shinsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinsad
(Shinsad-ka)
Shinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinsad
m.l la-mid: shinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinsad
vl. n. expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax helidood uurka lagu hayo ka dhursugid. Dh: filasho, shinsasho,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinsad
a: shinsasho (/da) [vn-f]
de: expectation
initial: s
lx: shinsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: shinso
key: shinsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinsad
m.l la-mid: siinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinsad
-ka: (magac, lab, keli) duuf iska bi'in. Dh: siinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinsasho
m.f.dh eeg shinso. la-mid: shinsad, shinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinsad
m.l la-mid: dhiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsad
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) shiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishad
(Shiishad-da)
Saacad ka samaysan labo quraaradood oo isku aabburan oo dhexdu jiiqo tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiishad
f. n. hourglass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishad
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad.
shiishad -da: (magac, dhedig, keli) saacad lagu giyaaso waqtiga oo ka samaysan labo quraaradood oo isku abbaaran oo dhexdeedu dhuuban tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ay ku jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiishad
cf: saacad
de: hourglass
initial: s
lx: shiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shiishad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shina
Chine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisad
(Dhisad-ka)
Dhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisad
m.l la-mid: dhisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisad
vl. n. act of building for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisad
-ka: (magac, lab, keli) aqal, deyr ama wax kale, dhisasho. Dh: dhisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisad
a: dhisasho
de: act of building for oneself
lx: dhisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansad
-ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Saddex lagama kaco, hansad gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad. Dh: hasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higsad
-ka: (magac, lab, keli) wax in mar uun la gaadho ama la taabo la rajaynayo, tiigsigiisa iyo dabajooggiisa. Sida loo kala higsad dheer yahy ayaa loo kala hammad weyn yahay. Dh: taamid, rajayn, himilo, higsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinqad
(Hinqad-ka)
Kicid u hollad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqad
m.l la-mid: hinqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinqad
vl. n. act of standing up ~ trying to get up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqad
-ka: (magac, lab, keli) jiif ama fadhi kor uga kacid oo is hinjin; kicitaan u hollad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinqad
a: hinqasho (/da) [vn6-f]
de: act of standing up ~ trying to get up
lx: hinqad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: hinqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinma
(falkaabe) su'aaleed loo adeegsado weydiinta ku saabsan milayga wax dhici lahaayeen. Dh: goorma, xillima, wakhtima, shinkee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinsi
m.l la-mid: shinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinsi
-ga: (magac, lab, keli) shinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Qof qaraabanimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shinso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Qof qaraabanimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hallayn. m.f.dh, shinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinso
v. expect, hope for ~ in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinso
(fal) wax niyada ka doon; wax heliddooda, uurka ku hay yu'a, filo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinso
de: expect, hope for ~ in
initial: s
lx: shinso
pd: (shinsaday)
ps: v3a=tr
key: shinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: sharad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siinad
(Siinad-da)
Qurux; luuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinad
m.dh 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siinad
m.dh 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siinad
f. n.; [abs.]: ornament, decoration; beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinad
-da: (magac, dhedig, keli) qurux; luuli, bilic leh. Dharku waa siinadda aadanaha. Dh: bilic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siinad
de: ornament, decoration; [abs] beauty
initial: s
lx: siinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: siinad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinaad
(Sinaad-ka)
Qiime; sicir; sinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaad
m.l Qiime; sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinaad
m. n. price, cost, value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qüime.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinaad
cf: qiime, sicir, sinni
de: price, cost, value
initial: s
lx: sinaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sinaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sincad
-ka: (magac, lab, keli) neef sinta ku leh bar cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansad
-ka: (magac, lab, keli) dhan qudha ka marid; dhan keliya ka isticmaalid. Saca dhansadka ka daa oo labada dhanba ka lis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibsad
