shishey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishey
-da: (magac, dhedig, keli) meel shishe; meel fog; meel durugsan; meel aan dhoweyn; shishay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishe
Aan sokayn; aan dhoweyn; durugsan; dheer; fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishe
s. Meel durugsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shishe
s. Meel durugsan, meel aan dhoweyn. Tusaale: Togga shishadiisa ayay degganyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishe
attributive [adjective] beyond, across, far off, distant; the further (as opposed to the nearer); on the far side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shishe
(adv) further on, ahead; beyond (biyoondh). Ex: guriga shishadiisa; beyond the house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishe
-da: (magac, dhedig, keli) aan sokay; aan dhoweyn. Dh: dheer, fog, durugsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishe
de: beyond, across, far off, distant; the further (as opposed to the nearer); on the far side Can be used with possessive pronouns
initial: s
lx: shishe
ps: adj-atr
xe: beyond the mountain
xv: buurta shishadeeda
key: shishe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishay
(Shishay-da)
Meel shishe; meel fog; meel durugsan; meel aan dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishay
s. Meel durugsan, meel aan dho-weyn. Tusaale: “Togga shishadiisa ayay deg-ganyihiin”. la-mid: shishe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishay
f. n., loc. distant place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shishay
(adj) farther (faar-ther); next to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishay
-da: (magac, dhedig, keli) meel shishe; meel fog; meel aan dhoweyn; meel durugsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishay
cf: fog; durugsan
de: distant place
initial: s
lx: shishay
pd: (-da)
ps: n0-f-loc
key: shishay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishee
f.mg2 (-sheeyay, -shaysay) Wax durugsan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishee
v. be far off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishee
(fal) dhinaca ugu fog joogio; xagga ugu shishaysa u xig. Dh: shishay. Li: sokee, sokay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishee
de: be far off
initial: s
lx: shishee
pd: (shisheeyey)
ps: v2b=intr
key: shishee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokey
(fal) dad badan adigu xaggan ugu soo xig Li: shishey.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
au-delà
au-delà, adv. - Wixii ka shisheya; ka xageya; ka foog.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dernier
dernier, adj. - Ugu dambeyn; ugu dambeeya; Ka dib; Ka dambe; Meesha ugu fog; Ugu shisheysa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
extrême
extrême, adj. - heerka ugu sareeya; dacalada ugu shisheeya; meesha ugu fog; ugu shisheysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shisheeye
(Shisheeya-ha)
1. Aan sokeeye ahayn; aan xigto iyo tol midna ahayn; aan hilib iyo hayb lala wadaagin.
2. (qof, dal...) qalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shisheeye
m.l.kh 1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shisheeye
m.l.kh 1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shisheeye
m. n. (adj.): unrelated person; foreigner; foreign
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shisheeye
shisheeyaha: (n) 1. foreigner (foore-ner); outsider (aawt-seeyder); usually one who is from outside a particular tribe, clan or community. 2.-shisheeye -ah: (adj) foreign (foor-an); alien (eel-yan); exotic (ig-zootik), strange (istareen-ji). Ex: waddan shisheeye; a foreign country
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shisheeye
Straniero
Foreigner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shisheeye
-ha: (magac, lab, keli) 'qof, dal iyo wixii la mid ah,' aan sokeeye ahayn; aan xigto iyo tol midna ahayn; aan hilib iyo hayb midna lala wadaagin. Dh: ajnebi, qalaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shisheeye
de: unrelated person; foreigner; [atr.] foreign
initial: s
lx: shisheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: Do you have any foreign currency?
xv: Miyaad wadataa lacag shisheeye?
key: shisheeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishayn
(Shishayn-ta)
Meel shishe ku sugnaan; durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishayn
m.f.dh eeg shishee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fogaan, durugsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shish
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ido ah oo baraarnimo ku rima oo aan kuwii la filka ahaa hortood. Dh: baraarshishi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhe
-ha: (magac, lab, keli) neef xoolaha ka mid ah oo loo qasho baahi hilib darteed. Dh: shidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishi
1. Neef ido ah oo haraarnimo ku rima.
2. Qof da'diisu yar tahay oo ku kaca ama sameeya waxyaalo ayan samayn karin kuwa la filka ahi; qaangaarid ama barbaarid xilligeedii ka soo hormarta; (ama shishibbaraar, baraarshishi).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishi
m. n. (adj.): child advanced ~ mature for its age; precocious
shishi [feminine] n. sheep which becomes pregnant too young
shishi v. become pregnant too young (of sheep); be advanced ~ mature for one's age (of person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishi
(tilmaame) neef ido ah oo baraarnimo ku rima, xilligeedi ka hor rimay. Dh: baraarshishi, shishibaraar.
shishi -ga: (magac, lab, keli) qof da'diisu yar tahay oo ku kaca waxyaalo aan kuwa filkiisa ahi samayn karin; qangaadhid, barbaarid degdegga ah oo xilligeedii ka soo hormarta. Dh: shishibbaraar, baraarshishi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhay
(fal) neef shidho ah qal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhee
(fal) eeg shidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishac
m.l Ood neefka la qalayo la kor saaro si aan hilibka ciiddu u gaarin; shillal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishac
-a: (magac, lab, keli) ood neefka la qalayo la kor saare si aan hilibka ciiddu u gaarin shillal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishir
-ka: (magac, lab, keli) eeg tamashleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaasheyn
m.f.dh eeg shaashee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashley
m.dh 1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaashley
m.dh 1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaashley
f. n., [collective] married women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashley
-da: (magac, dhedig, keli) arabikhidu kolka ay is xambaarato ee aany weli firideedu adkaan. Arabikhidu waa shaashley oo weli xasiid ma yeelan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaashley
de: married women
initial: s
lx: shaashley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: shaashley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishiyid
(Shishiyid-da)
1. (idaha) baraar ku rimid.
