shirraban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirraban
shirraban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) la-mid: sharriban¹.
shirraban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: sharriban².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirraban
(tilmaame) la shirrabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibid iyo jirrabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabnaan
m.f.dh la-mid: sharrabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabaad
m.dh la-mid: sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaad
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan inuu caano leeyahay jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrab
shirrab¹: m.l la-mid: sharrib¹.
shirrab²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: sharrib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrab
(fal) hal iyo wixii la mid ah, caaneheedu intay yihiin, eeg: jirrab.
shirrab: (fal) tijaabi oo bilkeedi. Baabuurka intaanad adeegsan horta shirrab. Dh: tijaabi.
shirrab -ka: (magac, lab, keli) tijaabo wax la tijaabiyo in natiijada laga rabo uu ku habboonyahay iyo in kale. Dh: shirrabaad, tijaabo, bilkeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirraban
Kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirraban
jirraban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax jirrab la mariyey noqosho.
jirraban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax jirrab la mariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirraban
jirraban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax jirrab la mariyey noqosho. m.f.dh, jirrabmid.
jirraban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax jirrab la mariyey ahaansho. m.f.dh, jirrabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirraban
der. [adjective] burdened, disturbed, sorely tried; tried and tested, not experimental
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirraban
(tilmaame) mid kadeed iyo dhib la mariyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirraban
de: burdened, disturbed, sorely tried; tried and tested, not experimental
lx: jirraban
pd: (jirrabnaa)
ps: adj-der
key: jirraban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiratan
shiratan¹: m.l la-mid: sharatamid.
shiratan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: sharatan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirnaan
m.f.dh eeg shiran. la-mid: shirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shir ku jirid: dad shirsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirraab
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar raggu dheelo oo la tumo iyadoo warmo iyo gaashaanno la qurxiyey la sito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: sharribo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharraxan
La sharraxay; la qurxiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharraxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho. m.f.dh, sharraxnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharraxan
der. [adjective] decorated; designated as candidate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharraxan
-sharraxnaa / sharraxnayd: (adj) 1. decorated, decked out, embellished. 2. nominated (noomi-neeytidh); proposed as a candidate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxan
(tilmaame) wax la faahfaahshay; la kala dhigdhigay; la macneeyey.
sharraxan: (tilmaame) mid la qurxiyey. Gurigu wuu sharraxan yahay. Dh: sharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharraxan
de: decorated; designated as candidate
initial: s
lx: sharraxan
pd: (sharraxnaa)
ps: adj-der
key: sharraxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharriban
sharriban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; bmi) Wax la sharribay noqosho. la-mid: shirraban¹.
sharriban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la sharribay ahaansho. la-mid: shirraban².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharriban
(tilmaame) la shirrabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabid
m.dh la-mid: sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabid
-da: (magac, dhedig, keli) hab loo eego inta uu neefka irmaani caano leeyahay; waxa la gaaggixiyaa dhawr jeer oo lala sugaa kol lisidda loo wada goobjoog yahay. Dh: shirrabaad.
shirrabid-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo hor leh tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabasho
m.f.dh la-mid: sharribasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabmid
m.dh la-mid: sharribmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shirraban noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsanaan
m.f.dh eeg shirsan. la-mid: shirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad shirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la shiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiran
der. [adjective] blocked; forbidden, prohibited, off limits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiran
(tilmaame) mid shiro ahaan loo qalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiran
de: blocked; forbidden, prohibited, off limits
initial: s
lx: shiran
pd: (shirnaa)
ps: adj-der
key: shiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraan
m.l (-no, m.dh) Cayayaan lix lugoodle ah, dalalka kulul ku nool, oo dib sun xambaarsan oo uu wax ku qaniino leh. la-mid: hanraar, harraar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harraan
m.l (-no, m.dh) Cayayaan lix lugoodle ah, dalalka kulul ku nool, oo dib sun xambaarsan oo uu wax ku qaniino leh. la-mid: hanraar, harraar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraan
m. n. scorpion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan jaadad kala duwan leh oo dabo soo qalloocda oo sun wadata wax ku turqa. Dh: daba'aleel, dibqallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraan
de: scorpion
lx: harraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dabaqallooc
key: harraan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hiiraan
pr. n., loc. Hiran [region in south central Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hiiraan
(n) name of a central region of Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hiiraan
cf: Beledweyne
de: Hiran [region in south central Somalia]
lx: Hiiraan
ps: n0-loc
key: Hiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraan
m.l H.kiisa, h.keeda. la-mid: horraanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horraan
f. n. beginning, start; head, front
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka horre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horraan
de: beginning, start; head, front
lx: horraan
pd: (-ta)
ps: n2-f
xe: the beginning of next month
xv: bisha ku xigta horraanteeda
key: horraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibban
Shib ah; aammusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan hadlayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan hadlayn ahaansho. m.f.dh, shibbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shibban
der. [adjective] silent, mum, not talking
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shibban
nickname; name-f silent, mum, not talking, quite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shibban
-aa / ayd: (adj) not speaking; remaining silent; tight-lipped (taayt-lippidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibban
(tilmaame) aammusan; shib ah. Dh: aammusan. Li: shaqalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shibban
de: silent, mum, not talking
initial: s
lx: shibban
pd: (shibbanaa)
ps: adj-der
syn: aammusan
key: shibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiran
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiran
(tilmaame) mid shiir leh; shuruf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraac
(Shiraac-a)
1. Maro weyn oo adag oo qaabab badan loo yeelo; kolka dakhalka kore lagu xiro oo dabayshu xoog u buuxiso, buu doonyaha horay u wadaa.
