shir saxaafadeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shir saxaafadeed
-ka: (n) news conference; press conference ~ shir jaraa'id
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsaxaafadeed
-ka: (magac, lab, keli) war kooban oo loogu talaggalay warbaahinta oo jiho la ogyahay ka soo baxa. Waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada. Li: warmurtiyeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhir abaareed
Xerophyte
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shir-ka madaxeed
conférence au sommet.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriir siyaasadeed
n. phr. political relations
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhir-abaareed
m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasoqaaradeed
-da: (magac, dhedig, keli) gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9 mitir)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shir jaraa'id
-ka: (n) news conference; press conference ~ shir saxaafadeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhar cayaareed
n. phr. track-suit, sports clothes
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaalaakadeed
ismaalaakadeed¹: m.l Isku muujinta la isku muujiyo wax aan la ahayn iyadoo xaqiiqadii la qarinaayo.
ismaalaakadeed²: f.mg1 (-day, -dday) Hadba si isu muujin iyadoo runtii la qarinaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilaqaaradeed
m.dh (juqraafi) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiiro qaaradeed
Continental slope
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiro-qaaradeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiiro-qaaradeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiriir_siyaasadeed
de: political relations
initial: x
lx: xiriir siyaasadeed
ps: np
key: xiriir_siyaasadeed