shiraako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraako
m.dh 1. Hanti dad badan ka dhexeysa. 2. Sh. ah: dad dani ka dhexeyso oo leh heshiis qoran dhib iyo dheefna wa-daaga. la-mid: shuraako.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiraako
m.dh 1. Hanti dad badan ka dhexeysa. 2. Sh. ah: dad dani ka dhexeyso oo leh heshiis qoran dhib iyo dheefna wadaaga. la-mid: shuraako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiraako
f. n., [collective] partners, associates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiraako
shiraakada: (n) partners (paati-naris); partnership (paart-narshiip); shareholders (sheer-hooldheris) shuraako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraako
-da: (magac, dhedig, keli) urur ka kooban. dad dani ka dhaxayso oo leh heshiis u qoran. Dh: shirkad, shirko, shiraakad, shuraako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiraako
de: partners, associates
initial: s
lx: shiraako
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: shiraako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Shiraako noqosho. la-mid: shuraakow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiraakow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Shiraako noqosho. m.f.dh, shiraakoobid. la-mid: shuraakow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiraakow
inch. v. become partners ~ associates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraakow
(fal) dad la shurug oo wax ku darso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiraakow
a: shirkow, shuraakow
bw: Arabic
de: become partners ~ associates
initial: s
lx: shiraakow
pd: (shiraakoobay)
ps: v1=inch
key: shiraakow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraaco
f.mg3 (-cday, -catay) 1. Shiraac fidsasho. 2. Meel ka tegid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiraaco
-shiraacday / shiraacatay: (v) sail (seeyl); travel by water in a vessel or boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaco
(fal) doon iyo wixii la mid ah, boqool; ambabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraako
m.dh la-mid: shiraako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuraako
f. n., [collective] partners, associates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuraako
-shuraakada: (n) partners (paati-naris); partnership (paart-narshiip); shareholders (sheer-hooldheris) ~ shiraako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuraako
-da: (magac, dhedig, keli) dad shirkad ku wada jira; shirkad, dadka wada shaqaysta. Dh: iskaashato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuraako
a: shiraako
de: partners, associates
initial: s
lx: shuraako
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: shuraako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakoobid
m.f.dh eeg shiraakow. la-mid: shuraakoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraakoobid
m.dh la-mid: shiraakoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraakow
f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) la-mid: shiraakow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuraakow
inch. v. become partners ~ associates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuraakow
-ga: (magac, lab, keli) shirkad noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuraakow
de: become partners ~ associates
initial: s
lx: shuraakow
pd: (shuraakoobay)
ps: v1=inch
key: shuraakow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirko
(Shirka-da)
Shirkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirko
m.dh la-mid: shirkad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirko
f. n. company
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shirko
shirkada: (n) partnership (paart-narshiip); partners (paati-naris); cooperative society ~ iskaashato ganacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirko
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shirkad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirko
de: company
initial: s
lx: shirko
pd: (/da)
ps: n6-f
see: shirkad
key: shirko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid. m.f.dh, hiraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraabo
v. eat the night meal (during the Ramadan fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabo
(fal) bisha soonqaad, hiraab cun. Dh: suxuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraabo
de: eat the night meal (during the Ramadan fast)
lx: hiraabo
nt: hiraabad (ka) [vn-m], hiraabasho (/da) [vn-f]
pd: (hiraabtay)
ps: v3b=
key: hiraabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraac
(Shiraac-a)
1. Maro weyn oo adag oo qaabab badan loo yeelo; kolka dakhalka kore lagu xiro oo dabayshu xoog u buuxiso, buu doonyaha horay u wadaa.
2. Dhar adag oo qallafsan oo laga dhigto darbaal, shiraac doonyood, teendho, ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraac
shiraac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. la-mid: shiraaq.
shiraac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax shiraac ku daboolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiraac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. la-mid: shiraaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiraac
m. n. sail; canvas, tarpaulin; tent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiraac
-a: (n ) canvas (kaan-vas); sail (seey!)~ darbaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraac
-a: (magac, lab, keli) maro weyn oo adag oo qaabab badan loo sameeyo. Kolka dakhalka kore lagu xidho ee dabayshu xoog u buuxiso ayuu doonyaha horay u harbiyaa, u wadaa.
