shiishyahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishyahan
-ka: (magac, lab, keli) qofka shiishka yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragan
(tilmaame) qof liishaan wanaagsan; qof toogta yaqaan; qof dhoog fiican. Dh: shiishyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishlaan
(Shishlaan-ta)
Wax shilis ahaan: cayillaan; buurraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishlaan
m.dh la-mid: shislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishlaan
f. n., [abstract] fatness, stoutness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishlaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weynaanta iyo naaxsanaanta jidhka: wax shilis ahaan. Shishlaanta badan cunto badanaan ayaa keenta. Dh: cayillaan, buurraan. Li: caatoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishlaan
de: fatness, stoutness {N}
initial: s
lx: shishlaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: shishlaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liishaan
(Liishaan-ka)
Toog; nishaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaan
liishaan¹: m.l Ku aadinta hub la ridayo meel si waanagsan loogu aadiyo.
liishaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax shiishid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liishaan
liishaan¹: m.l Ku aadinta hub la ridayo meel si waanagsan loogu aadiyo.
liishaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax shiishid. m.f.dh, liishaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liishaan
vl. n. aim, act of aiming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaan
(fal) nishaab oo dhoog isku diyaari.
liishaan-ka: (magac, lab, keli) nishaabka leebabka iyo dhoogta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liishaan
cf: dhaqays, nishaab, toog
de: aim, act of aiming
lx: liishaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: liishaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishad
(Shiishad-da)
Saacad ka samaysan labo quraaradood oo isku aabburan oo dhexdu jiiqo tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiishad
f. n. hourglass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishad
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad.
shiishad -da: (magac, dhedig, keli) saacad lagu giyaaso waqtiga oo ka samaysan labo quraaradood oo isku abbaaran oo dhexdeedu dhuuban tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ay ku jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiishad
cf: saacad
de: hourglass
initial: s
lx: shiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishayn
(Shishayn-ta)
Meel shishe ku sugnaan; durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishayn
m.f.dh eeg shishee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fogaan, durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shislaan
m.f.dh eeg shilis². la-mid: shishlaan, shishlaansho, shislaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidnaan
(Shiidnaan-ta)
Wax shiidan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidnaan
m.f.dh eeg shiidan². la-mid: shiidnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidnaan
f. n., [abstract] state of being ground ~ milled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiidan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidnaan
de: state of being ground ~ milled
initial: s
lx: shiidnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: shiidnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilnaan
m.f.dh eeg shiilan. la-mid: shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilibyahan
m.l.kh la-mid: hilibtahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nishaaban ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaaman
(tilmaame) liishaanka la saaray; nishaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaaban
niishaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) la-mid: nishaaban¹.
niishaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: nishabaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) degitaan: quusitaan; tiinbad.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) dhagax la dhicitaan, ku tuuritaan; meditaan; aa'itaan.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) ridgitaan: budayn; daqiijitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shiilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilitaan
-da: (magac, dhedig, keli) shiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo yaraasho shiiqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shikisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof shakisan ahaan; shakisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shilisnaan
f. n., [abstract] fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shilisnaan
de: fatness
initial: s
lx: shilisnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: shishlaan
key: shilisnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsanaan
m.f.dh eeg shirsan. la-mid: shirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad shirsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilawyahan
-ka: (magac, lab, keli) caleen cagaaran oo geelu aad u jecel yahay oo geedaha waaweyn ka dul baxda oo midab iyo muuqaalba geedka kale ka duwan. Dh: qadaw, hiddagalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilowyahan
(Dhilowyahan-ka)
Qadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilowyahan
m.l Geed yar oo caleemo jilijilicsan leh oo geedaha ku dul baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhilowyahan
m.l Geed yar oo caleemo jilijilicsan leh oo geedaha ku dul baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilowyahan
m. n., [collective] parasitic plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHILOWYAHAN
(Diloyahan) N, Og Emelianthe panganensis (Engl.) Danser. Loranthaceae.
N, C Erianthemum dregei (Eckl. & Zeyh.) Van Tiegh. Loranthaceae.
N Phragmanthera dschallensis (Engl.)Gilbert. Loranthaceae.
S, N, Og Helixanthera thomsonii (Sprague) Danser. Loranthaceae.
Plicosepalus acaciae (Zucc.) Wiens. Polhill. Loranthaceae.
N Oncocalyx fischeri (Engl)Gilbert. Loranthaceae.
N, S Oncocalyx kelleri (Engl.)Gilbert Loranthaceae.
N,C Plicosepalus curviflorus (Oliv.)Van Tieg. Loranthaceae.
