftow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuftoob
inch. v. become a bandit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuftoob
-shuftoobay / shuftowday: (v) become a gang-robber, plunderer, pillager, sacker or spoiler
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuftoob
de: become a bandit Alt sp: shoftow
initial: s
lx: shuftoob
pd: (shuftoobay)
ps: v1=inch
key: shuftoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haftow
inch. v. gasp, pant, be out of breath
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haftow
de: gasp, pant, be out of breath
lx: haftow
nt: haftood (ka) [vn2a-m]
pd: (haftooday)
ps: v3a=inch
key: haftow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) Qof dhac iyo dil u banbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuftee
v. be a robber ~ bandit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftee
(fal) dadka dariiqa isu taag oo boob Dh: dhuljiifee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuftee
de: be a robber ~ bandit
initial: s
lx: shuftee
pd: (shufteeyey)
ps: v2b=intr
key: shuftee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtow
suurtow¹: m.l la-mid: suurow¹.
suurtow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: suurow².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suurtow
inch. v. be ~ become possible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suurtow
-suurtoobay / suurtowday: (v) become real, possible or work able ~ suuroob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtow
-ga: (magac, lab, keli) eeg suurtoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suurtow
a: suuroob
de: be possible Alt sp: suurtoob
initial: s
lx: suurtow
pd: (suurtoobay)
ps: v1=inch
key: suurtow
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shufto-da
bandit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhugato qaadid (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhugatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuntow
(Dhuuntow-ga)
Cudur dalqada ku dhaca; majin: qun; xoqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuntow
m. n. disease of the throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuntow
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha ku dhaca oo loo dhinto. Dh: xoqato, majin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuntow
de: disease of the throat
lx: dhuuntow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhuuntow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftayn
(Shuftayn-ta)
1. Shufto noqosho.
2. Shufto ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftayn
m.f.dh eeg shuftee. la-mid: shuftays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shufto ka dhigid, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftays
m.l la-mid: shuftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftays
-ka: (magac, lab, keli) shufto samayn; dadka dadka booba noqosho. Dh: jidgooys.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Shutdown
Shaqo joojin, damin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suufiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Suufi noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suufiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Suufi noqosho. m.f.dh, suufiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suufiyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg suufiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftoobid
(Shuftoobid-da)
Shufto noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftoobid
m.f.dh eeg shuftow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shufto noqosho; shuftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Show
Malaha; mindhaa; armaa; sow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
show
fk.we la-mid: sow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
show
class: what if ...?; suppose that ...; perhaps, possibly, maybe
show [conjunction] but, on the contrary
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
show
/show/ (v) 1. tusid (v) 2. muuqad (muuqasho) (n) 3. ban-dhig (bandhig film, riwaayad iwm) (n) 4. carwo (bandhig alaabeed).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
show
(falkaabe) weydiineed oo la macne ah 'malaha'. Dh: mindhaa; armaa; sow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
show
v.tr., tus, soo tus, muuji; n., tusniin, -ti, muujis, -ki, muujniin, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shut
/shat/ (v) xirid (xir).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shut
a., daboolan, xidhan, oodan; v.tr., xidh, abudh, dabool; shut your eyes, il isku qabo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stow
/stow/ (v) meel ku xafidid (meel gelin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) la-mid: dhifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufo
v. pull with a jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufo
-dhuftay / dhufatay: (v) pul (puul); jerk (jerk); give a sudden quick pull ~ dhifo [opposite of riix] Ex: soo dhifo; pull back,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufo
(fal) wax, si xoog ah u gundhi.
dhufo: (fal) si degdeg ah wax ula bood oo xaf sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufo
de: pull with a jerk
lx: dhufo
pd: (dhuftay / dhufatay)
ps: v3b=
key: dhufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufow
(Dufow-ga)
Dufoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufow
dufow¹: m.l la-mid: dufoobid.
dufow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dulloobey noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufow
m. n. person who is going wrong ~ worsening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufow
(fal) dullow oo sidii hore si ka sii liidata ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufow
de: person who is going wrong ~ worsening
lx: dufow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dufow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafto
(Hafta-da)
Qof (ama nafley kale) oo orda ama si kale u cayaara ama u hawshooda, neefta ku ceshanta oo dabadeed xoog uga timaadda; neeftuur; xuurto; dubburyo, xiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafto
m.dh Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hafto
m.dh Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafto
f. n. breathlessness, panting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hafto
-haftada: (n) exhaustion (igzoosshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafto
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis ay wada galaan kan wax iibsaday iyo kan laga iibsaday oo wixii lala kala wareegi lahaa aan markiiba la bixine, si kala durugsan lagu bixbixiyo. Dh: hafad.
