ereyga

shimbircaloolo

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shimbircaloolo

DHAN

m.dh Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shimbircaloolo

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shimbir-caloolo

DHAFAN

f. n. disease of the stomach

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shinbir-caloolo

DHAFAN
1

(Shinbir-caloola-da)

2

Cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shimbirmalab

DHAFANDHAAF

m.dh Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shimbirmalab

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir cunta malabka. Waxa la qabaa inay dadka iyo bahalaha qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto. Dh: buli, shinbirmalab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shinbircaanood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shinbiraha yaryar jaad ka mid ah oo unuunku cad yahay. shinbircaloolo -da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kufricaloolo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) munaafaqnimo. Li: muuminnimo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shinbirmalab

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir malabka cunta; waxay ku caan tahay, iyadoo dadka iyo bahalaha qaarkood u hor kacda halkay malab ku soo aragto; maris; buli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shimbir-malab

DHAFANDHAAF

f. n. honey-guide bird

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shimbiryaxaas

DHAFANDHAAF

m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shimbiryaxaas

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shinbiralaaye

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.

2

shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.

waa la naqliyay ✓