shiilmadoobe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilmadoobe
(Shiilmadooba-ha)
Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; cirkasoodhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilmadoobe
m.l Dhagax madow oo marka laysku dhufto habeenkii dab ka baxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilmadoobe
m. n., [compound] hard black volcanic stone; meteorite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata. Dh: cirkasoodhac.
shiilmadoobe -ha: (magac, lab, keli) dhagax sida baruurta ah oo midabkiisu madawyahay oo kolka la isku garaaco dharo ka duulduusho, Dh: shiilmadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilmadoobe
de: hard black volcanic stone; [ext.] meteorite
initial: s
lx: shiilmadoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: shiilmadoobe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) qof magtiisu boqol tahay oo lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirkasoodhac
(Cirkasoodhac-a)
Shiilmadoobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibin
(Jibin-ta)
1. Dhadhaab waaweyn oo bir ama dhagax ka samaysan oo meel fog oo Ilaah og yahay ka yimaada, oo kolkay hawada dhulkeenna soo galaan inta kululaada daarma oo qarxasho weyni ka yeerto; xiddigaha ridma ama dhaca.
2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe.
3. Yeerta weyn oo ka yeerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirkasoodhac
-a: (magac, lab, keli) noole yar oo cas oo aan dub lahayn oo biyaha roobku kolkay da'ayaan la arko. Dh: roobladhac, shiilmadoober.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SALMADOOBE
Commiphora crassispina (?) 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilmadow
m.l la-mid: shiilamadow.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIGLE-MADOOBE
(Higle-madove) S,C Cadaba heterotricha Hook. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanmadoobe
-ha: (magacwadareed) aadamaha inta madaw. Dh: Afrikaan. Li: saancadde.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAL-MADOOBE
(Salmadove) C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilamadow
m.l (-wyo, m.dh) Dhagax midab madow leh oo aad u adag. la-mid: shiilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subagmadoobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subagmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) nooc subagga ka mid ah. Subagmadoobe ayaad ii soo iibisay.
subagmadoobe -ha: (magac, lab, keli) wanka aad u cayilan ee aan jidhkiisa baruur mooyee wax kale laga goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmadoobaad
(Dhiigmadoobaad-ka)
Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo ku madoobaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmadoobaad
dhiigmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.
dhiigmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmadoobaad
m. n., [compound] (flow of) dark blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiig ku dhex guntama nabar aan qarxin oo dhexdiisa ku madoobaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmadoobaad
de: (flow of) dark blood
lx: dhiigmadoobaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dhiigmadoobaad
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIIRAN MADOOBE
Blepharispermum fruticosum 01, Ipomoea donaldsonii 10
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIIRAN-MADOOBE
Ipomoea donaldsonii 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIIRAN-MADOOBE
(Hira-madove) C Allophylus rubifolius (A.Rich) Engl. Sapindaceae.
C Blepharispermum fruticosum Klatt. Compositae.
C Turraea parvifolia Deflers. Meliaceae.
C Ipomoea donaldsonii Rendle. Convolvulaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XAJIIN-MADOOBE
Asepalum eriantherum 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAJIIN-MADOOBE
(Hajin-madu) C Asepalum eriantherum (Vatke) Marais. Cyclocheilaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxmadoobe
m.l (-bayaal ..., m.l/dh) (jool.) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax gibilmadoobaad ku dhacay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibilmadoobow
-ga: (magac, lab, keli) dadka midabkoodu madow yahay noqo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIRAN-MADOOBE
Erythrochlamys sp. 10
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciilmooge
name-m untouched by anger, of peaceful nature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciilmooge
magac loo baxsho wiil, kolkii uu dhashay, labadiisa waalid midkood dhintay ama ay kala tegeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarooje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Dullaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarooje
m. n. hard-eyed person; cruel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarooje
de: hard-eyed person; [fig.] cruel
lx: ilmarooje
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ilmarooje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka shiddada miidhan ah. Dh: dhiblow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaado
m.dh (-ooyin, m.l) Kulan la isugu yimaad xus, aroos iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilasho
m.f.dh eeg shiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib ama wax kale, dhagax shiil ah ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayso
f.g3 (-stay, -satay) Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlaboobe
-ha: (magacwadareed) qurubyada yaryar ee birlabtu soo jiidato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmadoobe
(Garmadooba-ha)
Garmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmadoobe
m.l la-mid: garmadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmadoobe
m. n., [compound] middle-aged man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garmadoobe
-garmadoobaha: (n) middle-aged man, between 40 and 60; black-bearded man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) nin gadhkiisu aan weli cirro yeelan dhallinyaranimadiina dhaafay. Dh: gadhmadoobe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmadoobe
de: middle-aged man
lx: garmadoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: garmadoobe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiikhdoon
magac loo baxsho wiil dhalashadiisi hooyadii shiikh jamatay ama ku dhashay meel xadrad shiikh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilmadhibe
-ha: (magac, lab, keli) nin aan danayn masuulnimad ku aaddan ee waayeelnimo. Xilmadhibe xaajo laguma aamino. Dh: qayramasuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) nin gadh madow; nin da'dii dhallinyaro dhaafay gadhkiisuna aanu cirro yeelan. Isagu waa gadhmadoobe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is madoobee
v. tan oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_madoobee
de: tan oneself
lx: is madoobee
pd: (madoobeeyey)
ps: v2b=expr
key: is_madoobee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalmadoone
m.l Bisha afaraad ee bilo-dayaxeedka sanadka Soomaaliga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalmadoone
m.l Bisha afaraad ee bilo-dayaxeedka sanadka Soomaaliga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maalmadoone
-ha: (magac, lab, keli) bilaha dayaxa tan 4aad ee tirsiga af Soomaaliga. Waxa innoo ballan ah bisha Maalmadoone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafmadoobe
(Naafmadooba-ha)
(xiddigo) xiddigga labaad oo naafaha; wuxuu u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafmadoobe
m.l Xiddigga labaad ee naafaha; wuxuu u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) bar samada ku taal oo madaw
naafmadoobe-ha: (magac, lab, keli) xiddig labaad oo naafaha ah oo u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays. Naafmadoobe waa naafcadde maataankii.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shill madow
Cender bolcanic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxormadoobe
m.l la-mid: moxormadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxormadoobe
-ha: (magac, lab, keli) geedka moxorka jaadadkiisa mid ka mid ah oo foox casuus madowga xiga leh. Moxormadoobe haddaad haysid iga iibi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax madoobe
Gneiss
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-madoobe
m.l (jooloji) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobaad
m.l Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iyo wixi lamida. la-mid: gibilmadoobaansho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HEERIN MADOOBE
Allophylus alnifolius 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUQSA-MADOOBE
(Rugso-madobe) C Heliotropium rariflorum Stocks. Boraginaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RUQSO-MADOOBE
[RUKSEE MADORI] Heliotropium sp. aff. H. rariflorum
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YACAY-MADOOBE
(Ya'ay-madobe) May Triumfetta actinocarpa S. Moore Tiliaceae.
C Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YACEY-MADOOBE
Houtiion fruticosum 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUDHUS-MADOOBE
(Dudus-madobe) C Commiphora ciliata Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaasiinmaddoone
m.l (-nayaal, m.l/dh) Marsoobax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaasiinmaddoone
-ha: (magac, lab, keli) halaq aan lahayn waabay daran. Dh: ciidgale, marsoobax.