shimbir-caloolo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-caloolo
f. n. disease of the stomach
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbircaloolo
m.dh Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbircaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-caloolo
(Shinbir-caloola-da)
Cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-malab
f. n. honey-guide bird
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirmalab
m.dh Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir cunta malabka. Waxa la qabaa inay dadka iyo bahalaha qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto. Dh: buli, shinbirmalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-malab
(Shinbir-malab-ta)
Shinbir malabka cunta; waxaa la qabaa inay dadka iyo bahallada qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbircaanood
-ka: (magac, lab, keli) shinbiraha yaryar jaad ka mid ah oo unuunku cad yahay. shinbircaloolo -da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufricaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) munaafaqnimo. Li: muuminnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir malabka cunta; waxay ku caan tahay, iyadoo dadka iyo bahalaha qaarkood u hor kacda halkay malab ku soo aragto; maris; buli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiriirixoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Meel simbiriirixo ah ku kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-yaxaas
(Shinbir-yaxaas-ka)
Shinbir weligeed yaxaaska la joogta; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda; inta ay wax cunayso, yaxaasku afka waa kala hayaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.