2. Dhar adag oo qallafsan oo laga dhigto darbaal, shiraac doonyood, teendho, ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraac
shiraac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. la-mid: shiraaq.
shiraac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax shiraac ku daboolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiraac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. la-mid: shiraaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiraac
m. n. sail; canvas, tarpaulin; tent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiraac
-a: (n ) canvas (kaan-vas); sail (seey!)~ darbaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraac
-a: (magac, lab, keli) maro weyn oo adag oo qaabab badan loo sameeyo. Kolka dakhalka kore lagu xidho ee dabayshu xoog u buuxiso ayuu doonyaha horay u harbiyaa, u wadaa.
shiraac -a: (magac, lab, keli) dhar adag oo qallafsan oo laga dhigto darbaaldoonyaad. Dh: taanbuug; teendho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiraac
bw: Arabic
cf: jarrad, qalammi
de: sail; canvas, tarpaulin; tent
initial: s
lx: shiraac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shiraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraaq
m.l (-qyo, m.dh) la-mid: shiraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaq
-a: (magac, lab, keli) eeg shiraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirayn
(Shirayn-ta)
Neef shiro u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirayn
m.f.dh eeg shiree. la-mid: shirays, shiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u shidhay; neef shidho ah u qalid; u shidhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbay
(fal) shirbo ciyaar; shirib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirbin
m.f.dh eeg shirbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaar shirbayn ah ciyaarid.
shirbin -ta: (magac, dhedig, keli) tallaabo aayar u qaadid. Dh: siriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirmaa
fk.we Goorma? la-mid: shimaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirmaa
(falkaabee) eeg shirma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirsan
Shir ku jira, u fadhiya; shiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shir isugu yimid ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirsan
der. [adjective] in council, in conference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsan
(tilmaame) shir ku jira, shir ufadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirsan
de: in council, in conference
initial: s
lx: shirsan
pd: (shirsanaa)
ps: adj-der
key: shirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirnaan
m.f.dh eeg siran. la-mid: sirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharraan
f. n. nudity, state of being naked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharraan
de: nudity, state of being naked {UJ}
lx: dharraan
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: dharraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabad
(Hiraabad-ka)
Hiraabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabad
m.l la-mid: hiraabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabad
-ka: (magac, lab, keli) cunidda hiraabta bisha soonka. Dh: hiraabasho, suxuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hiraab siin; suxuur siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatan
(Sharatan-ka)
Sharad la dhigto oo lagu kala adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatan
sharatan¹: m.l 1. Sharad la isu dhigto. 2. la-mid: sharatamid. la-mid: shiratan¹.
sharatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Sharad isu dhigasho. la-mid: shiratan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharatan
sharatan¹: m.l Sharad la isu dhigto. la-mid: shiratan. sharatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Sharad isu dhigasho. m.f.dh, sharatamid. la-mid: shiratan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharatan
v. bet, wager
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharatan
-sharatamay I sharatantay: (v) make a bet with; bet on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatan
-ka: (magac, lab, keli) eeg sharatamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharatan
bw: Arabic
de: bet, wager
initial: s
lx: sharatan
nt: sharatan (ka) [vn-m]; rw: sharad + -tan
pd: (sharatamay)
ps: v1=intr
key: sharatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqaan
m.l la-mid: harqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqaan
-ka: (magac, lab, keli) kharkhaan; dawaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidnaan
(Shidnaan-ta)
Wax shidan ahaan.