shootoli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shootoli
m.l la-mid: sootoli.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shootoli
Jute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shootol
-ka: (magac, lab, keli) xarig dhumuc yaroo xarkaha jawaanada laga sooho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sootoli
m.l (-iyo, m.dh) 1. Maxaar dheer oo lagu tolo jawaanada, qobtollada iyo wixi lamida. 2. Xarig dufta jawaanka ka samaysan oo loo isticmaalo tolidda jawaanada, qobtol-lada iyo wixi lamida. la-mid: shootoli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sootoli
m.l (-iyo, m.dh) 1. Maxaar dheer oo lagu tolo jawaanada, qobtollada iyo wixi lamida. 2. Xarig dufta jawaanka ka samaysan oo loo isticmaalo tolidda jawaanada, qobtollada iyo wixi lamida. la-mid: shootoli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sootoli
-ga: (magac, lab, keli) shootali. sooyaal -ka: (magac, lab, keli) wixii la soo maray oo jilba uu jiil ka soo gaadhey. Dh: taariikh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shootali
-ga: (magac, lab, keli) xadhig dhumuc yar oo xadhkaha jawaannada laga sooho; sootoli.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jute
Shootoli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxaad
(magac'uyaal) erey su'aaleed ka horreeya weedh wardoon ah oo ku wajahan lala hadlaha. Hooyo maxaad weydood la waalan?
maxaad -ka: (magac, lab, keli) aalad sida irbadda ah hayeeshee dherer iyo dhumucba ka weyn oo joonyadaha iyo rarka muurka lagu tolo. Xadhig iyo maxaad qaado oo jawaannada wada toltol. Dh maxaadh, shootoli, midhxaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxaadh
-ka: (magac, lab, keli) aalad sida irbadda ah hayeeshee dherer iyo dhumucba ka weyn oo joonyadaha iyo rarka muurka lagu tolo. Dh maxaad, shootoli, midhaadh..
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shooli
nickname-m boaster, bragger. Syn: Dhoodaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolli
magac loo baxsho wiil yaraantiisii xarrago iyo faan badnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sootali
-ga: (magac, lab, keli) xadhig dhumuc yar oo aha xadhakaha jawaanda laga sooho. Sootali ayaan soohay maanta. Dh: shootali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooto
(Hoota-da)
1. Waran yar; eebo.
2. Baaqimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waran oo lagu dagaallamo; eebo. 2. Neef dhashiisa ma ahee dhasha kale nuugto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooto
f. n. small spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooto
-hootada: (n) spear (ispiiyer) ~ waran, eebo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooto
-da: (magac, dhedig, keli) neef caano yar laga liso oo aan ayro ahayn. Dh: gabno. Li: ayro.
hooto-da: (magac, dhedig, keli) waran yar oo ragu ku dagaalamo. Dh: eebo.
hooto-da: (magac, dhedig, keli) daruur yar oo biyo xoog ah shubta. Dh: daruur.
hooto -da: (magac, dhedig, keli) hal madi ah oo hadhuubka raacda oo ku caatowda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooto
cf: eebo
de: small spear
lx: hooto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hooto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) Faanid (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shool
v. boast, brag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shool
(fal) faan; is'ammaan; tookh; dhood.
shool -ka: (magac, lab, keli) cid kale, u faanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shool
de: boast, brag
initial: s
lx: shool
pd: (shoolay)
ps: v1=intr
key: shool
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shoot
Xiddo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shoot
/shuut/ (v) 1. toogasho (xabbad ku ridid) 2. ku tuurid (halgaadid) 3. roorid (dhakhso u roorid) 4. masawir ama filin qaadid 5. fuf (naq iyo caleemo aan roob ku bixin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shoot
n., (branch) laan, -ti, daragad, di, yacay, -gi, curdan, -ki.
