shimbir-yaxaas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-yaxaas
(Shinbir-yaxaas-ka)
Shinbir weligeed yaxaaska la joogta; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda; inta ay wax cunayso, yaxaasku afka waa kala hayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir yaxaaska afkiisa ka quudata wixi ku hadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-malab
f. n. honey-guide bird
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirmalab
m.dh Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir cunta malabka. Waxa la qabaa inay dadka iyo bahalaha qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto. Dh: buli, shinbirmalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir madax wayn leh oo shimbiraha kale cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-malab
(Shinbir-malab-ta)
Shinbir malabka cunta; waxaa la qabaa inay dadka iyo bahallada qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-libaax
(Shinbir-libaax-da)
1. Shinbir shinbiraha kale cunta oo af madow.
2. Cudur geela madaxa kaga dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-caloolo
f. n. disease of the stomach
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-YAXAAS
(Dabaiahas) C Commiphora alaticaulis Gillett & Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaaryaxaas
m.dh la-mid: cayaaryaxaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibirlibaax
-a: (magac, dhedig, kali) cudur geela ku dhaca, geel ka cabaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmadax
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun bacaraar ka bilawda oo habdhiska neefta ku baaha oo handhiso iyo cuncun badan bacaraarka ku reeba. Dh: xasaasiyad, shinbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir malabka cunta; waxay ku caan tahay, iyadoo dadka iyo bahalaha qaarkood u hor kacda halkay malab ku soo aragto; maris; buli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiririxad
-ka: (magac, lab, keli) meel jilican oo lugtu kuu cararto. Dh: siibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir madax weyn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shimbirlibaax-da
hibou.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-caloolo
(Shinbir-caloola-da)
Cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiriiraxasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiiqo oo jilicsan lugta kuu cararid. Dh: siibasho. simbiriirixad -ka: (magac, lab, keli) sidbasho; siibasho; sibiibixasho.