shiilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilasho
m.f.dh eeg shiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib ama wax kale, dhagax shiil ah ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilasho
(Tashiilasha-da)
Sahay ama wax kale dhaqaalaysasho, si ay u raagaan oo ayan durba u dhammaan; maradhaaraysasho; dhaqaalaysasho; dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilasho
m.f.dh eeg tashiilo. la-mid: tashiilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) shay ama wax kale dhaqaalaysasho si ay u raagaan oo aanay durba u dhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiiqsasho
(Shiiqsasha-da)
Wax adag oo dhacaan leh oo inta afka la gashado la calaliyo oo dhacaanka laga liqo; bashuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsasho
m.f.dh eeg shiiqso. la-mid: shiiqsad, shiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax adag oo dheecaan leh oo inta afka la gashado la soo nuugo ama la calasho oo dabeed dheecaanka laga lego. Dh: bashuuqsi, bashuuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalayso
f.mg3 (-stay, -satay) Hilib muddo yar qudrad, subag iyo wixi lamida ku shiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Bun duban caano, daango iyo wixi lamida ku darasho. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilasho
m.f.dh eeg biilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto siisasho. Biilashada reerkii sii baa lagu kari waayey. Dh: masruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilasho
m.f.dh eeg dhilo. la-mid: dhilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilasho
m.f.dh eeg diilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigasho
m.f.dh eeg hiigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilasho
m.f.dh eeg kiilo. la-mid: kiilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) beegasho oo miisaamasho. Dh: cabbirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miilasho
m.dh la-mid: miileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidasho
(Shidasha-da)
Dab daarasho, nolaysasho, hursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidasho
m.f.dh eeg shido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidasho
vl. n. kindling, act of lighting a fire ~ lamp; lighting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidasho
-da: (magac, dhedig, keli) dab daarasho, ifsasho, noolaysasho, hursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shidasho
de: kindling, act of lighting a fire ~ lamp; [ext.] lighting
initial: s
lx: shidasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: shidasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siblasho
-da: (magac, dhedig, keli) sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiilasho
vl. n. leaning position
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiilasho
de: leaning position
initial: t
lx: tiilasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: tiilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibasho
m.f.dh eeg dhiibo. la-mid: dhiibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqasho
m.f.dh eeg dhiiqo². la-mid: dhiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqasho
-da: (magac, dhedig, kelo) dhiiqo dhoobo ah ama dhiriq ah yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhillasho
-da: (magac, dhedig, keli) bir ka baxda daabkii ay ku jirtay marka wax lagu garaacayo. Dh: fiiqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayso
f.g3 (-stay, -satay) Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinsasho
(Shinsasha-da)
Wax heliddood uurka lagu hayo ka dhursugid; malaysasho, filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinsasho
m.f.dh eeg shinso. la-mid: shinsad, shinsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax uurka lagu hayo ka dhursugid, filasho, yu'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilasho
m.f.dh eeg sikilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysasho
m.f.dh eeg shiilayso. la-mid: shiilay-sad, shiilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilnaansho
m.l/dh la-mid: shiilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shislaansho
m.l/dh la-mid: shislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibsasho
m.f.dh eeg dhiibso. la-mid: dhiibsad, dhiibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinsasho
m.f.dh eeg dhiinso. la-mid: dhiinsad, dhiinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsasho
m.f.dh eeg dhiiqso. la-mid: dhiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan, caano ka tiixin. Dh: dhiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirrasho
(Dhiirrasha-da)
Dhiirri la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirrasho
m.f.dh eeg dhiirro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirrasho
vl. n. having courage, being brave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirrasho
-da: (n) risk taking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirrasho
-da: (magac, dhedig, keli) si calool adayg iyo isku kalsooni ah wax u abbaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirrasho
de: having courage, being brave
lx: dhiirrasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dhiirrasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isjiidasho
m.dh la-mid: is-haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixasho
m.f.dh eeg saxiixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof, gacantiisa ku saxiixad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysad
m.l la-mid: shiilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shiilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukulasho
m.dh la-mid: sukulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wakiilasho
(Wakiilasha-da)
Wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakiilasho
m.f.dh eeg wakiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wakiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcaddhalaalsasho. m.f.dh, shiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilo
(fal) hilib ama wax kale, dufan ku dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiish
(Shiish-ka)
1. Kurtun yar oo bir ah oo ka taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo kore oo kolka wax la nishaabayo, isaga iyo fantax yar oo iyana buntukha meel dhexe oo kore kaga taal, la isku abbaaro.
2. Nishaab; toog; liishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiish
shiish¹: m.l 1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
shiish²: f.g1 (-shay, -shtay) Wax nishaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiish
shiish¹: m.l 1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
shiish²: f.g1 (-shay, -shtay) Wax nishaabid. m.f.dh, shiishid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiish
m. n.; [vn.]: sights of a rifle; act of aiming to shoot
shiish v. aim at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiish
-ay / -tay: (v) make one's target; point gun at; aim at the mark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiish
(fal) baastoolad iyo wax la mid ah bartilmaameed la dayo; toogo. Dh: nishaab, liishaan.
shiish-ka: (magac, lab, keli) kurtun yar oo bir ah oo ka taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo kolka wax la shiishayo, isaga iyo fantaxda yar oo isna dhuunta xaggeeda hore ku yaal, laysku abbaaro oo yoolka lagu beego.
shiish -ka: (magac, lab, keli) nishaab; toog liishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilasho
de: beginning, start; appearance of a new moon
lx: bilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filasho
m.f.dh eeg filo. la-mid: filad, filitaan (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filasho
vl. n. expectation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filasho
filashada: (n) the act of (an-ikis paktidh) expecting; expectation (ekis pak teey-shin); anticipation (aan tisi peey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Filasho
Aspettanza
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filasho
a: filad
de: expectation
lx: filasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: jarreero
key: filasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience