shooki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shooki
* (Shooki-ga)
Saldhigyada iyo jagooyinka yaryar oo ciidanka nabadda gudaha ilaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooki
m.l (-iyo, m.dh) Saldhig boolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shooki
m. n. police-station
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooki
-ga: (magac, lab, keli) god ama meel cidla ah. Shooki aan cidi joogin waa xabaala shareeran. Dh: cidla'.
shooki -ga: (magac, lab, keli) saldhigyada yaryar iyo jagooyinka ay ciidamada nabadgalyada ilaaliyaa ay fadhiistaan. Shookiga ayaa la igu xidhay. Dh: shooki, kille.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shooki
de: police-station
initial: s
lx: shooki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shooki
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shook
/shuuk/ (v) (shake, oo fal tagay ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. la-mid: shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shooko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. la-mid: shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooko
-da: (magac, dhedig, keli) cudur indhaha ku dhaca. Dh: dhalaad.
shooko -da: (magac, dhedig, keli) shookad; qodax.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shooli
nickname-m boaster, bragger. Syn: Dhoodaan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOORI
(Sciori) S Afzelia quazensis Welw. Caesalpinaceae.
S Sesbania sesban (L) Merr. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxsan
-aa: (adj) shocked (shookidh); panicked (paanikidh); scared (iskeeridh) frightened (faraaytinidh) ~ baqsan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
police-station
n., shooki, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoobid
(Shoobid-da)
Xarragood; mardaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoobid
m.f.dh eeg shoob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood: mardaadiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shookad
m.dh 1. Bar yar, cad oo isha dhexdeeda (birteeda) ku samaysanta. 2. la-mid: shooko (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shookad
-da: (magac, dhedig, keli) cudur indhaha ku dhaca oo wiilku caddaado. Dh: dhalaad.
shookad-da: (magac, dhodig, keli) xubnaha yaryar ee fiiqfiiqan oo wax muda oo geedaha qaarkood ka baxa. Dh: qodax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoolid
(Shoolid-da)
Faanid, is'ammaanid; tookhid; dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoolid
m.f.dh eeg shool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolid
-da: (magac, dhedig, keli) faanid, is ammaanid, Dh: tookhid, dhoodid, shooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolli
magac loo baxsho wiil yaraantiisii xarrago iyo faan badnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooxid
-da: (magac, dhedig, keli) sheemid: hoos'u'reemid; shooxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooxis
-ta: (magac, dhedig, keli) shooxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hook
Jllaab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hook
/huuk/ (n) 1. jillaab (jilib, bir yar oo qaroofan oo kalluunka lugu dabo). (n) 2. katabaan, katabaanka dharka la-surto. (v) 3. jillaab ku-dabid. e.g. to hook a fish (v) 4. surid, sida dhar katabaan la suro. 5. get off the hook~ qool ka-saarid, dhibaato ka bixin. 6. by hook or by crook kor iyo hoos (si kasta).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hook
kullab, soo qabato
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hook
n., (wooden one) hangool, -ki; a fishing hook, jilib or jilaab, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn. m.f.dh, hoobin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobi
v. mow down, cut down, annihilate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobi
(fal) wax badan, gur oo ururi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobi
de: mow down, cut down, annihilate
lx: hoobi
pd: (hoobiyey)
ps: v2a=
key: hoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodi
e.d la-mid: hooddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodi
(ereydhawaaq) idanweyddiisasho ah oo layska horraysiiyo kolka la doonayo in guri la galo; ma soo geli karaa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoohi
-ga: (magac, lab, keli) hadh aad u qabow. Naacaw hoohigu hanfay jeer dhaw kuu noqone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid. m.f.dh, hoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooji
v. bring misfortune upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooji
-yey / say: (v) cause a disaster, catastrophe or grave misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooji
(fal) hoog ku rid; dhibaato bad. Dh: bi'i.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooji
de: bring misfortune upon s.o.
lx: hooji
pd: (hoojiyey)
ps: v2a=tr
key: hooji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooky
/huuki/hookey; (infl)(n) googoys (arday iskuulka u goo-gooya).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoori
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iyo wixi lamida cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoori
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iyo wixi lamida cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid. m.f.dh, hoorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoori
v. catch falling water in a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoori
(fal) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama heesaha dhextaalladooda, wadajir u wada qaada.
hoori: (fal) wax shubmaya ama da'aya, weel ama wax kale, hoos dhigo.
hoori: (fal) (ka ~) biyo iyo wixii la mid ah, ka shub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoori
de: catch falling water in a vessel
lx: hoori
pd: (hooriyey)
ps: v2a=tr
key: hoori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hoos u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosi
v. shade; put someone in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosi
(fal) hadh u same; hadh u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosi
de: shade; put s.o. in the shade
lx: hoosi
pd: (hoosiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyi
v. bring ~ take home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyi
de: bring ~ take home
lx: hooyi
pd: (hooyiyey)
ps: v2a=
see: hoyi
key: hooyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaki
(Shaki-ga)
Hubsiino la'aan; laballaabow; waswaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaki
shaki¹: m.l Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo.
