shuftee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) Qof dhac iyo dil u banbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuftee
v. be a robber ~ bandit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftee
(fal) dadka dariiqa isu taag oo boob Dh: dhuljiifee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuftee
de: be a robber ~ bandit
initial: s
lx: shuftee
pd: (shufteeyey)
ps: v2b=intr
key: shuftee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufbeel
(fal) aad u gubo oo dumudhi. Dh: basbeel, gubo, dumudh.
shufbeel -ka: (magac, lab, keli) basid; baaba'; dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haftee
f.g2 (-eeyay, -eysay) Nafley aad u cayrin si ay u xiiqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haftee
(fal) nafley aad u caydhin si ay u xiiqdo oo u daasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Dhaawac daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shufto
(Shufta-da)
Dad qaanuunka ka baxsan oo wax layn iyo dhac ku nool; qowleysato; dooxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shufto
m.dh (-ooyin, m.l) Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shufto
m.dh (-ooyin, m.l) Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shufto
f. n. robber, bandit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shufto
shuftada: (n) robber band; pirate (piiraat); marauder (ma-rood-her); plunderer (palan-dherer) qawlaysato, burcad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufto
-da: (magac, dhedig, keli) dad qaynuunka ka baxsan oo wax layn iyo dhac ku shaqaysta oo u go'ay. Shufto aan cidi ka nabad galayn baa shaarica taagan. Dh: dooxato, mooryaan, qawlaysato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shufto
de: robber, bandit
initial: s
lx: shufto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shufto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Ul afkeed iyo wixi lamida wax ku mudmudid. 2. Badar si ishu uga baxdo aayar kal ku tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuqee
v. prod, press ~ compress, force (with an implement)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuqee
-yey/shuqeysay: (v) prod or jab with a pointed object repeatedly ~ ku shuqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqee
(fal) ul afkeed iyo wixii la mid ah, wax meel gudaheed ku jira ku guguji oo ku mudmud si uu dibedda ugu soo baxo. Shuqee hogg masasku ha ka soo baxaane. Dh: juqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuqee
cf: juqee, mud
de: prod, press ~ compress, force (with an implement)
initial: s
lx: shuqee
pd: (shuqeeyey)
ps: v2b=tr
key: shuqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuflee
(fal) marka la dabbaalanaayo lugaha dhaqdhaqaaji oo biyaha la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shufeer
* (Shufeer-ka)
Kan baabuurrada wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shufeer
m. n. driver, chauffeur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shufeer
-ka: (n) chauffeur (shu-feer); driver (dharaay-ver); motorist (moota-riist) darawal, wade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufeer
-ka: (magac, lab, keli) kan baabuurta wada; darewal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shufeer
de: driver, chauffeur
initial: s
lx: shufeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dareewal {C & S < Eng}
key: shufeer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shuffle
/shafal/ (v) 1. baan-dhayn (shaan-dhaynta turubka iwm) 2. luudid (si tartiib ah oo caga jiid ah u socosho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftaw
(fal) mid wax dhaca noqo; shufto noqo.
shuftaw -ga: (magac, lab, keli) mid hubaysan oo dadka dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Shufto noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftow
(fal) shufto noqo; mid wax dhaca noqo.
shuftow-ga: (magac, lab, keli) qof dad dariiq isu taaga oo baadha. Dh: dhuljiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid dhunkasho. la-mid: shummi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummee
v. kiss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummee
(fal) calaamad bar ah u yeel. Dh: amaaradee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummee
de: kiss Alt sp: shumee
initial: s
lx: shummee
pd: (shummeeyey)
ps: v2b=tr
key: shummee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shutter
/shatar/ (n) 1. qaybta daaqadda ee alwaaxda ah oo dibadda laga soo xiro (albaabka daaqadda) 2. daloolka yar ee kaamarada oo furma kolka masawirka laqaadayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shuttle
/shatal/ (n) 1. gaadiid laba-meel ka dhex shaqeeya (soo-socod iyo sii-socod safar ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuxlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuxlee
v. walk with elegance, be elegant, dress elegantly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuxlee
(fal) isqurxi oo xarragoo. Shuxlee oo uskagaga iska dhawr intaad dhalinyarada tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuxlee
de: walk with elegance, be elegant, dress elegantly
initial: s
lx: shuxlee
pd: (shuxleeyey)
ps: v2b=intr
key: shuxlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashkatee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) la-mid: ashtakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashkatee
v. accuse; sue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ashkatee
-yey I ashkataysay: (v) make a formal accusation or bring a formal charge; complain (kam palaayn); charge (jaarji) ~ askatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashkatee
(fal) dacwee oo ashkatee. Ashkatee haddii uu ku aflagaadeeyay. Dh: dacwee. Li: saamax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashkatee
de: accuse; sue
lx: ashkatee
pd: (ashkateeyey)
ps: v2b=tr
see: ashtakee
key: ashkatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuurtee
m.dh Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scuotere
v.tr.- ruxid, gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftayn
(Shuftayn-ta)
