shibirlibaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibirlibaax
-a: (magac, dhedig, kali) cudur geela ku dhaca, geel ka cabaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shimbirlibaax
m.dh 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir madax wayn leh oo shimbiraha kale cunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirlibaax
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir madax weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-libaax
f. n. owl ~ bird of prey species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-libaax
(Shinbir-libaax-da)
1. Shinbir shinbiraha kale cunta oo af madow.
2. Cudur geela madaxa kaga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micilibaax
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciddilibaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilitaan
-da: (magac, dhedig, keli) shiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiillimaad
m.l Shiilidda wax la shiilo. la-mid: shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillimaad
-ka: (magac, lab, keli) shiilaan; shiilliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir yaxaaska afkiisa ka quudata wixi ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimbiryaxaas
m.dh Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimbiryaxaas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir waligeed yaxaaska la socota oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso afkiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiryaxaas
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir weligeed yaxaaska la socota; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hadha ilkaha yaxaaska dhexdooda. Inta ay wax ka cunayso ilkihiisa, yaxaasku afka iskuma qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garlibaax
m.l Bulka uu geedka galleydu soo rido inta uusan sabuulka yeelan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garlibaax
-a: (magac, lab, keli) bulka uu geedka galleydu soo rido inta uusan sabuulka yeelan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilnaan
m.f.dh eeg shiilan. la-mid: shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax bishilan ka dhigid; shilniin.
shilitaan -ta: (magac, dhedig, keli) is hortaagitaan; dib u ridid; shilliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiritaan
-ka: (magac, lab, keli) isu'imaad; kulmitaan; shirniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibilisad
m.dh la-mid: dhibidhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayblibaax
m.l Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayblibaax
m.l Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayblibaax
m. n., [compound] the lion's share
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayblibaax
de: the lion's share
lx: qayblibaax
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
xe: work very hard
xv: shaqada qayblibaax ka qaado
key: qayblibaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribaad
m.dh 1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo. la-mid: sharribid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharribaad
m.dh 1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharribaad
vl. n. trying out, act of testing (a machine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharribaad
-da: (n) testing (testing)-, experimenting ~ tijaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribaad
-da: (magac, dhedig, keli) sharrib; tijaabin; jarribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharribaad
de: trying out, act of testing (a machine, etc.)
initial: s
lx: sharribaad
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sharribaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) degitaan: quusitaan; tiinbad.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) dhagax la dhicitaan, ku tuuritaan; meditaan; aa'itaan.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) ridgitaan: budayn; daqiijitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo yaraasho shiiqniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabaad
m.dh la-mid: sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaad
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan inuu caano leeyahay jirrabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibid iyo jirrabaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayb-libaax
(expression) lion's share.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDI-LIBAAX
(Iddi-libah) May, S Combretum aculeatum Vent. Combretaceae.
N Hibiscus asper Hook.F. Malvaceae.
C,S Hibiscus cannabinus L. Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillibaax
m.dh 1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddillibaax
m.dh 1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbirmadax
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun bacaraar ka bilawda oo habdhiska neefta ku baaha oo handhiso iyo cuncun badan bacaraarka ku reeba. Dh: xasaasiyad, shinbir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-yaxaas
f. n. small bird species that lives in symbiosis with the crocodile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-yaxaas
(Shinbir-yaxaas-ka)
Shinbir weligeed yaxaaska la joogta; waxay ku nooshahay oo cuntaa xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda; inta ay wax cunayso, yaxaasku afka waa kala hayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillibaaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibtirnaan
m.dh la-mid: dhibiibtirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhaawac ku yaal, daawayn oo xanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibtimaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhibiibitirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimbir-malab
f. n. honey-guide bird
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir-malab
(Shinbir-malab-ta)
Shinbir malabka cunta; waxaa la qabaa inay dadka iyo bahallada qaarkood horkacdo oo meeshii malab ku jiro tusto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIMBIRO-YAACIS
(Shimbro-yays) S Strychnos decussata Pappe) Gilg. Loganiaceae.