shaki²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax xaqiiqdooda sugi waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaki
shaki¹: m.l Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo.
shaki²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax xaqiiqdooda sugi waayid. m.f.dh, shakiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaki
m. n. doubt, uncertainty, suspicion
shaki v. doubt, be doubtful, uncertain ~ suspicious; hesitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaki
-ga: (n) doubt (d/nzawZ); hesitation (hisi-teey-shin); suspicion (sas-pi-shin); uncertainty (an-ser-tanti) ~ waswaas
shaki -yey / -say: (v) have doubts; hesitate (hezi-teeyt); suspect (sas-pakt); distrust (dis-tarast); waver (weey-ver); be uncertain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaki
(fal) tuhun; dareen ha kaa galo.
shaki -ga: (magac, lab, keli) hubsiino la'aan; laballaabow; bidaal; waswaas.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaki
شَكٍّ، رَيْب
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
shock
shock: (n) (m) a generally temporary state of massive bodily trauma, usually characterized by marked loss of blood pressure.
fajiciso
shock: (n) (m) the sensation and muscular spasm caused by an electric current passing through the body or through a bodily part.
koronta qabsatay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shock
/shok/ (n) 1. arga-gax (naxdin)(v) 2. shoog qaadid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Shock
Suuxdin daran; shoog
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shock
n., (conflict) hardi,-gi; v.tr., xardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoo'
shoo'! (falkaabee) layaab iyo quudhsi muujinaya. Dh: ya'! wager! aga! dhega! now! ba'a! joo! Yaa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoob
(Shoob-ka)
Xarrago; mardaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoob
shoob¹: m.l 1. Xarrago; mardaadi. 2. Sh. ah: neef ari ah oo leh qoobab cascas.
shoob²: f.mg1 (-bay, -btay) Cid mardaadiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shoob
shoob¹: m.l 1. Xarrago; mardaadi. 2. Sh. ah: neef ari ah oo leh qoobab cascas.
shoob²: f.mg1 (-bay, -btay) Cid mardaadiyid. m.f.dh, shoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shoob
m. n. elegance, style
shoob v. be elegant, be careful of one's appearance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoob
-ka: (magac, lab, keli) xarrago; mardaaddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooc
-a: (magac, lab, keli) iftiin; caddaan. shooca: magac loo baxsho gabadh qayrkeed ka dhex muuqata oo qurux leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shood
(Shood-da)
Weel qiyaasi ku taal oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu beego, lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shood
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo badarka iyo wixi lamida lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shood
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo badarka iyo wixi lamida lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shood
f. n. measuring-cup, unit of dry measure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shood
-da: (magac, dhedig, keli) weel qiyaasi ku taal oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu beege lagu cabbiro, lagu miisaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoog
m.l (daawo) Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shoog
m.l (daaw.) Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shoog
m. n. shock (medical term)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shoog
-ga: (n) shock (shook); emotional shock naxdin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shoog
de: shock (medical term) {Eng}
initial: s
lx: shoog
pd: (-ga)
ps: n4-m
key: shoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) Faanid (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shool
v. boast, brag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shool
(fal) faan; is'ammaan; tookh; dhood.
shool -ka: (magac, lab, keli) cid kale, u faanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shool
de: boast, brag
initial: s
lx: shool
pd: (shoolay)
ps: v1=intr
key: shool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoon
m.dh (-nno, m.dh) Geedo badan oo isku meel ku urursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoon
-ta: (magac, dhedig, keli) geedo badan oo isku meel ku urursan.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shoot
Xiddo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shoot
/shuut/ (v) 1. toogasho (xabbad ku ridid) 2. ku tuurid (halgaadid) 3. roorid (dhakhso u roorid) 4. masawir ama filin qaadid 5. fuf (naq iyo caleemo aan roob ku bixin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shoot
n., (branch) laan, -ti, daragad, di, yacay, -gi, curdan, -ki.
shoot: v.tr., (cast forth) kaga rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoox
(Shoox-a)
Kalluun yaryar oo cuntub cuntub isu raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoox
m.l.u Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shoox
m. n., [collective] small fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoox
(fal) wax ku dul wareeg oo ilaaladiisa ku dedaal adoo cid kale ka dhabanaya. Bildade.
shoox: (fal) 'awr' sheem; hoos u reen.
shoox-a: (magac, lab, keli) kalluun yaryar oo cutubcutub isu raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shoox
de: small fish sp.
initial: s
lx: shoox
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: shoox
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: foofi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofi
v. drive (livestock) out to graze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofi
-yey / say: (v) take animals outdoors for grazing ~ foofi