N Oncocalyx schimperi (A. Rich) Gilbert. Loranthaceae.
S Tapiananthus amblyphyllus (Chiov.)? Loranthaceae.
N Viscum tuberculatum A. Rich. Viscaceae.
N Viscum schimperi Engl. Viscaceae.
N Plicosepalus nummularifolius (Franch) Wiens & Polhill. Loranthaceae.
N Cuscuta planifolia Tenore. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilowyahan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhillowyahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhilowyahan
de: parasitic plant sp.
lx: dhilowyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: dhilowyahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynisyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga sayniska aqoon u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saynisyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga sayniska aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saynisyahan
m. n. scientist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saynisyahan
-ka: (n) scientist (saayn-tiist); scientific expert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynisyahan
-ka: (magac, lab, keli) qofka sayniska yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saynisyahan
de: scientist
initial: s
lx: saynisyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saynisyahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishitaan
-ka: (magac, lab, klei) wax fashilmay ahaan ama si foolxun u dhacay noqo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiish-wanaag
(n) marksman (maarkis-man); sharpshooter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taariikhyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof taariikhda si fiican u yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taariikhyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof taariikhda si fiican u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taariikhyahan
m. n., [compound] historian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taariikhyahan
de: historian
initial: t
lx: taariikhyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: taariikhyahan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhillowyahan
Epiphyte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysnaan
m.f.dh la-mid: shiilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyaysan
(tilmaame) mid shinnidii lagu riday, la abuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiish-bibanji
m.l la-mid: banji-bishiish.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taariikh yahan
-ka: (n) historian (histooriyan) ~ taariikh-yaqaan, taariikhqore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taariikhyahaan
-ka: (magac, lab, keli) qof taariikhda ku takhasusay; taariikhqore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiryaan
m.dh la-mid: ceeryaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiryaan
f. n. cloud, fog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciiryaan
-ta: (n) fog (foog) ~ ceeryaamo, ciiryaamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiryaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceeryaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiryaan
a: ciiryaamo
de: cloud, fog
lx: ciiryaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: ciiryaan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhiidhaa
Morse code
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisnaan
(Dhisnaan-ta)
Wax dhisan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisnaan
m.f.dh eeg dhisan². la-mid: dhisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisnaan
vl. n., [abstract] state of being built, construction; well-dressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhamaystiran oo dhisan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisnaan
de: state of being built, construction; [fig.] well-dressed
lx: dhisnaan
pd: (-ta)
ps: vn-f-abs
key: dhisnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisnaan
(Diisnaan-ta)
Wax diisan ahaansho; riixnaan; buusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisnaan
m.f.dh eeg diisan. la-mid: diisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diisnaan
f. n., [abstract] compression; being squashed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hoos u buusnaan oo wax deri leh noqosho. Dh: buusnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diisnaan
de: compression; being squashed
lx: diisnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diisnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaan
-ka: (magac, lab, keli) dirxi noocyo badan leh oo xiidmaha gudahooda ku dhasha. Dh: gooryaan, mascalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miishaar
miishaar¹: m.l la-mid: miinshaar¹.
miishaar²: m.dh la-mid: miinshaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miishaar
f. n. saw (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miishaar
-ta: (n) saw (soo); hacksaw (haaksoo); used for cutting wood, metal, or other hard materials ~ miinshaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miishaar
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka waawayn ee libaax badeedka ka mid ah. Miishaar ayaa shabagga ligu soo dhacay Dh: libaaxbadeed.
miishaar-ka: (magac, lab, keli) lacag joogto ah oo bishiiba mar la bixiyo oo shaqaaluhu ku qaataan shaqo ay cid ama dawlad u hayaan. Dh: bishaar, munshahar, mishaar, mishaaro, miinshaar.
miishaar-ta: (magac, dhedig, keli) bir middi aad loo ballaadhiyay u eg oo meel la qabto leh oo dhinac ilko badan oo seef ah ku leh oo looxaantal iyo xadiidka yaryar lagu gooyo ama lagu kala jeexo. Dh: miishaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miishaar
bw: Arabic
de: saw (carpenter's tool)
lx: miishaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
see: miinshaar
key: miishaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaab
niishaab¹: m.l la-mid: nishaab¹.
niishaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) la-mid: nishaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rishwaan
m.dh Cimaamad xariir ah oo waagii hore laga keeni jiray dalka Iiraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rishwaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cimaamad xariir ah oo waagii hore laga keeni jiray dalka liraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shashafa
-da: (magac, dhedig, keli) xaydh wax lagu dhayo sida haamaha ama nabarrada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidnaan
(Shidnaan-ta)
Wax shidan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidnaan
m.f.dh eeg shidan². la-mid: shid-naansho.