shibiryaxaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir yaxaaska afkiisa ka quudata wixi ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-yaxaas
(Shinbir-yaxaas-ka)
Shinbir weligeed yaxaaska la joogta; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda; inta ay wax cunayso, yaxaasku afka waa kala hayaa.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIBYAXAAS
[DIBYAHAS] Commiphora alaticaulis 02
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibirlibaax
-a: (magac, dhedig, kali) cudur geela ku dhaca, geel ka cabaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir madax wayn leh oo shimbiraha kale cunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir madax weyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaxaad
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo wax lagu qurxiyo, lagu bilo.
sharaxaad -da: (magac, dhedig, keli) cashar ama wax kale faahfaahin ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dhirta aad u kala yagaan oo magacdeeda iyo manfacaddeedaba kala yaqaan. Dh: geedayaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxaad
m.dh Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iyo wixi lamida. la-mid: sharra-xid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharraxaad
m.dh Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iyo wixi lamida. la-mid: sharraxid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharraxaad
-da: (n) decoration (di-koreey-shin); ornament (oorna-mant) embellishment, ~ qurxin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay adagtahay in la fahmo hadal dheeraada ah oo lagu faahfaahinayo si loo fahmo. Macallinow casharkan sharraxaad dheeraad ah iga sii. Dh: faahfaahin, balballaadhin, jilcin.
sharraxaad -da: (magac, dhedig, keli) qurxin dheeraad ah. Aqalka sharraxaaddiisa badiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibbanaan
m.f.dh eeg shibban. la-mid: shibbanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aamusan ahaan.
shibbanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax shibbane leh ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabaad
m.dh la-mid: sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaad
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan inuu caano leeyahay jirrabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibid iyo jirrabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsanaan
m.f.dh eeg shirsan. la-mid: shirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad shirsan ahaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-YAXAAS
(Dabaiahas) C Commiphora alaticaulis Gillett & Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibishaxad
-ka: (magac, lab, keli) awrka qooqan oo inta uu kaadidiisa dabada ku soo daro, qanaanta iskaga rusheeya, si uu u hubiyo qoodhnimadiisa. Dh: dhebidhisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyaraan
m.f.dh eeg dhiigyar. la-mid: dhiigyaraansho, dhiigyari, dhiigyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhiiggu ka yaryahay ahaan. Dh: dhiigli'i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirranaan
(Dhiirranaan-ta)
(qof) dhiirran ahaan; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranaan
m.f.dh eeg dhiirran. la-mid: dhiirranaansho (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirranaan
f. n., [abstract] bravery, courage, fearlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baqdin la'aan iyo waabasho la'aan. Dh: calooladayg, geesinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirranaan
de: bravery, courage, fearlessness
lx: dhiirranaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: geesinnimo
key: dhiirranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibirsanaan
m.f.dh eeg kibirsan. la-mid: kibirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kibir hayo oo qab weyn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libirsanaan
m.f.dh eeg libirsan. la-mid: libirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirirsanaan
m.f.dh eeg sirirsan. la-mid: sirirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax cunaha laqabtay ahaan oo naqas ku dhagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaaryaxaas
m.dh Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. la-mid: ciyaaryaxaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaaryaxaas
f. n. crocodile dance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaaryaxaas
bw: ciyaaryaxaas {C & S}
cf: baxaar
de: crocodile dance (performed by those who claim to have power over the crocodiles)
lx: cayaaryaxaas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: cayaaryaxaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaaryaxaas
m.dh la-mid: cayaaryaxaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirmalab
m.dh Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir cunta malabka. Waxa la qabaa inay dadka iyo bahalaha qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto. Dh: buli, shinbirmalab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmadax
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun bacaraar ka bilawda oo habdhiska neefta ku baaha oo handhiso iyo cuncun badan bacaraarka ku reeba. Dh: xasaasiyad, shinbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmalab
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir malabka cunta; waxay ku caan tahay, iyadoo dadka iyo bahalaha qaarkood u hor kacda halkay malab ku soo aragto; maris; buli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-libaax
(Shinbir-libaax-da)
1. Shinbir shinbiraha kale cunta oo af madow.
2. Cudur geela madaxa kaga dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-malab
f. n. honey-guide bird
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-malab
(Shinbir-malab-ta)
Shinbir malabka cunta; waxaa la qabaa inay dadka iyo bahallada qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto.