shiraacasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacasho
m.f.dh eeg shiraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac xirasho; sida doon iyo wixii la mid ah rarkii loo dhammeeyey oo shiraacii loo xidhay oo ka dhaqaaqaysa marsada. Dh: shiraacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ambabixid iyo socdaal u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacasho
m.l la-mid: diraacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabasho
(Hiraabasha-da)
Cunnada hiraabta oo bisha soonqaad cunid; suxuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabasho
m.f.dh eeg hiraabo. la-mid: hiraabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiraabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadasho
m.f.dh eeg siraado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadasho
-da: (magac, dhedig, keli) iftiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah sitaac u xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraysasho
(Shiraysasha-da)
Neef shiro u qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraysasho
m.f.dh eeg shirayso. la-mid: shiraysad, shiraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shidhaysad; shiraysi, neef shidho ah qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabasho
m.f.dh la-mid: sharribasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
embark
/imbark/ (v) 1. markab fuulid, markab ku shiraacasho (v) 2. bilaabid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
launch
/loonj/ (v) 1. shiraacasho (doon ama markab markii u horreysey badda loo diro); shiraac saarid. 2. cirka u dirid (saaruukh ama dayax-gacmeed) 3. bilaabid (wax cusub curin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sail
/seyl/ (n) 1. shiraac (shiraaca doonyaha ama maraakiibta) (v) 2. shiraacasho (bad ku safrid, bad maaxid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sailing
/seylin/ (n) shiraac (shiraacasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacasho
m.f.dh eeg raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ad leedahay soofsasho oo daranyada ka dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraaco
f.mg3 (-cday, -catay) 1. Shiraac fidsasho. 2. Meel ka tegid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiraaco
-shiraacday / shiraacatay: (v) sail (seeyl); travel by water in a vessel or boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraaco
(fal) doon iyo wixii la mid ah, boqool; ambabbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacad
-ka: (magac, lab, keli) doofid; boqoolid; ambabbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagasho
m.f.dh eeg higaago. la-mid: higaagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraacasho
(Quraacasha-da)
Quraac cunid; hamuuntirasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraacasho
m.f.dh eeg quraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quraacasho
-da: (magac, dhedig, keli) quraac cunid. Dh: afurasho, hamuuntirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaarasho
(Siyaarasha-da)
1. Siyaaro ugu tegid; booqasho.
2. Qof dhintay xus u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaarasho
m.f.dh eeg siyaaro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) siyaaro ugu tegid; booqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacasho
m.f.dh eeg surbaco. la-mid: surba-cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) haraad badan oo qorax lajoogo. Subacasho badan ayaan kala kulanay meesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarasho
(Dharaarasha-da)
1. Dharaar cunno cunid; harimaysasho.
2. (ku dharaarasho) Maalin meel joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarasho
m.f.dh eeg dharaaro. la-mid: dharaarad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto dharaar cunid; hadhimo samaysasho. Waagii hore dharaarasho lama aqoon. Dh: hadhimayn, qadayn, dharaarad.
dharaarasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalasho
m.f.dh eeg dhisaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacsasho
m.f.dh eeg diraacso. la-mid: diraacasho, diraacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xilli diraaceed la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifaysasho
(Shifaysasha-da)
Shifo wax ku cunid, ku cabbid; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifaysasho
m.f.dh eeg shifayso. la-mid: shifaysad, shifaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shifo ku cunid, ku cabbid; calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirnaansho
m.l/dh la-mid: shirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shukaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacsasho
m.f.dh eeg sitaacso. la-mid: sintaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sitaac xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsanaansho
m.l/dh la-mid: shirsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax shirsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashahaadasho
m.f.dh eeg ashahaado².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashahaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay kelinimadiisa aqoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsasho
m.f.dh eeg dharaarso. la-mid: dharaarsad, dharaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiiraansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef ari ah shidhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysasho
m.f.dh eeg shiilayso. la-mid: shiilay-sad, shiilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansasho
(Shukaansasha-da)
Xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansasho
m.f.dh eeg shukaanso. la-mid: shukaansasd, shukaansi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaansasho
-shukaansashada: (n) the act of courting or wooing to gain love or affection; seduction (se-dhak-shin) xodxodasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) xodxodasho: koodiin: shukaansad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shukaansasho
تَغَزَلتَحَبُّب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sintaacsasho
m.dh la-mid: sitaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiraysasho
m.f.dh eeg cashiirayso. la-mid: cashiiraysad, cashiiraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cashiiro ka dhigasho; ehelsasho; cashiiraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabnaansho
m.l/dh la-mid: sharrabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacasho
m.dh la-mid: daacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u soo celinta ay xooluhu uuska dib u soo ceshedaan ee ay dib u raamsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Meel xilliga diraacda ku sugnaan. 2. Tamardarro, cunto yaraan ku noolaansho (xoolo). la-mid: diraaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraacso
v. enter into the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraacso
(fal) xilli diraaceed la kulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraacso
de: enter into the dry season (i.e., the time of Diraac)
lx: diraacso
pd: (diraacsaday)
ps: v3a=intr
key: diraacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabasho
(Haabasha-da)
1. Waxaan indhaha lagu arkayn, gacan ku raadin, ku doonid.
2. Wax durugsan gacantogaaleyn: tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haabasho
m.f.dh eeg haabo. la-mid: haabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haabasho
vl. n. act of feeling, groping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haabasho
-haabashada: (n) the act or an instance of groping (gorooping); or scrabbling (iskaraabeling) ~ haabhaabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gacanta ku laacid. Shaadhka gidaarka sudhan haabasho ku gaadhi mayside kacoo soo qaado. Dh: laacitaan. Wa: haabhaabasho.
haabasho -da: (magac, dhedig keli) eeg haabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haabasho
a: haabad (ka) [vn2-m]
de: act of feeling, groping
lx: haabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: haabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawasho
(Haawasha-da)
(weel, kd.) aan dabool saarrayn oo dabayl badani gudihiisa geleyso; afkalahayn; daloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawasho
m.f.dh eeg haawo. la-mid: haawad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, oo aan dabool saarnayn, gudihiisa na dabayshu galayso. Haawashada ka ilaali weelka oo afka wax ka saar.
haawasho -da: (magac, dhedig, keli) hadaaqis iyo isla hadlid aan macno lahayn; hadal aan milgo lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcasho
m.f.dh eeg halco. la-mid: halcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcasho
-da: (magac, dhedig, keli) hillaaca iyo nuurka ka baxa bir iftiin qabtay sida cadceedda oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hiraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqasho
(Hirqasha-da)
Weel ama meel godan biyo aad uga buuxid; ceegaagid; buuxdhaafid; ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqasho
m.f.dh la-mid: harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, caano iyo wixii la mid ah, ka dhergid. Dh: dhergid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gaadhiddooda, tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarasho
m.f.dh eeg raaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragcasho
m.f.dh eeg ragco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabasho
(Saabasha-da)
Dhul ama meelo badan wada gaarid, ku faafid, koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabasho
m.f.dh eeg saabo. la-mid: saabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasho
-da: (magac, dhedig, keli) saamayn dhul ama arrin wada gaadha ama ku faafta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax saad ah, isu farrin. Dh: saadsad, saraadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarasho
(Saarasha-da)
Meel sare wax dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarasho
m.f.dh eeg saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarasho
vl. n. putting something on top of something else; sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare wax dhigasho.
saarasho: -da: (magac, dhedig, keli) u galmood; u tegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarasho
de: putting s.t. on top of s.t. else; sexual intercourse
initial: s
lx: saarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saaro
key: saarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcasho
m.f.dh eeg sarco².