shidmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidmid
(Shidmid-da)
Wax shidma ama shidan noqosho; (dab, xaabo, ...) bixid, hurid; ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidmid
m.f.dh eeg shidan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shidma ama shidan noqosho. Dh: hurid, ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidmid
m.f.dh eeg shiidan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidid
(Shidid-da)
Dab hurin, bixin, noolayn, ololin; daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidid
m.f.dh eeg shid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidid, hurin, ololin, noolayn, shidis.
shidid -da: (magac, dhedig, keli) nal, tiriig iyo wixii la mid ah, daarid, ifin, shidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shedmid
(Shedmid-da)
Shed qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birid
(Birid-da)
Iftiin yar oo meel ka bilig yiraahda; daarmid; hurid; shidmid; hillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iyo wixi lamida). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iyo wixi lamida). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulaaq
hulaaq¹: m.l Gaaridda dab qoryo ama dhuxul la shiday wada gaaro. la-mid: hulaaqid.
hulaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Dab shidmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iyo wixi lamida). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iyo wixi lamida). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid. m.f.dh, bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidan
shidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Dab, nal, raadiye iyo wixi lamida wax daarmay noqosho. m.f.dh, shidmid.
shidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Nal, dab, raadiye iyo wixi lamida wax la shiday ahaansho. m.f.dh, shidnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.
bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalid
-da: (magac, dhedig, keli) olol bixin oo shidmid. Dh: belelid.
balbalid -da: meel ama wax kale, hadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubasho
-da: (magac, dhedig, keli) isbeddel kimikaadka dhaca marka uu ogsijiin la falgalo walax sida qori, dhuxul iyo wixii la mid ah.
gubasho -da: (magac, dhedig, keli) saamayn dab ama wax kale oo kulul ku shidmid. Shidaal ku wuu gubasho dhaw yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkan
(fal) dab shidan, bax; hur.
hulkan -ka: (magac, lab, keli) dab shidmid; bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nooli
(fal) lacaq uu gaadiid ku raaco sii. Willka nooli Jaamacadda ha tegee.
nooli -ga: (magac, lab, keli) lacag gaadiidka lagu raaco.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo wax weli dab sii leh ahaan.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) wax nafi ku jirto oon dhiman ahaan.
nooli-da: (magac, dhedig, keli) firfircooni iyo shaqo wanaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idmid
(Idmid-da)
Idan siin; in la falo, kd., oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idmid
m.f.dh eeg idan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmid
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo oggolaansho siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiid
(Shiid-ka)
1. Dhar gaar ah oo midabyo badan oo dumarku qaato.
2. Labo dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu budeeyo.
3. Dhagax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiid
shiid¹: m.l (-dad, m.l) 1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax.
shiid²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f. g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiid
shiid¹: m.l (-dad, m.l) 1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax.
shiid²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid. m.f.dh, shiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiid
m. n., (mass n.): colorful cloth ~ fabric (generally used by women)
shiid m. n. millstone, mill, grinding stone; stone
shiid v. grind; mill
shiid v. stone to death
shiid v. sink (in ~ down), go to the bottom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiid
-ay I day: (v) 1. grind (gu-raayndh); crush (karaash); pulverize (pul-varaayz). Ex: qamadiga burka shiid; grind the wheat into flour. 2. stone (istoon) ~ dhagaxyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiid
(fal) dhagax la dhac, ku tuur; tuuryee.
shiid: (fal) ridiq; buday; daqiiji.
shiid: (fal) biyo, bad, iyo wixii la mid ah, hoos u gal; quus.
shiid -ka: (magac, lab, keli) dhar gaar ah oo midabyo badan leh, qiimihiisu na badnayn oo dumarku qaato; baati.
shiid-ka: (magac, lab, keli) labo dhagax oo isku dulwareega oo badarka lagu daqiijiyo.
shiid-ka: (magac, lab, keli) tuuryayn; dhagaxtuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidid
(Sidid-da)
Wax kor loo hayo meel ku hayn ama meel u wadid, u qaadid; xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidid
m.f.dh eeg sid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushaada ku saaran ama aad gacanta ku hayso qaadiddiisa, sii wadid illaa aad halkii la dhigi lahaa geynayso. Dh: qaadid, xanbaarid, sidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Simid
(Simid-da)
1. Wax siman ka dhigid.
2. Qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simid
m.f.dh eeg sin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simid
vl. n. equalization, making something equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simid
-da: (n) 1. alignment (a-laayn-ment)-, equalization 2. levelling; smoothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simid
-da: (magac, dhedig, keli) isku sar goyn; wax siman ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simid
de: equalization, making s.t. equal
initial: s
lx: simid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: simid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidmid
m.dh eeg cidan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhidid
(Dhidid-ka)
Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda kasoo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidid
dhidid¹: m.l 1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. la-mid: dhididid.
dhidid²: m.l (cilmiga naflayda) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.
