shigni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigni
-ga: (magac, lab, keli) 'cunto' dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan oo badanaa kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa sameeyaa midhaha iyo dhir kale oo badan oo wax laga kulul iyo wax udgoonba leh oo laysku dardaray. Dh: shidni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidni
(Shidni-ga)
(cunno) dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan badanaana kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa laga sameeyaa miraha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh (ama shadni).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. la-mid: shadni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidni
m. n., (mass n.): hot spice mixture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shidni
-ga: (n) chutney (jat-ni); hot spicy sauce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidni
-ga: (magac, lab, keli) 'cunto' dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan, badanaa na kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo. Waxa laga sameeyaa midhaha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh oo laysku dardaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shidni
a: shadni
de: hot spice mixture
initial: s
lx: shidni
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shidni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinni
(Shinni-da)
1. Xasharaad afar baal oo khafiif ah iyo oogo xaadi ku rogan tahay leh; waxay cuntaa oo malab ka samaysaa dhiinka macaan oo ubaxa qaarki lee yahay.
2. Abuur; Firi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinni
m.dh.u 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shinni
m.dh.u 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinni
f. n., [collective] bees
shinni [feminine] n., [collective] seeds, pips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shinni
-da: (n) bee (bii); honeybee (hani-bii)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinni
-da: (magac, dhedig, keli) xasharaad afar baal oo khafiif ah iyo oogo xaadi ku rogan tahay leh; waxay cuntaa oo malab ka samaysaa dhiinka macaan ee uu ubaxa qaarkiis leeyahay. Waa boqortooyo aad u habaysan oo boqoradi 'shuun' wada dhasho oo mid waliba shaqo gaar ah leeyahay. Waxay u kala baxaan: boqorad, lab, shaqaale, haamo, waardiye, farsamayaqaanno iyo wixii la mid ah.
shinni -da: (magac, dhedig, keli) abuur, firi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shinni
نحلة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixdin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax wille wata oo badarka lagu ridqo. Shigniga mixdin mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shig
f.mg1 (-gay, -gtay) Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shig
f.mg1 (-gay, -gtay) Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid. m.f.dh, shigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shig
v. stammer, stutter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shig
(fal) hadal si dhib leh ugu tiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shig
de: stammer, stutter
initial: s
lx: shig
pd: (shigay)
ps: v1=intr
key: shig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shin
(Shin-ka)
Xilli; waqti; kal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shin
m.l 1. Waqti. 2. Sid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shin
m.l 1. Waqti. 2. Sid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shin
m. n. season; due ~ proper time
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
shin
(n) the front part of the leg below the knee and above the ankle.
kubka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shin
/shin/ (n) 1. kub (xubinta lugta ee jilibka ka hoosaysa, cagtana ka korraysa)(v) 2. tafid (korid dhakhsa ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shin
-ka: (magac, lab, keli) waqtiga noole kaste dad iyo xooloba, uu ku dhasho ama uu coolasha ku jiri karo. Dh: xilli, wakhti, kal, goor, ammin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shin
cf: xilli; waqti; kal; shir
de: season; due ~ proper time
initial: s
lx: shin
pd: (-ka)
ps: n-m-time
key: shin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shin
n., xoog, -gi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sign
Calaamad
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sign
(n) (m) something that suggests the presence or existence of a fact, condition, or quality, esp. the physical or mental conditions that assist in diagnosing a disease.
