shimbirlibaax-da
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shimbirlibaax-da
hibou.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir madax wayn leh oo shimbiraha kale cunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir madax weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-libaax
(Shinbir-libaax-da)
1. Shinbir shinbiraha kale cunta oo af madow.
2. Cudur geela madaxa kaga dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiriirixad
m.l la-mid: simbiriirixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.