(Dhibsad-ka)
Dhibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibsad
m.l la-mid: dhibsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibsad
Irritazione
Irritation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibsad
-ka: (magac, lab, keli) wax gaar ah dhibaato ka dareemid. Dh: dhibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhifsad
(Dhifsad-ka)
Dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifsad
m.l la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhifsad
vl. n. act of jerking ~ pulling ~ snatching for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhifsad
a: dhifsasho (/da) [vn6-f]
cf: dhifad
de: act of jerking ~ pulling ~ snatching for oneself
lx: dhifsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhifsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsad
(Hiinsad-ka)
Hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsad
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo caano iyo wixii la mid ah oo weel ku hadhay, ka fuuqsad. Dh: hiinsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanaad
(Shanaad-ka)
Tiro taxan, kan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraadka iyo lixaadka u dhexeeya; (5d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaad
m.l.t. j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanaad
numeral: fifth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanaad
-ka: (n) fifth (fiif-th); [5th ]. Ex: markii shanaad..; thefifth time..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan, tan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraad iyo lixaad u dhexeeya; Wilku wuxuu dhigtaa fasalka shanaad. Dh: 5aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanaad
de: fifth
initial: s
lx: shanaad
pd: (-ka)
ps: num-ord
key: shanaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shandad
* (Shandad-da)
Santuukh yar oo harag ama xaashi adag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shandad
m.dh (-do, m.l) Santuukh ka samaysan harag, safiito iyo wixi lamida leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shandad
m.dh (-do, m.l) Santuukh ka samaysan harag, safiito iyo wixi lamida leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shandad
f. n. suitcase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shandad
-da: (n) briefcase (biriif-keeys); suitcase (suut-keeys) ~ boorso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shandad
-da: (magac, dhedig, keli) kiish yar oo harag ama maas adag ah oo wax lagu gurto. Dh: boorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shandad
bw: Arabic
de: suitcase
initial: s
lx: shandad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shandad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqad
(Shanqad-ka)
1. Xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyo ka qatanaada.
2. Xanuun ama qandho, shantii maalmoodba, kol timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqad
m. n. five day period of not having drunk water
shanqad m. n. quintan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqad
-ka: (magac. lab, keli) xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyaha ka qatanaada.
shanqad -ka: shantii maalmoodba mar, xanuun ama qandho timaadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharsad
-ka: (magac, lab, keli) sharaysi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shidaad
nickname-m bother, disturbance. Cf: Shiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirkad
(Shirkad-da)
Urur ka kooban dad dani ka dhexayso oo leh heshiis u qoran, oo dhib iyo dheefba wadaaga; danwadaag; daawo; iskaashato; (ama shirko).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirkad
m.dh (-do, m.l) 1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. la-mid: sharikad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shirkad
m.dh (-do, m.l) 1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'iidadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. la-mid: sharikad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirkad
f. n. company, partnership, firm; factory, plant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shirkad
-da: (n) company (kampani); cooperation (koor-pareey-shin); firm (firim), enterprise (en-ter-paraays) kambani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirkad
-da: (magac, dhedig, keli) dad badan oo isu tegay oo dan ganacsi leh oo magac qudha iyo heshiis u qoran oo ay ku shaqeeyaan leh. Dh: shirko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirkad
a: sharikad
de: company, partnership, firm; factory, plant
initial: s
lx: shirkad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: kambani
xv: Arabic
key: shirkad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shirkad
شَرِكَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirsan
Shir ku jira, u fadhiya; shiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shir isugu yimid ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirsan
der. [adjective] in council, in conference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsan
(tilmaame) shir ku jira, shir ufadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirsan
de: in council, in conference
initial: s
lx: shirsan
pd: (shirsanaa)
ps: adj-der
key: shirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shixnad
(Shixnad-da)
In kol markab ama doonniyi qaaddo; qaad; rar; qaatin: mug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixnad
shixnad¹: m.dh (-do, m.l) Xamuul doon ama markab hal mar qaado.
shixnad²: f.g1 (-day, -dday) Markab, doon iyo wixi lamida xamuul ka buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shixnad
m.dh (-do, m.l) Xamuul doon ama markab hal mar qaado.