astaamaha lagu garto cudurka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign
/sayn/ (n) 1. calaamad (summad, astaan u yeelid) (v) 2. saxiixid (qof magaciis ku saxiixid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sign
n., bar, -ti, sumad, -di, calaamad, -di; of the camel's anger, doob, -ti; v.tr., (mark) calaamadi, sumad; (ratify by hand) saxeex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigni
-da: (magac, dhedig, keli) afarta addin oo fidsan meel sare ku tigtignaan. Dh: gignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg higsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinni
(Hinni-ga)
Dhir shareeran; jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinni
m. n. forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinni
-ga: (magac, lab, keli) dhir aad isku haysata oo shareeran. Hinni ha ina dhex marine banaanka inoo saar. Dh: kayn, jiq, hirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinni
de: forest
lx: hinni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiin
(Shiin-ka)
Dhawaaq alifba'da ka mid ah oo astaantatani sh calaamo u tahay; waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiin
m.l Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiin
m.l Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiin
m. n. SH [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiin
-ka: (magac, lab, keli) dhawaaq alifa'da ka mid ah oo astaantani 'sh' calaamo u tahay, waa shibbane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiin
a: sha'
bw: Arabic
de: SH [letter of the Arabic & Somali alphabet]
initial: s
lx: shiin
pd: (-ka Pl: shiinan (ka))
ps: n4-m
key: shiin
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shina
Chine.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shine
/shayn/ (v) 1. dhalaalid (birbirqid) (v) 2. iftiimin (ifin) (v) 3. dhalaalin (wax dhalaalaya ka dhigid, sida baalashidda kabaha) (n) 4. dhalaal (muuqaal ifaya).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shine
v.i., dhalaal; shining, n., dhalaal, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shiny
/shayni/ (adj) dhalaalaya (birbirqaya).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiqi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xagga Rabbi waxba ku lahayn, aan siclid ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid. m.f.dh, shirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiri
v. bring together, call to a meeting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiri
de: bring together, call to a meeting
initial: s
lx: shiri
pd: (shiriyey)
ps: v2a=tr
key: shiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiti
-da: (magac, dhedig, keli) waraaq dacwo oo qof inuu maxkamad horyimaad lagu ogaysiiyo. Ninkii shiti ayaa loo keenay oo dacwad ayaa ku furan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixi
(fal) shax cayaarsii.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
signe
signe, n.m. - summad; astaan; saxeexid, calaamad (xusuus ah)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinni
(Sinni-ga)
Sicir; qiime; sinaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinni
m.l Sicir; qiime.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinni
m. n. price, cost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinni
-ga: (magac, lab, keli) sicir, qiime; sinaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinni
de: price, cost
initial: s
lx: sinni
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: qiime, sicir, sinaad
key: sinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixni
(Sixni-ga)
Saxan; xeero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixni
m.l la-mid: saxan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixni
m. n. plate, dish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixni
-ga: (n) dish (diish), plate (pa-leeyt); disc (disk) ~ saxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixni
-ga: (magac, lab, keli) weel cuntada lagu rido iyo wixii la mid ah. Dh: bilaydh, saxan, saxni, xeero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixni
a: saxan, saxni
bw: Arabic
de: plate, dish
initial: s
lx: sixni
pd: (-ga Pl: suxuun (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: sixni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugni
-da: (magac, dhedig, keli) hubanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigri
-da: (magac, dhedig, keli) geed nagaadh oo ka baxa dhulka aan buuralayda ahayn jiilaalkiina xooluhu cunaan. Waxa kale oo loo adeegsadaa uumiga caruurta daaweyntooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sha'ni
(Sha'ni-ga)
Si, xaal, ged, alab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sha'ni
m.l Si; xaal; ged; alab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sha'ni
m.l Si; xaal; ged; alab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sha'ni
-ga: (magac, lab, keli) si; xaal ged: shacni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sha'ni
bw: Arabic
de: way, method; matter, affair, case
initial: s
lx: sha'ni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sha'ni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaani
-ga: (magac, lab, keli) shacni iyo qurux.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shacni
name-f beautiful, adorable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shacni
magac loo baxsho gabadh muuqaal qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacni
-ga: (magac, lab, keli) bilic ama qurux, habboonaan; fiicnaan. Dh: bilic. Li: foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shadni
(Shadni-ga)
Shidni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shadni
m.l la-mid: shidni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shadni
m. n., (mass n.): hot spice mixture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadni
-da: (magac, dhedig, keli) Qur'aanka kolka la akhriyayo xarfaha carrabka lagu adkeeyo. Shadni ku akhri meeshii shad leh. Dh: labanlaaban.
shadni -ga: (magac, lab, keli) dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan badanaana kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa laga sameeyaa miraha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh. Dh: shidni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shadni
a: shidni
de: hot spice mixture
initial: s
lx: shadni
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shadni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibbi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid aamusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibqi
f.g2 (-iyay, -isay) Neef irmaan oo ido ah lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shicbi
m. n., [collective] people; public
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shicbi
-ga: (magac, lab, keli) dadweynaha meel ama dal ku nool. Dh: rayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shicbi
de: people; public
initial: s
lx: shicbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
see: shacab
key: shicbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shifti
m. n. shift (at work)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shifti
de: shift (at work)
initial: s
lx: shifti
pd: (-ga)
ps: n2a-m
xe: Which shift are you working?
xv: kaltan {Eng}
key: shifti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shigid
(Shigid-da)
Hadalka ama ereyga si dhib leh ugu tiraabid, ugu dhawaaqid, afka uga soo saarid (iyadoo badanaa ereyga qaarkiisa hore lagu noqnoqdo, sida ma-ma-ma-magaalo, wa-wa-walaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shigid
m.f.dh eeg shig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigid
-da: (magac, dhedig, keli) iin hadalka gasha oo qofku ereyada si dhib leh ugu dhawaaqo, afka na uga soo saaro isagoo badanaa ereyga qaarkiisa hore ku noqnoqonaya, sida: 'ma… ma… magaalo'; 'la… la… lacag'; iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiici
m.l.kh (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiici
m.l.kh (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shiici
m. n. Shiite, adherant of the Shia branch of Islam