dhidid³: f.mg1 (-day, -dday) Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidid
dhidid¹: m.l Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato.
dhidid²: m.l (cilmiga naflayda) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.
dhidid³: f.mg1 (-day, -dday) Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid. m.f.dh, dhididid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhidid
m. n., (mass n.): sweat, perspiration
dhidid v. sweat, perspire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhidid
-ka: (n) sweat (isweet); perspiration (peris-pereey-shin)
dhidid -ay / day: (v) sweat (isweet); perspire (peeris-paayar)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhidid
عرق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimid
(Dhimid-da)
1. Wax buuxa ama ebyoon wax ka reebid; qabyo ka dhigid; dhantaalid; yarayn.
2. (wax dhimid) waxyeelid; eed gelid; wax bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimid
m.f.dh eeg dhin. la-mid: dhimis, dhimitaan, dhinniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhimid
Attenuation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimid
vl. n. reduction (as of price), curtailment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimid
-da: (n) decrease (dik-riis); reduction (ri-dhak-shiri) ~ yarayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhimid
Riduzione
Reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimid
-da: (magac, dhedig, keli) intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: inqin. Li: buuxin.
dhimid -da: (magac, dhedig, keli) wax yeellayn oo dhibaato gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimid
de: reduction (as of price), curtailment
lx: dhimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midmid
Bijection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midmid
-ka: (magac, lab, keli) kolba hal; wax guud ahaan mid ah aanse isku xidhnayn. Kol ha wada bixinee midmid u baxa. Dh: halhal, xabbad xabad. Li: idayl, kooxkoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridmid
m.f.dh eeg ridan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shedid
(Shedid-da)
Shed u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shedid
m.f.dh eeg shed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shedid
-da: (magac, dhedig, keli) shed u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'dab'shidid.
shidis-ta: (magac, dhedig, keli) 'nal shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidni
(Shidni-ga)
(cunno) dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan badanaana kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa laga sameeyaa miraha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh (ama shadni).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. la-mid: shadni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidni
m. n., (mass n.): hot spice mixture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shidni
-ga: (n) chutney (jat-ni); hot spicy sauce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidni
-ga: (magac, lab, keli) 'cunto' dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan, badanaa na kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo. Waxa laga sameeyaa midhaha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh oo laysku dardaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shidni
a: shadni
de: hot spice mixture
initial: s
lx: shidni
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shidni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shigid
(Shigid-da)
Hadalka ama ereyga si dhib leh ugu tiraabid, ugu dhawaaqid, afka uga soo saarid (iyadoo badanaa ereyga qaarkiisa hore lagu noqnoqdo, sida ma-ma-ma-magaalo, wa-wa-walaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shigid
m.f.dh eeg shig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigid
-da: (magac, dhedig, keli) iin hadalka gasha oo qofku ereyada si dhib leh ugu dhawaaqo, afka na uga soo saaro isagoo badanaa ereyga qaarkiisa hore ku noqnoqonaya, sida: 'ma… ma… magaalo'; 'la… la… lacag'; iyo wax la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilid
-da: (magac, dhedig, keli) ishortaagid; dib u ridid; shilis.
shilid -da: (magac, dhedig, keli) wax kala dhexgelin; shilis: bishili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shimic
(Shimic-a)
Ulo ka samaysan xanjada shinnidu waxayso, oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo, la daaro oo shidma; (ama shamac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimic
m.l la-mid: shamac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimic
m. n. candle; wax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimic
-a: (magac, lab, keli) ulo ka samaysan xanjada shinnidu waxayso, oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la shido; shamac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shimic
a: shamac ~ shumac
de: candle; wax
initial: s
lx: shimic
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shimic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirid
(Shirid-da)
Shir isugu imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirid
m.f.dh eeg shir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirid
-da: (magac, dhedig, keli) shir isugu imaansho; shiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shixid
(Shixid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixid
m.dh la-mid: shaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixid
-da: (magac, dhedig, keli) qoryo dhaadheer si is garabyaal ah u dhigid. Dh: shaxid, shixis.
shixid -da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid. Ragga badhkii shixidda sharad bay ku kala qaataan. Dh: shixis, shaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidkid
(Sidkid-da)
Sidig ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidkid
m.f.dh eeg sidig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidkid
-da: (magac, dhedig, keli) sidig ka dhigid. sidko: (fal) labo neef gayaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinmid
(Sinmid-da)
Wax siman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinmid
m.f.dh eeg siman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinmid
-da: (magac, dhedig, keli) caddaalad ku dhiqid; kala soo dhoweysi la'aan.
sinmid-da: (magac, dhedig, keli) isku sargoyn; isle'ekaysiin; simis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirmid
m.f.dh eeg siran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la siray ahaan. Dh: khatalmid, dagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidmid
(Ciidmid-da)
Ciidan u noqod, u keenid: ciidan dagaallama siin, u dirid; xoog ugu gargaarid; u hiilin.