shinniyays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyays
-ka: (magac, lab, keli) shinniyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyay
(fal) 'beer' firida ku rid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'beer' shinni ku ridid; shinniyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyaysan
(tilmaame) mid shinnidii lagu riday, la abuuray.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Seeding
Abuuris, shinniyays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuur
(fal) 'awood Ilaahay' wax aan jirin uun; meel bilow ah wax ka alkun. Ogow aayaadka Koonka, Ilaahay baa abuuray, arsaaqda na nagu mannaystay. Dh: alkun, uun.
abuur: (fal) beer iyo wax la mid ah fal; dhulbeereed shinniyee. Beerta sannadkan qamadi ku abuur. Dh: beer, fal.
abuur -ka: (magac, lab, keli) alkunka Eebbe ee adduunyada alkumay. Abuurka Alle keligii baa leh. Dh: uun, uumitaan.
abuur -ka: (magac, lab, keli) dhirta ubaxa lihi docda ay lafta ama iniinta ku leeyihiin oo kolkii la beero geedku ka soo baxo.
abuur -ka: (magac, lab, keli) shinnida xulka ah ee beerta loogu talo galay; firida tayada leh ee beeritaanka loo xulay. Dh: shinni, firi.
abuur -ka: (magac, lab, keli) makhluuqaadka kala duwan ee Alle uumay. Dh: uun, uumiye.
abuur -ka: (magac, lab, keli) abuurista oo ah hawsha la qabto kolka beerta shiinnida lagu ridayo. Dh: abuuris, shinniyays.
abuur -ta: (magac, dhedig, keli) sida iyo farsamada loo uumay; habka iyo qaabka loo sameeyay. Inantaa, anigu abuurteedaan la yaabay. Dh: baxaalli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boy
(fal) xanuun, dhib ama naxdin darteed indhahaaga lilmo ha ka soo daadato. Biyaha oo harraad gubahayoo, gal u arooraaya. Geeridoon wax dilin oo ninkii go'ay u booyeysa. Dh: ooy.
boy: (fal) erey lagu tilmaamo dibiga oo loola jeedo: kala durki faaggagga. Dibiga boy dheh.
boy -ga: (magac, lab, keli) tumbaakhada ama buuriga afka la gasho, kolka ay xumaato ee baraarujin laga waayo.
boy-ga: (magac, lab, keli) wiilka doobbiilaha ah ee dharka kaawiyadeeya.
boy-ga: (magac, lab, keli) meesha u dhaxaysa labada faag, abuurka lagu saydho oo dib loo mariyo marashida, qiyaasana marba intaad shinniyaysay. Shinnida ku saydh boyga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinniyee
v. sow seeds
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinniyee
de: sow seeds
initial: s
lx: shinniyee
pd: (shinniyeeyey)
ps: v2b=
key: shinniyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyays
m.l la-mid: sharciyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinnidhaab
m.l (-byo, m.dh) Awlallada qolalkooda yaryar oo shinnidu malabka ku kaydsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinnidhaab
-ka: (magac, lab, keli) meesha iyo xayndaabka ka sokeeya meesha shinnidu malabka ku samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hindiya
pr. n., loc. India
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hindiya
(n) India; New Delhi is the capital and Calcutta the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hindiya
de: India
lx: Hindiya
ps: n0-loc-f
key: Hindiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifays
-ka: (magac, lab, keli) shifo wax ku cunid ama ku cabbid: shifaysasho: shifaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilays
-ka: (magac, lab, keli) marka neefku gaaddabalaxoobo ee uu ciyilo. Dh: ciyil, naaxid. Li: caato, wayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirays
m.l la-mid: shirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirays
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) u shidhayn; qof dartii, neef u qalid. Dh: shido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigays
-ka: (magac, lab, keli) siigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnays
-ka: (magac, lab, keli) sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintifay
m.l (-yo, m.dh) Nooc dhurwaaga ka mid ah oo gaagaaban, madax buuran oo geela iyo xoolaha kaleba laaya. la-mid: hintifaay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinniyad
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal soo jiidasho leh oo qofku yeesho. Dh: muuqaal.
