shiidaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidaadin
(Shiidaadin-ta)
Shiidaad u geyn, u keenid; jeedin; hawlid; daalin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaadin
m.f.dh eeg shiidaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) shiidaad u geyn, u keenid; hawlid; daalin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhibaatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaadi
v. disturb, impose upon, give tedious work
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaadi
de: disturb, impose upon, give tedious work
initial: s
lx: shiidaadi
pd: (shiidaadiyey)
ps: v2a=tr
key: shiidaadi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaadsan
der. [adjective] overworked; troubled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaadsan
cf: hawshoon
de: overworked; troubled
initial: s
lx: shiidaadsan
ps: adj-der
key: shiidaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidaad
(Shiidaad-da)
Hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaad
m.dh la-mid: shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaad
f. n. hard task, tedious work, nuisance, bother
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiidaad
nickname-m hard task, tideous work, nuisance, bother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiidaad
-da: (n) the state of being busy; busy activity ~ hawlbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiidaad
magac loo baxsho wiil dhib ku dhashay ama fooshiisu adkaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaad
-ka: (magac, lab, keli) hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaad
de: hard task, tedious work, nuisance, bother
initial: s
lx: shiidaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
xe: I dont have time to bother with that.
xv: hawshood, shiddo
key: shiidaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaado
m.dh (-ooyin, m.l) Kulan la isugu yimaad xus, aroos iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismiidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis ama meel laga maagay isku tuurid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shidaad
nickname-m bother, disturbance. Cf: Shiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidan
La shiidey; la budeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidan
shiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Badar iyo wixi lamida wax la shiiday noqosho.
shiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la shiiday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiidan
shiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Badar iyo wixi lamida wax la shiiday noqosho. m.f.dh, shiidmid.
shiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la shiiday ahaansho. m.f.dh, shiidnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidan
der. [adjective] milled, ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidan
(tilmaame) ridqan; budaysan; daqiijisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidan
de: milled, ground
initial: s
lx: shiidan
pd: (shiidnaa)
ps: adj-der
key: shiidan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shiidan
مَطْحُونَ، طَحِينٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hikaadin
m.dh la-mid: higgaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadin
m.dh la-mid: hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) saadaalin sida wax noqonayaan oo la sii sheego. Dh: hilaadis, saadaalin.
hilaadin -ta: (magac, dhedig, keli) roob oddoros ku garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaal
-ka: (magac, lab, keli) baasiinka lagu shubo gawaadhida. Dh: batrool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadin
(Siyaadin-ta)
Siyaado u yeelid; wax dheeri ah ku darid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadin
m.f.dh eeg siyaadi. la-mid: siyaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dheeraad ku darid; badin; wax dheeri ah ku biirin; kordhin badin; siyaadis. Dh: kordhin. Li: dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaadin
(Dhibaadin-ta)
Xoolo dhibaad ah, gabadha la guursadey siin, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadin
m.f.dh eeg dhibaadi. la-mid: dhibaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh xoolo diiqa ah siin. Dhibaadintu waa dhaqan habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Higgaadin
(Higgaadin-ta)
Erey qoran ama aan qorrayn, inta xaraf xaraf loo sheego, kicin, akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higgaadin
m.f.dh eeg higgaadi. la-mid: higgaadis, hikaadin, hikaadis, hingaadin, hingaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higgaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) eray qoran ama aan qorrayn, inta xaraf xaraf loo sheego isku akhrin.
higgaadin-ta: (magac, dhedig, keli) ci' sida dibida darandoorrin oo ku celcelin. Dibiga qoogan higgaa dintiisa meel dheer ba laga maqlaa. Dh: higgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaadin
m.dh la-mid: higgaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la nacay ama aan la rabin meel halis ah oo xun oo aanu ka soo nabadnoqon u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidaamin
(Miidaamin-ta)
Wax la nacay ama aan la rabin, meel xun oo fog oo uusan ka soo nabad-noqon, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaamin
m.f.dh eeg miidaami. la-mid: miidaamis, miidaamo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafta halis gelin; is biimayn oo wax nafta halis gelinaya ku dhex tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddaari
-ga: (magac, lab, keli) nin xeelad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidnaan
(Shiidnaan-ta)
Wax shiidan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidnaan
m.f.dh eeg shiidan². la-mid: shiidnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidnaan
f. n., [abstract] state of being ground ~ milled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiidan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidnaan
de: state of being ground ~ milled
initial: s
lx: shiidnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: shiidnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidniin
-ka: (magac, lab, keli) 'dhagax' shiididda lafteeda.
