shiddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid shiddo ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid shiddo ku abuurid. m.f.dh, shiddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiddee
v. disturb, be a nuisance to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddee
-yey / shiddeysay: (v) annoy (a-nooy)-, irritate (i-ri-teeyt)-, bother (baather) ~ rabshee, dhib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddee
(fal) eeg shidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiddee
de: disturb, be a nuisance to
initial: s
lx: shiddee
pd: (shiddeeyey)
ps: v2b=tr
key: shiddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax siddo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhee
(fal) eeg shidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidde
(Hidda-ha)
1. Dhaqan fil weyn oo waa uu abuurmay iyo cid laga dhaxlay la illaawey oo aan taariikhdu sheegi karin (xeer, caado, sheeko, maahmaah, kd.) oo qolo ama tol u gaar ah, oo facba faca ka danbeeya gaarsiiyo oo u dawiyo.
2. Dhur; sinji; dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidde
m.l Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. la-mid: hiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hidde
m.l Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. la-mid: hiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidde
m. n., [collective] (adj.): custom, culture, tradition, heritage; traditional
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hidde
-hiddaha: (n) culture (katjer); custom (kastem) ~ dhaqan, hiddo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hidde
Tradizione
Tradition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidde
-ha: (magac, lab, keli) dhaqan fil weyn oo facyawgii hore laga dhaxlay, sida xeerka, caadada, sheekoxariirta, maahmaahda, iyo wixii la mid ah oo qolo ama tol u gaar ah, oo facba facca ka danbeeya gaadhsiiyo oo u soo gudbiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidde
de: custom, culture, tradition, heritage; [atr.] traditional
lx: hidde
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: hidde
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hidde
تراث
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shide
magac loo baxsho wiil gabdho badan la dhashay ama laga filayo firfircooni iyo raganimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shide
-ha: (magac, lab, keli) shiddo; dhibaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidde
m.l la-mid: siddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidde
-ha: (magac, lab, keli) meel alaabada iyo weelasha loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabto oo lagu qaado ama lagu sido. Dh dhag, sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidee
Sidee?
Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa? Maxay ku noqotay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidee
question word, [adverb] how?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidee
(adv) how (haaw) Ex: sidee tahay? how are you? ~ sideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidee
sidee? (falkaabe) su'aaleed laga horraysiiyo su'aasha xaaladda ku saabsan. Sidee casharka loo dhigaa? Dh: Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidee
de: how?
initial: s
lx: sidee
ps: qw-adv
xe: How is the temperature today?
xv: Maanta hawadu waa sidee?
key: sidee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sidee
كيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddee
(fal) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddee
conj-adv: so then, therefore, hence, consequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddee
(fal) hado saar; dabool.
haddee: (falkaabe) sidaas darteed; haddaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddee
de: so then, therefore, hence, consequently
lx: haddee
ps: conj-adv
key: haddee
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hidden
a., qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
middee
(magac'uyaal) su'aaleed labo midkee; tee. Labada saacadood middee ayaan gaataa. Dh: midkee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riddee
(fal) wax intaad si xoog ah u qabsato inta taagtaa ah tuur. Riddee waranka oo colka gaadhi Dh: gan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddo
(Shidda-da)
Dhibaato; rafaad; baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato; rafaad. la-mid: shiidaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato; rafaad. la-mid: shiidaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiddo
f. n. nuisance, bother, disturbance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiddo
nickname-m bother, disturbance. Cf: Shiidaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddo
-shiddada: (n) worry (woori)-, discomfort (dis-kon-foort)-, uneasiness (an-iisi-nes)-, bothersome situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiddo
magac loo baxsho wiil hooyadii la dhib aragtay dhalashadiisii oo shiddo martay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo dhibaato aad u badan. Dh: baahi, dhibaato, rafaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiddo
bw: shiidaad
de: nuisance, bother, disturbance
initial: s
lx: shiddo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: curuf, dhib
key: shiddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhe
-ha: (magac, lab, keli) neef xoolaha ka mid ah oo loo qasho baahi hilib darteed. Dh: shidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Neef shiro ahaan u qalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiree
v. slaughter an animal just for the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiree
(fal) neef shidho ah u qal. shiri: (fal) shir isugu yeedh; kulmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiree
de: slaughter an animal just for the family
initial: s
lx: shiree
pd: (shireeyey)
ps: v2b=tr
see: shiro
key: shiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Dhar iyo wixi lamida xiddo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddee
v. fringe, weave a decorative border on a cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddee
(fal) sharraxaad iyo shaash qurxoon u samee. Dh: xidday, saanifaday.
xiddee: (fal) dun midabya leh faraqa guntiga ama go'a salkiisa hoose si gaar ah ugu tol. Gundhataha il xiddee. Dh: xidday, aaradee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddee
de: fringe, weave a decorative border on a cloth
initial: x
lx: xiddee
pd: (xiddeeyey)
ps: v2b=tr
key: xiddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof la xurmaynayo hawl u qabasho. m.f.dh, khidmayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shidane
nickname; name-m alight (burning)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidday
(fal) dhibaato gaarsii; dhibaatee; shiddee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiidle
nickname; name-m grinding stone, millstone, mill; stone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Dhagax aad u kulul hoore ku kululayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilee
v. heat something by throwing in hot stones; disinfect; boil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilee
de: heat s.t. by throwing in hot stones; disinfect; boil
initial: s
lx: shiilee
pd: (shiileeyey)
ps: v2b=tr
key: shiilee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishee
f.mg2 (-sheeyay, -shaysay) Wax durugsan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shishee
v. be far off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishee
(fal) dhinaca ugu fog joogio; xagga ugu shishaysa u xig. Dh: shishay. Li: sokee, sokay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shishee
de: be far off
initial: s
lx: shishee
pd: (shisheeyey)
ps: v2b=intr
key: shishee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shudder
/shadhar/ (v) 1. gar-gariirid (jarcayn) (n) 2. gar-gariir.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shudder
(see shiver).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeed
(Siddeed-da)
Tirada u dhexaysa toddobada iyo sagaalka; (8).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeed
m.dh.t Tirada toddobada iyo sagaalka u dhexeysa; “8”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siddeed
m.dh.t Tirada toddobada iyo sagaalka u dhexeysa; 8.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siddeed
num. eight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siddeed
-da: (n) eight (eeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddeed
-da: (magac, dhedig, keli) tirada u dhexaysa toddoba iyo sagaalka. Siddeed neef oo geela ayaa la i siiyay. Dh: 8; VIII.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siddeed
de: eight
initial: s
lx: siddeed
pd: (-da)
ps: num-f
key: siddeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddey
(fal) faraha ka qaad wax aad haysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) la-mid: dheddigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka shiddada miidhan ah. Dh: dhiblow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chiédere
v.tr. - weydiin, warsasho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chiudere
Xir
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chiùdere
v.tr. - xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin. m.f.dh, saliidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidee
v. make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidee
de: make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
initial: s
lx: saliidee
pd: (saliideeyey)
ps: v2b=
key: saliidee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scindere
v.tr.- kala soocid, kala saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaadhsiin; dhibid; shiidaadid. Dhibaato gaadhsiin, qaxar gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddays
-ka: (magac, lab, keli) shiddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibidhee
(fal) samayso sibidh ama shamiitee. Sibidhee daarada aqalka. Dh: sabadee, sibdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiddeyn
(Siiddeyn-ta)
Wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siiddeyn
Rilasciamento
Release
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid: siiddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeys
-ka: (magac, lab, keli) siiddeyn.