ereyga

shishibaraar

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shishibaraar

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) eeg shishi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shishi

DHAABAN
1

(tilmaame) neef ido ah oo baraarnimo ku rima, xilligeedi ka hor rimay. Dh: baraarshishi, shishibaraar.

2

shishi -ga: (magac, lab, keli) qof da'diisu yar tahay oo ku kaca waxyaalo aan kuwa filkiisa ahi samayn karin; qangaadhid, barbaarid degdegga ah oo xilligeedii ka soo hormarta. Dh: shishibbaraar, baraarshishi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

shiish-wanaag

DHAFANDHAAF

(n) marksman (maarkis-man); sharpshooter

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shushubsanaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg shushubsan. la-mid: shushubnsanaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ashqaraar

DHAFANDHAAF
1

(Ashqaraar-ka)

2

Wax sillan ama aan la arki jirin ama yaab leh, waxa aragtidoodu dhaliso; yaab; abyan; amakaag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ashqaraar

DHAFANDHAAF
1

ashqaraar¹: m.l 1. Yaab weyn; amakaag. 2. la-mid: ashqaraarid.

2

ashqaraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo fajac la kulmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ashqaraar

DHAFANDHAAF
1

ashqaraar¹: m.l 1. Yaab weyn; amakaag.

2

ashqaraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo fajac la kulmid. m.f.dh, ashqaraarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ashqaraar

DHAFANDHAAF
1

v. be amazed, wonder at

2

ashqaraar vl. n. wonder, amazement

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ashqaraar

DHAFANDHAAF
1

(fal) la yaab; la tacajab; la astacajab. Ashqaraar oo indho daraandar. Dh: amankaag, anfariir, irkig.

2

ashqaraar -ka: (magac, lab, keli) marka aad wax la dhacdo ama ka hesho. Ashaqaar ayaan ka qaaday quruxdaada. Dh: indhodaraandar, indhodiraandir.

3

ashqaraar -ka: (magac, lab, keli) wax aan la arki jirin oo layaab badan; wax fajac laga qaado. Araggii iyo maqalkii, ashqaraarka helay, waa mid anan arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shishlaan

DHAFANDHAAF
1

(Shishlaan-ta)

2

Wax shilis ahaan: cayillaan; buurraan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shishlaan

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: shislaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shishlaan

DHAFANDHAAF

f. n., [abstract] fatness, stoutness

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shishlaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) weynaanta iyo naaxsanaanta jidhka: wax shilis ahaan. Shishlaanta badan cunto badanaan ayaa keenta. Dh: cayillaan, buurraan. Li: caatoobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

shishlaan

DHAFANDHAAF
1

de: fatness, stoutness {N}

2

initial: s

3

lx: shishlaan

4

pd: (-ta)

5

ps: n0-f-abs

6

key: shishlaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

soohbarar

DHAFANDHAAF

m.l (daaw.) Badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaarashada unugyada, oo aanan ka iman badashada unugyada sida burada iyo wixi lamida. Muruqyadu way weynaadaan haddii shaqo badan lagu qabto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

soohbarar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaarashada unugyada, oo aanan ka iman badashada unugyada sida burada iyo wixii la mid ah. Muruqyadu way weynaadaan haddii shaqo ba-dan lagu qabto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shibbanaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg shibban. la-mid: shibbanaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shibbanaan

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) wax aamusan ahaan.

2

shibbanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax shibbane leh ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shilindaar

DHAFANDHAAF

m. n. cylinder {automotive}

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

shilindaar

DHAFANDHAAF
1

de: cylinder {automotive} {Eng}

2

initial: s

3

lx: shilindaar

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: shilindaar

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sicirbarar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) lacagta oo qiimeheedu hoos u dhaco; wixii lala wareego o sicirkoodu intii hore ka bato, dhuuniga iyo arradbeelka oo qaaliyooba. Sicirbarar baa ka dhacay sayladaha adduunka. Dh: qaaliyoow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sixirbarar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg sicirbarar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sooh-barar

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaarashada unugyada, oo aanan ka iman bada-shada unugyada sida burada iyo wixi lamida. Muruqyadu way weynaadaan haddii shaqo badan lagu qabto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

geesabaraar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) saca geesihiisu liiqliiqasho dhalan ah leeyihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Histogaraam

DHAFANDHAAF

Histogram

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

khashinsaar

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Saaridda wasakhda jirka sameeyey sida badan ay kelyaha laga soo saaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

khashinsaar

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Saaridda wasakhda jirka sameeyey sida badan ay kelyaha laga soo saaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shushubnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg shushuban. la-mid: shushubnaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shushubnaan

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) wax markii hore isku jiray sida badar iyo wixii la mid ah kala qaybqaybsanaan. Dh: qayb-qaybsanaan.

2

shushubnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax shushuban ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shaashsaarnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg shaashsaaran. la-mid: shaashsaarnaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

shakhsi ahaan

DHAFANDHAAF

(adv) personally (peer-so-naali) ~ qof ahaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shimbiryaxaas

DHAFANDHAAF

m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shimbiryaxaas

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shinbiralaaye

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.

2

shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shinbiryaxaas

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhiidhiibsanaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhiibdhiibsan. la-mid: dhiidhiibsanaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhiidhiibsanaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhidhiib u fadhiya ahaan.

waa la naqliyay ✓