shiil cad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shiil cad
Marble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilcad
m.l (jooloji) Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilcad
m.l (jool.) Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marble
Shiil cad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilcas
-ka: (magac, lab, keli) dhagax sida baruurta u eg oo midab casaan ah leh kolka la isku garaacana dharo ka daadato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysad
m.l la-mid: shiilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiica
m.dh (dii.) Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiica
m.dh (dii.) Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shiica
m. n. Shia Muslim order, Shiite sect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shiica
de: Shia Muslim order, Shiite sect Contrast: Sunni
initial: s
lx: Shiica
pd: (-ha)
ps: n0-m
key: Shiica
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siilad
(Siilad-da)
1. (gobollada qaarkood) Weel macdan ah oo siddo leh oo sida wadaanta biyaha la darsado ama lagu qaato.
2. Baaldi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilad
m.dh 1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. la-mid: saylad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siilad
f. n. bucket, pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel macdan ah oo sidde leh, sida wadaanta biyaha la darsado. lagu qaato. Dh: baaldi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siilad
de: bucket, pail
initial: s
lx: siilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: baaldi
key: siilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilan
La shiilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shiilay ahaansho. la-mid: shiilaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shiilay ahaansho. m.f.dh, shiilnaan. la-mid: shiilaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilan
der. [adjective] fried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiilan
-shiilnaa / shiilnayd: (adj) fried (faraayidh). Ex: digaag shiilan; a fried chicken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilan
(tilmaame) wax dab la saaray oo dufan lagu dubay ahaan. Ma waxan ku siiyaa hilib shiilan mise mid karsan?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilan
de: fried
initial: s
lx: shiilan
pd: (shiilnaa)
ps: adj-der
key: shiilan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shiilan
مَقْلِيٍّ مَقْلُو
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilid
(Shiilid-da)
Subag kulul dhexdi ama wax la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilid
m.f.dh eeg shiil². la-mid: shiillimaad, shiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilid
-da: (magac, dhedig, keli) subag kulul dhexdii ama wax kale oo la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid; shiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalcad
m.l Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidaad
(Shiidaad-da)
Hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaad
m.dh la-mid: shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaad
f. n. hard task, tedious work, nuisance, bother
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiidaad
nickname-m hard task, tideous work, nuisance, bother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiidaad
-da: (n) the state of being busy; busy activity ~ hawlbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiidaad
magac loo baxsho wiil dhib ku dhashay ama fooshiisu adkaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaad
-ka: (magac, lab, keli) hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaad
de: hard task, tedious work, nuisance, bother
initial: s
lx: shiidaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
xe: I dont have time to bother with that.
xv: hawshood, shiddo
key: shiidaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillan
(tilmaame) wax saliid ama subag lagu dubay ahaan. Hilib shiillan ayaan soo cunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsad
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) shiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishad
(Shiishad-da)
Saacad ka samaysan labo quraaradood oo isku aabburan oo dhexdu jiiqo tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiishad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiishad
f. n. hourglass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishad
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad.
shiishad -da: (magac, dhedig, keli) saacad lagu giyaaso waqtiga oo ka samaysan labo quraaradood oo isku abbaaran oo dhexdeedu dhuuban tahay, oo ciid hadba doc u shubantaa ay ku jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiishad
cf: saacad
de: hourglass
initial: s
lx: shiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shiishad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiilqaad
(tilmaame) wiil yar oo kuray ah oo geeljiraha la socda oo gorofka qaadi kara. Dh: kuray. Li: waranqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilnaan
m.f.dh eeg shiilan. la-mid: shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacad
-ka: (magac, lab, keli) doofid; boqoolid; ambabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilamadow
m.l (-wyo, m.dh) Dhagax midab madow leh oo aad u adag. la-mid: shiilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiillimaad
m.l Shiilidda wax la shiilo. la-mid: shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillimaad
-ka: (magac, lab, keli) shiilaan; shiilliin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shill madow
Cender bolcanic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibilisad
m.dh la-mid: dhibidhisasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHICIR-CAD
(Deer-ad) N Ficus glumosa Del. Moraceae.