shiraac -a: (magac, lab, keli) dhar adag oo qallafsan oo laga dhigto darbaaldoonyaad. Dh: taanbuug; teendho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiraac
bw: Arabic
cf: jarrad, qalammi
de: sail; canvas, tarpaulin; tent
initial: s
lx: shiraac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shiraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraaq
m.l (-qyo, m.dh) la-mid: shiraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaq
-a: (magac, lab, keli) eeg shiraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraado
f.g3 (-atay, -adatay) Wax iftiin-sasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaako
(Shabaaka-da)
Khalfad; daaqad; dariishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabaako
m.dh (-ooyin, m.l) Dalool albaabka ka yar oo lagu sameeyo dhismooyinka, maraakiibta, dayuuradaha, baabuurta iyo wixi lamida, la xiri karo lana furi karo oo loogu talaggalay in ay hawada iyo ilaysku ka soo galaan. la-mid: shubaako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabaako
f. n. window
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shabaako
-shabaakada: (n) window (win-dhaw) ~ dariishad, daaqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabaako
-da: (magac, dhedig, keli) khalfad; daaqad; dariishad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabaako
bw: shubaako
de: window
initial: s
lx: shabaako
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: daaqad, dariishad, khalfad
key: shabaako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirayso
f.g3 (-stay, -satay) Neef shiro u qalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirayso
v. slaughter (an animal) for family ~ small group consumption
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirayso
(fal) neef shidho ah qalo; shidhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirayso
de: slaughter (an animal) for family ~ small group consumption
initial: s
lx: shirayso
nt: shiraysasho (/da) [vn-f]
pd: (shiraystay)
ps: v3b=tr
key: shirayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: sharribo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shubaako
(Shubaaka-da)
Daaqad; khalfad; dariishad, (ama shabaako).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubaako
m.dh la-mid: shabaako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubaako
f. n. window
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubaako
-da: (magac, dhedig, keli) daagad khalfad: dariishad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubaako
de: window
initial: s
lx: shubaako
pd: (-da)
ps: n6-f
see: shabaako
key: shubaako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishtiraaki
(Ishtiraaki-ga)
Qof ishtiraakiyada rumaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishtiraaki
m.l.kh Qof ishtiraakiyadda rumaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishtiraaki
m. n. socialist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishtiraaki
bw: Arabic
de: socialist
lx: ishtiraaki
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: ishtiraaki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxo
m.dh la-mid: dharbaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharraakh
(Sharraakh-a)
1. Shukaanta garangarteeda gaadiidka badda lagu duwduwo.
2. Makiinad dhagax lool ah oo wareegaya leh, oo birta lagu afeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharraakh
m. n. ship's wheel; grindstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraakh
-a: (magac, lab, keli) makiinad lool wareegaya leh oo wax lagu afeeyo. Dh: moolgacmeed.
sharraakh -a: (magac, lab, keli) giraangirta shukaanta ee gaadiidka badda lagu du'duwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharraakh
de: ship's wheel; grindstone
initial: s
lx: sharraakh
pd: (-a)
ps: n-m
key: sharraakh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaado
m.dh (-ooyin, m.l) Kulan la isugu yimaad xus, aroos iyo wixi lamida.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shiraac-a
voile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacad
-ka: (magac, lab, keli) doofid; boqoolid; ambabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacid
m.f.dh eeg shiraac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacid
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac ku xirid; sida gaadhi roob hayo shiraac dusha kaga soo xidhid si aanay u qoyin waxa saarani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg siilaanyo. siiri-ga: (magac, lab, keli) sidhi; firinbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadkor
siraadkor¹: m.l Ka samatabbaxa dhibaato cid haysata.
siraadkor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhibaato cid haysata ka samatabbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadkor
-ka: (magac, lab, keli) ka samatabbaxa dhibaato cid haysata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacasho
m.f.dh eeg shiraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac xirasho; sida doon iyo wixii la mid ah rarkii loo dhammeeyey oo shiraacii loo xidhay oo ka dhaqaaqaysa marsada. Dh: shiraacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ambabixid iyo socdaal u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraysasho
(Shiraysasha-da)
Neef shiro u qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraysasho
m.f.dh eeg shirayso. la-mid: shiraysad, shiraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shidhaysad; shiraysi, neef shidho ah qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirnaansho
m.l/dh la-mid: shirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabasho
m.f.dh la-mid: sharribasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shira
name-f council, assembly
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shirk
/shark/ (v) hawl ka dhuumasho (shaqo ama masuuliyad ka cararid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiro
(Shira-da)
Neef aan loog iyo sadaqo midna loogu talaggelin ee cidi sideeda iyo cunno ahaan u qalato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiro
shiro¹: m.dh 1. Qalashada neef xoolo ah la qasho waqti abaar ah. 2. Sh. ah: neef loogu talaggalay in la qasho. 3. la-mid: shirayn.
shiro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Meel daloosha awdasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiro
f. n. animal slaughtered for consumption by the family only
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiro
-da: (magac, dhedig, keli) neef aan loog iyo sadaqo midna loogu talaggelin ee cidi sideeda cunno ahaan u qalato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiro
de: animal slaughtered for consumption by the family only (i.e., not for guests or for a festival)
initial: s
lx: shiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraab
(Hiraab-ta)
1. Habeenka gelinkiisa danbe, intaan waagu beryin.
2. Cunnada kolkaas la cuno oo bisha soonqaad; suxuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraab
m.dh (-bo, m.l) 1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraab
m.dh (-bo, m.l) 1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraab
f. n. second half of the night, from midnight until dawn
hiraab [feminine] n. meal eaten at midnight during Ramadan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiraab
name-m second half of the night, from midnight until dawn. Lit: born during the second half of the night. Syn: Hiraabe, Hiraabey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiraab
ama Hiraabe, magac loo baxsho wiil dhashay habeenkii gellinka danbe.