1. Shufto noqosho.
2. Shufto ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftayn
m.f.dh eeg shuftee. la-mid: shuftays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shufto ka dhigid, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftays
m.l la-mid: shuftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftays
-ka: (magac, lab, keli) shufto samayn; dadka dadka booba noqosho. Dh: jidgooys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuftoob
inch. v. become a bandit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuftoob
-shuftoobay / shuftowday: (v) become a gang-robber, plunderer, pillager, sacker or spoiler
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuftoob
de: become a bandit Alt sp: shoftow
initial: s
lx: shuftoob
pd: (shuftoobay)
ps: v1=inch
key: shuftoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharmuutee
v. turn (a woman) into a prostitute, make someone become a whore
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharmuutee
de: turn (a woman) into a prostitute, make s.o. become a whore
initial: s
lx: sharmuutee
pd: (sharmuuteeyey)
ps: v2b=tr
key: sharmuutee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) basid; baabi'id; dhammaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
huée
huée, n.f. - qaylo dheer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shut
/shat/ (v) xirid (xir).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shut
a., daboolan, xidhan, oodan; v.tr., xidh, abudh, dabool; shut your eyes, il isku qabo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chute
/juut/ (n) kanaal hoos u janjeera, oo wixii lugu rido hoos u qaada (gudbiya).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chute
chute, n.f. - Soo dhicid; Dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cufee
v. stuff, plug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cufee
-yey / cufaysay: (v) stop up; insert something as a plug; plug (palaag), staff ~ cub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufee
(fal) eeg cufay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cufee
de: stuff, plug
lx: cufee
pd: (cufeeyey)
ps: v2b=
key: cufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid. m.dh, dufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufee
v. spoil, degrade, ruin; humiliate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufee
(fal) duf ka dhig. Maydhaxda aad kebedda ku samaynayso dugfee.
dufee: (fal) xumee oo sidii hore si ka sii liidata ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufee
de: spoil, degrade, ruin; humiliate
lx: dufee
pd: (dufeeyey)
ps: v2b=tr
key: dufee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futee
(fal) eeg futay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Meel guf gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Meel guf gelin. m.f.dh, gufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gufee
v. plug (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gufee
-yey / gufeysay: (v) stop or seal with a plug or cork; cork (koork); clog (kaloog) ~ cub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufee
(fal) meel daloosha ama bannaan wax geli. Dh: juf, awd, furee. Li: bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gufee
de: plug (up)
lx: gufee
pd: (gufeeyey)
ps: v2b=tr
key: gufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitee
f.g2 (-teeyay, -taysay) 1. Cid ka aargudasho. 2. Qof ceeb ka rogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hitee
v. slander
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hitee
de: slander
lx: hitee
pd: (hiteeyey)
ps: v2b=
key: hitee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin. m.f.dh, hubayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubee
v. arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubee
-yey / hubeysay: (v) equip with weapons; arm (aarrn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubee
(fal) cid kale, hub dagaal sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubee
de: arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
lx: hubee
pd: (hubeeyey)
ps: v2b=tr
key: hubee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hutte
hutte, n.f. - darqad; cariish; mundul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufee
f.g 2 (-feeyay, -feysay) 1. Meel daloosha wax ku gufayn. 2. Samayo waran jufo gelin. la-mid: jifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufee
v. insert a plug ~ cork with force
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufee
a: jifee
de: insert a plug ~ cork with force
lx: jufee
pd: (jufeeyey)
ps: v2b=tr
key: jufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: sifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safee
v. clean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safee
-yey/safeysay: (v) make clean or pure; cleanse (kaleensi); purify (piyuu ri faay) nadiifi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safee
(fal) qashin, boodh ama wasakh, ka bi'i. Safee gaadhiga dushiisa. Dh: nadiifi. Li: wasakhee, uskagee.