shoot: v.tr., (cast forth) kaga rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooli
-ga: (magac, lab, keli) baabuur gurmadka degdegga ah loo adeegsado oo bukaanka iyo dadka halista ah lagu qaado. Dhakhtarka waxa loogu deeqay labo dhooli. Dh: ambalaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobol
m. n. actor, artist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobol
de: actor, artist
lx: hoobol
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hoobol
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shoobo
nickname-f dandy, fop, carefully elegant dresser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shooki
* (Shooki-ga)
Saldhigyada iyo jagooyinka yaryar oo ciidanka nabadda gudaha ilaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooki
m.l (-iyo, m.dh) Saldhig boolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shooki
m. n. police-station
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooki
-ga: (magac, lab, keli) god ama meel cidla ah. Shooki aan cidi joogin waa xabaala shareeran. Dh: cidla'.
shooki -ga: (magac, lab, keli) saldhigyada yaryar iyo jagooyinka ay ciidamada nabadgalyada ilaaliyaa ay fadhiistaan. Shookiga ayaa la igu xidhay. Dh: shooki, kille.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shooki
de: police-station
initial: s
lx: shooki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shooki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. la-mid: shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shooko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. la-mid: shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooko
-da: (magac, dhedig, keli) cudur indhaha ku dhaca. Dh: dhalaad.
shooko -da: (magac, dhedig, keli) shookad; qodax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoolo
m.dh Meel loogu dhakado neefka (ugaar) la rabo in la khatalo; shoomo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolo
-da: (magac, dhedig, keli) meel loogu. dhakado neefka ama ugaadha la rabo in la khatalo. Dh: shoomo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOORI
(Sciori) S Afzelia quazensis Welw. Caesalpinaceae.
S Sesbania sesban (L) Merr. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooxo
m.dh (-ooyin, m.l) Balli yar oo meel xaani ah ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooxo
-da: (magac, dhedig, keli) balliyar oo meel xaani ah ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soolli
-ga: (magac, lab, keli) maguug aan mid mid ma dhaafaankiis ka dhacda yeelan; ishin qaalmood: wax kasta oo qurux; qiimi iyo qaab-sami yeesha. Dh: xul, muquuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kootali
m.l (-iyo, m.dh) Nin aan ilaah iyo Nabigiisa rumaysnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kootali
(tilmaame) nin aan Ilaah iyo Nebigiisa rumaysnayn.
kootali -ga: (magac, lab, keli) qofka haysta mad-habka Kootaliga (Katooliga) ee diinta Masiixiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoolid
(Shoolid-da)
Faanid, is'ammaanid; tookhid; dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoolid
m.f.dh eeg shool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolid
-da: (magac, dhedig, keli) faanid, is ammaanid, Dh: tookhid, dhoodid, shooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shoolid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOORLE
(Shorle) N Ficus thonningii Blume. Moraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoqfol
m.dh la-mid: shaqfal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shoqfol
f. n. arm pit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoqfol
-sha: (magac, dhedig, keli) kilkilo; shaqfal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shoqfol
de: arm pit
initial: s
lx: shoqfol
pd: (/sha)
ps: n1-f
see: shaqfal
key: shoqfol
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shortly
/shoortli/ (adv) dhakhso (kol dhow, wax-yar ka dib).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shoot up
/shuut ap/ (v) kor-u kicid (cirka isku-shareerid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Shooting
Toogasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shoot down
/shuut dhawn/ (v) soo ridid (diyaarad dhulka ku soo ridid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
apostolic
apostolical, a., rasuuli, -gi; the Apostolic religion, diinta rasuuliga ah, diinta rasuulyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoosaali
(fal) ciyaar badan oo qosol weheliyo dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoggoli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax isku laabid. 2. Arrin go'aan ka gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogoggoli
v. bend (around)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogoggoli
(fal) qaabkii la rabay u soo dhowee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogoggoli
de: bend (around)
lx: hogoggoli
pd: (hogoggoliyey)
ps: v2a=
key: hogoggoli
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
shoot (v)
dhedaal (habat)
toogasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shortfall
/shoort fool/ (n) hoos-u dhac (yaraan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
short-lived
/shoort layvdh/ (adj) cimri-gaaban.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shortcoming
/shoort-kamin/ (n) iin, nusqaan (iinta qof leeyahay).