shiidniin -ka: (magac, lab, keli) 'biyo' shiididda lafteeda.
shiidniin ka: (magac, lab, keli) shiiditaan: dhagxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarid
m.f.dh eeg shiiraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaadin
m.f.dh eeg bahardaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xun u fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ismiidaamis
(Ismiidaamis-ka)
Iskiis meel aan la rabin ama xun isu dira; naftiisa miidaamiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismiidaamis
m. n. recklessness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismiidaamis
de: recklessness
lx: ismiidaamis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: miidaami
key: ismiidaamis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilamadow
m.l (-wyo, m.dh) Dhagax midab madow leh oo aad u adag. la-mid: shiilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadin
m.f.dh eeg dhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) summad lugu dhigo cududda jeeniga xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddin
m.l la-mid: dheddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiddin
-ka: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geednugaylka, oo jirrid jilicsan oo agabka badhkii laga qorto leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hiiraan
pr. n., loc. Hiran [region in south central Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hiiraan
(n) name of a central region of Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hiiraan
cf: Beledweyne
de: Hiran [region in south central Somalia]
lx: Hiiraan
ps: n0-loc
key: Hiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hikaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: higgaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hikaadi
v. spell out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hikaadi
-yey / say: (v) spell (ispeel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hikaadi
(fal) wax qoran ku codee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hikaadi
de: spell out
lx: hikaadi
pd: (hikaadiyey)
ps: v2a=tr
see: higgaadi
key: hikaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob). m.f.dh, hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadi
(fal) saadaali wax la fili karo. Dh: saadaali, saadi, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaan
miidaan¹: m.l (-nno, m.dh) Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.
miidaan²: m.dh Xasil. la-mid: miidaamo (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miidaan
m.l (-nno, m.dh) Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidaan
f. n., [abstract] calm; caution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaan
-ka: (magac, lab, keli) garoon ballaadhan oo shirar ama ciyaaro loo diyaariyo. Ama waa la muuqdaa ama miidaanka lama tego. Dh: fagaare, goob, gego.
miidaan -ka: (magac, lab, keli) ujeeddo; hadaf. Dh: ujeeddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidaan
de: calm; caution
lx: miidaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miidaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacin
m.f.dh eeg shaaci. la-mid: shaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) war sheeko ama wax la mid ah dad ka gaadhsiin. Dh: faafin: baahin; fidin, baahin. Li: qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaadir
(Shaadir-ka)
Shuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaadir
m.l (-rro, m.dh) Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaadir
m. n. chador, large (black) garment worn by Muslim women to cover the entire body
shaadir m. n. clever person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadir
-ka: (magac, lab, keli) dhar dumarku isku daboolaan oo is ku qariyaan marka ay ka baxaan aqalka. Shaadir iyo indhashareer bay jiq is ku siisay. Dh: shuko, jilbaab, jalaabbiib, shareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafin
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin: bogsoodsiin; biskoodsiin. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahin
m.f.dh eeg shaahi². la-mid: shaahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidaal
(Shidaa-sha)
Wax la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidaal
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidaal
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidaal
f. n. firewood, kindling
shidaal m. n. energy, fuel; gas, gasoline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shidaal
-ka: (n) fuel (fiyuuwal); sources of energy such as coal, gas, oil, wood, firewood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidaal
-ka: (magac, lab, keli) dareeraha dhulka laga soo saaro ama waxa la shito oo dhan; wax kaste oo shidma.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shidaal
وفود
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidid
(Shiidid-da)
1. Shiid la dhicid; dhagxin; medid.
2. (badar) budayn.
3. (biyo, ...) sabbayn waayid, sida dhagaxa (shiidka) u quusid, u tiinbasho, u degid.