jinniyad -da: (magac, dhedig, keli) dhedigga jinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyays
-ka: (magac, lab, keli) satiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlays
-ka: (magac, lab, keli) shanlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddays
-ka: (magac, lab, keli) shiddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilayn
(Shiilayn-ta)
Dhagax shiil ah, oo kulul, biyo ku dhex ridid oo ku karkarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayn
m.f.dh eeg shiilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilayn
vl. n. disinfection (by heat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax shiil ah, oo kulul, biyo, ku dhexridid oo wax'ku'karkarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilayn
de: disinfection (by heat)
initial: s
lx: shiilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: shiilee
key: shiilayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinni_1
cf: cayayaan, xasharaad
de: bees
hm: 1
initial: s
lx: shinni
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: shinni_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinni_2
cf: abuur; firi
de: seeds, pips
hm: 2
initial: s
lx: shinni
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: shinni_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg shirbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyayn
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ranji marin; ranjiyeyn. Dh: renjiyayn, ranjiyayn.
rinjiyayn-ta: (magac, dhedig, keli) caleen shaah ku darid. Dh: ranjiyayn, renjiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysi
m.l la-mid: shiilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayso
f.g3 (-stay, -satay) Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shinni-da
abeilles.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shintiris
(Shintiris-ka)
1. Shintirin.
2. (*) Buug yar ama xaashiyo is-haysta oo dabadeed hadba mid la jaro ama la rogo, oo ay ku qoran tahay sanada oo maalmo iyo toddobaadyo iyo bilo u kala qorqoran. ~ Taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shintiris
m.l la-mid: shintirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shintiris
-ka: (magac, lab, keli) buug yar oo ama xaashiyo is haysta oo dabadeed hadba mid la jaro ama la rogo, oo ay ku qoran tahay sanada iyo, maalmaha iyo toddobaadyada; taariikh.
shintiris-ka: (magac, lab, keli) eeg shintirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacyayn
(Dhinacyayn-ta)
Hadba doc dhigad ama isu rogid; barbarrayn; is rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacyayn
m.f.dh eeg dhinacyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan walba ka marid oo hareeraha ka socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hantiyaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyayso
(fal) hanti yeelo oo samayso. Dh: dhaqo, xoolayso. Li: caydhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirays
m.l la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhays
-ka: (magac, lab, keli) isku shaandhayn.
shaandhays -ka: (magac, lab, keli) 'budo' shaandhayn.
shaandhays -ka: (magac, lab, keli) 'dawlad' shaandhayn.
shaandhays -ka: (magac, lab, keli) 'turub' shaandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirays
-ka: (magac, lab, keli) shactirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitays
-ka: (magac, lab, keli) shamiitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyayn
m.f.dh eeg sharciyee. la-mid: sharciyays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyayn
-ta: (n) legalization (lii-gaa-li-zeey-shin); validation (yaali-dheey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigasho, ansixin si ay u sharciyowdo. Sharciyaynta qodobkan ha loo codeeyo. Dh: xeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeys
-ka: (magac, lab, keli) sharciyeys.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharciyaysan
(adj) allowed by law; legalized (lii-ga-laaysidh); authorized (aaw-tha-raayzidh); lawful (loo-fuul) ~ sharciga sax ku ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirinsirqays
-ka: (magac, lab, keli) sirinsirqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysad
-ka: (magac, lab, keli) hanti iyo xoolo yeelasho. Dh: xoolaysasho, hantiyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: rinjiyan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyaysan
(tilmaame) wax ama meel renji leh.
rinjiyaysan: (tilmaame) biyo, caleen shaan lagu daray ah. Dh: ranjiyaysan, renjiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacidaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax loo ictiqaadiyo in hoodo laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadays
-ka: (magac, lab, keli) shaanbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirutibyays
m.l la-mid: sirdilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.