hafto -da: (magac, dhedig, keli) xanuun ay sambabbadu si fiican u shaqayn waayaan oo lagu neefqabatoobo. Dh: neef, xiiq, xuurto, dubburyo.
hafto-da: (magac, dhedig, keli) alaabta hafdadda lagu iibiyo ee qiimaheeda marba badh la bixiyo. Dh: hafdad.
hafto-da: (magac, dhedig, keli) lacag ay tiro dad ahi isku darsadaan oo si wareegta ah kolba qof loo siiyo. Dh: hagbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafto
de: breathlessness, panting
lx: hafto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hafto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufto
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha maansada mid ka mid ah eeg: kusinaan dharaartii lasargooyey dunidee rabigay sameeyee, cirka sare utaagee xidigahan siraatiyo dayax soodimeeriyo lagu sugay cadcedee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee. Jiifto waa qayb mihiim ah oo kujirta maasada Soomaalida. Wa: jiiftooyin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shaft
/shaaft/ (n) 1. daab sida kan faaska. 2. shucaac (ilays yar) 3. bir duuban oo quwadda matoorka gudbisa sida birta lugaha baabuurka wareejisa. 4. kabaalada gaari-faraska lugu xiro.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Shaft
harqood
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shaft
n., (an arrow) fallaadh, -di, gantaal, -shi; (the wooden part of an arrow) gamuun, -ki, leeb, -ki; a poisonous shaft, qamis, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifo
(Shifa-da)
1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan.
2. (Shifo!) Erey duco ah oo cunnada ama cabbidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifo
m.dh 1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shifo
m.dh 1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shifo
f. n. blessing said before the meal
shifo inter. good health!, to your health!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shifo
name-f good health
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shifo
(interjection); an expression used to wish good health to a person; gesundheit (ge-suundh-haayt); usually when someone chokes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shifo
magac loo baxsho gabadh dhib jirtay daawaysay oo lagu bogsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifo
eray lagu yidhaahdo qofka wax uu cunayo ama cabbayo ku saxda.
shifo-da: (magac, dhedig, keli) eray la yidhaahdo marka qof wax cunayaa uu saxdo, ama ila cun ku dhaha adoon rabin cuno.
shifo -da: (magac, dhedig, keli) caafimaad wax lagu cabbo ama lagu cuno; fiyoobi; ladnaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shift
/shift/ (v) 1. ka baddalid (jihada ama meesha ka baddalid) (n) 2. koox shaqaale ah oo mar shaqada wada gala; xilli-shaqo la galo (waqti- go'an oo la shaqeeyo)(v) 3. wareejin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Shift
Qaadid, isbeddel
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shift
n., xikmad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shito
m.dh (-ooyin, m.l) Siil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shito
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka ee dhedigga. Dh: laan, sabiil, siil.
shito -da: (magac, dhedig, keli ) magacyada loo canbarka midkood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shoft
Haro mulxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Hoore, badar iyo wixi lamida meel ku geddisasho. 2. Xoolo waraabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shubo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Hoore, badar iyo wixi lamida meel ku geddisasho. 2. Xoolo waraabsasho. m.f.dh, shubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubo
v. pour for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shubo
shubtay/shubatay: (v) pour in, put into for one's self. Ex: koob ku shubo; pour a cup [for yourself]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubo
(fal) dareere iyo wax la mid ah oo ad doonaysid, weel ku hoorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubo
de: pour for oneself
initial: s
lx: shubo
pd: (shubtay)
ps: v3b=tr
key: shubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuko
(Shuka-da)
Maro badanaa madow oo dumarku qaato oo oogada wada qarisa; shaadir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuko
m.dh (-ooyin, m.l) Maro badanaa midab madow leh oo dumarka muslinka ahi qaataan oo oogada dhan wada qarisa; shaadir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuko
m.dh (-ooyin, m.l) Maro badanaa midab madow leh oo dumarka Muslinka ahi qaataan oo oogada dhan wada qarisa; shaadir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuko
f. n. enveloping cloak and veil, generally black, worn by women and covering the whole body