shimbir-malab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-malab
f. n. honey-guide bird
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirmalab
m.dh Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir cunta malabka. Waxa la qabaa inay dadka iyo bahalaha qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto. Dh: buli, shinbirmalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-malab
(Shinbir-malab-ta)
Shinbir malabka cunta; waxaa la qabaa inay dadka iyo bahallada qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir malabka cunta; waxay ku caan tahay, iyadoo dadka iyo bahalaha qaarkood u hor kacda halkay malab ku soo aragto; maris; buli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buli
m.dh Shimbir-malab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebad
m.l 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabmaris
m.dh (-syo, m.dh) Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maris
maris¹: m.l 1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iyo wixi lamida. Waris, buli, shimbir malab. 3. la-mid: marin².
maris²: m.dh la-mid: marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maris
m.l 1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iyo wixi lamida. Waris, buli, shimbir malab. 3. la-mid: marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir malabka sheegta. Malabmaris ayaa geedkaa ku joogta. Dh: maris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shimbir-ka
oiseau.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmadax
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun bacaraar ka bilawda oo habdhiska neefta ku baaha oo handhiso iyo cuncun badan bacaraarka ku reeba. Dh: xasaasiyad, shinbir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-caloolo
f. n. disease of the stomach
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-yaxaas
(Shinbir-yaxaas-ka)
Shinbir weligeed yaxaaska la joogta; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda; inta ay wax cunayso, yaxaasku afka waa kala hayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir madax wayn leh oo shimbiraha kale cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-caloolo
(Shinbir-caloola-da)
Cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbircaloolo
m.dh Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbircaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-libaax
(Shinbir-libaax-da)
1. Shinbir shinbiraha kale cunta oo af madow.
2. Cudur geela madaxa kaga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) camirnaan ama buuxid. Shamirnaanta waxa ugu wacan bakhaarkan, macaashka badan ee soo gala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammiraad
-da: (magac, dhedig, keli) 'gole' cammiraad; soo buuxin. Dh: cammiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinnidhaab
m.l (-byo, m.dh) Awlallada qolalkooda yaryar oo shinnidu malabka ku kaydsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinnidhaab
-ka: (magac, lab, keli) meesha iyo xayndaabka ka sokeeya meesha shinnidu malabka ku samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himbiriirsad
m.l la-mid: himbiriirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himbiriirsad
-ka: (magac, lab, keli) indhadarro darteed, wejiga ururin oo si dhib ah wax u eegid; wejiga bidhiidh u yeelitaan si wax loo arko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibirlibaax
-a: (magac, dhedig, kali) cudur geela ku dhaca, geel ka cabaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir yaxaaska afkiisa ka quudata wixi ku hadha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigaar-yacab
-ka: (n) smoker (is-mookar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiririxad
-ka: (magac, lab, keli) meel jilican oo lugtu kuu cararto. Dh: siibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir madax weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.