2. Shishi noqosho, (ama shishibbaraarid, baraarshishiyid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishiyid
-da: (magac, dhedig, keli) 'idaha' baraar ku rimid; shishi noqod; shishibbaraarid: baraashishiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashay
(fal) 'ilmo dhashay' shaasho ku rid.
shaashay: (fal) wax godlan, cari: gaaggixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shifeeya
name-f medicinal; she who brings goodness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shifeeya
ama Shifo, magac loo baxsho gabadh dhib jirtay daawaysay oo lagu bogsaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shigshig
v. stammer repeatedly, stutter badly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shigshig
-ay I da: (v) stammer (istaamar); stutter (istaatar) ~ hadalka la gar-gariirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigshig
-ga: (magac, lab, keli) shigid badan shigid; haghago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shigshig
de: stammer repeatedly, stutter badly
initial: s
lx: shigshig
pd: (shigshigay)
ps: v1=pl
key: shigshig
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiish_1
de: sights of a rifle; [vn] act of aiming to shoot
hm: 1
initial: s
lx: shiish
pd: (-ka Pl: shiishash (ka))
ps: n4-m
key: shiish_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiish_2
de: aim at
hm: 2
initial: s
lx: shiish
pd: (shiishay)
ps: v1=tr
key: shiish_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishad
(Shiishad-da)
Saacad ka samaysan labo quraaradood oo isku aabburan oo dhexdu jiiqo tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiishad
f. n. hourglass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishad
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad.
shiishad -da: (magac, dhedig, keli) saacad lagu giyaaso waqtiga oo ka samaysan labo quraaradood oo isku abbaaran oo dhexdeedu dhuuban tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ay ku jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiishad
cf: saacad
de: hourglass
initial: s
lx: shiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishid
(Shiishid-da)
Nishaabid; liishaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishid
m.f.dh eeg shiish².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishid
-da: (magac, dhedig, keli) shish saarid: nishaabid; liishaamid; toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinshin
(Shinshin-ka)
Hab hilbaha loo hogeeyo, loo dheryadhuleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinshin
m.l Hilib karshin ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinshin
m. n. method of cooking meat in an earth-oven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinshin
-ta: (magac, dhedig, keli) hab hilbaha loo hogeeyo, loo huursho loo dheryadhuleeyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinshin
de: method of cooking meat in an earth-oven
initial: s
lx: shinshin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: shinshin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirshir
-ka: (magac, lab, keli) dalxiis; tamashle Carruurtii shirshir ayay ku magan yihin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishi_1
de: child advanced ~ mature for its age; [atr.] precocious (i.e., can do what his/her peers cannot do)
hm: 1
initial: s
lx: shishi
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: shishi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishi_2
de: sheep which becomes pregnant too young
hm: 2
initial: s
lx: shishi
pd: (-da)
ps: n-f
key: shishi_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishi_3
de: become pregnant too young (of sheep); be advanced ~ mature for one's age (of person)
hm: 3
initial: s
lx: shishi
pd: (shishiyey / shishidey)
ps: v1=intr
key: shishi_3
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIINSHIYE
(Shinshie) May Blepharis ciliaris (L) B. L. Burtt. Acanthaceae.
May Lepidagathis scariosa Ness. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shey
(Shey-da)
Geed weyn oo weligi cagaaran, oo leh miro qabowga lagu cuno sida kuwa qurcista (tiinka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shey
m.l 1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shey
m.l 1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shey
m. n. thing, article, item, bit
shey [feminine] n. large evergreen tree species, with edible fruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shey
-ga: (n) [plural shayaal -sha] item (aay-tem)-, thing (thing)-, unit (yunit) ~ shay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shey
-da: (magac, dhedig, keli) geed abaareed waligiiba cagaaran oo midho kuwa tiinka oo kale ah na bixiya.
shey-ga: (magac, lab, keli) shay; geed; wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishe
(Cisha-ha)
1. Habeenka bilawgiisa; fiid.
2. Salaadda kolkaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishe
m. n. early evening; time of evening prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cishe
-cishaha: (n) evening prayer performed by Muslims
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cishe
-ha: (magac, lab, keli) salaadda xilliga fiidka la tukado. Cishe ayuu soo tukanayaa aabbahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishe
-ha: (magac, lab, keli) milayga habeenka bilawgiisa. Dh: fiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishe
de: early evening; time of evening prayer
lx: cishe
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: cishe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhise
m.l (-sayaal, m.l/dh) Fuundi; wastaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhise
m. n. constructor, builder