N Ficus quibeba Ficalho. Moraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shiilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilitaan
-da: (magac, dhedig, keli) shiilniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilmadow
m.l la-mid: shiilamadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilad
m.l la-mid: dhilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcad
m.l la-mid: halcasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halcad
vl. n. burning on the skin from excessive heat ~ stinging, itching substances
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcad
-ka: (magac, lab, keli) hillaaca ka baxa bir iftiin qabtay sida cadceedda oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halcad
de: burning on the skin from excessive heat ~ stinging, itching substances
lx: halcad
nt: halcad (halcaday) [v1=intr] 'have a burning sensation'
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: halcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilid
(Hiilid-da)
Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilid
m.f.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hiirad
name: Hirad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiirad
name-m early morning, first light at dawn; lit: born at early morning; trouble, difficult. Lit: born with difficulty, difficult birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiirad
magac loo baxsho wiil aroor hore dhashay ama wiil si adag u soo dhashay oo ay hooyadii fooshii dhib la martay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hiirad
de: Hirad
lx: Hiirad
ps: name-m
key: Hiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaad
m.dh Wax aan tiradoodu sugnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaad
-da: (magac, dhedig, keli) daruur meel fog laga arko.
hilaad -da: (magac, dhedig, keli) saadaasha wax soo socda. Dh: saadaal, saad.
hilaad -da: (magac, dhedig, keli) qiyaas indho ka cabir ah. Micnaha ku hagoogan. Asluubta hugeeda, hilaada qiyaasta, halhaysyada waara.
hilaad-da: (magac, dhedig, keli) cilmi lagu ogaado ama lagu qiyaaso roobka meel durugsan ku da'aaya, inta uu jiro, meesha uu ku da'aayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilqad
(Hilqad-da)
1. Garangar yar oo loo yeelo alaabta qaarkeed oo inta suun, kd., loogu xiro, lagu qaado.
2. Dhegaha dumarku qaataan middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilqad
m.dh (-do, m.l) 1. Biro sida faraatiga u galgaloolan oo daahyada iyo qoriga lagu xirayo isku haya. 2. Dhegaha dumarku ay qaataan middood. 3. Fadhi dad badan si wareeg ah u fadhiyaan. 4. Summad xoolaha lagu dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilqad
m.dh (-do, m.l) 1. Biro sida faraatiga u galgaloolan oo daahyada iyo qoriga lagu xirayo isku haya. 2. Dhegaha dumarku ay qaataan middood. 3. Fadhi dad badan si wareeg ah u fadhiyaan. 4. Summad xoolaha lagu dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilqad
f. n. any small ring used for fastening; earrings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilqad
-da: (magac, dhedig, keli) daldalloollo iyo garangar yar oo alaabta qaarkeed loo yeelo oo inta suun loogu xidho, lagu qaado.
hilqad -da: (magac, dhedig, keli) qalab qurux loo adeegsado oo ka samaysan dahab iyo wixii la mid ah oo ay haweenku dhegaha ku qaataan, middood.
hilqad -da: (magac, dhedig, keli) qaab loo fadhiisto oo dad badani si meegaar ah u fadhiisto.
hilqad -da: (magac, dhedig, keli) dhegaha dumarku qaataan middood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilqad
cf: dhego, kureeddo
de: any small ring used for fastening; [pl] earrings (e.g., on horse's harness, etc.)
lx: hilqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hilqad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAD
(Ilad) N, C Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilad
m.l la-mid: kiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilad
-ka: (magac, lab, keli) wax miisaamid; wax cabbirid. Dh: beegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalad
-ka: (magac, lab, keli) cawska ama basaloolka amaba daahyada aqalka hoosta lagaga xidho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shield
/shiildh/ (n) 1. gaashaan (qalab berigii hore looga gaban jiray fallaaraha dagaalka) (n) 2. shay kasta oo gaashaan ahaan loo adeegsado (v) 3. qarin (xasayn, wax ku gaashaamid si gabbaad uu u helo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shield
n., gaashan, -ki; shield maker, gabariyeel, -ki, gaashaamo samays,-ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiici
m.l.kh (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiici
m.l.kh (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shiici
m. n. Shiite, adherant of the Shia branch of Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiici
-ga: (magac, lab, keli) firqada shiicada aaminsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shiici
bw: Arabic
de: Shiite, adherant of the Shia branch of Islam
initial: s
lx: Shiici
pd: (-ga)
ps: n-m
key: Shiici
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Shiico
-Shiicada: (n) any splinter group; Shiite also Shi'ite ~ see [eeg] Sunni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiile
magac loo baxsho wiil, eeg Shiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcaddhalaalsasho. m.f.dh, shiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilo
(fal) hilib ama wax kale, dufan ku dubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shiina
pr. n., loc. China
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Shiina
(n) China; Beijing is the capital and Shanghai is the largest city ~ jayna
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shiina
de: China Alt sp: Shiine
initial: s
lx: Shiina
pd: (-ha)
ps: n0-loc-m
key: Shiina
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilid
-da: (magac, dhedig, keli) ishortaagid; dib u ridid; shilis.
shilid -da: (magac, dhedig, keli) wax kala dhexgelin; shilis: bishili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: sharad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siblad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibad
1. (Siibad-da) Deyr; xero; sariibad.
2. (Siibad-ka) Siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibad
siibad¹: m.l la-mid: siibasho.
siibad²: m.dh (siibado, m.l) Dayr; heeraar.