sheterid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheterid
-da: (magac, dhedig, keli) khatalid; khiyaamayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sheltered
/sheltardh/ (adj) dugsiin (laga dugsiiyey ama laga dhawray wixii dhib ah, sida cimilada iyo adduunyada dhibteeda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerid
m.f.dh eeg seer. la-mid: seerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerid
-da: (magac, dhedig, keli) xeerid; soohdin u yeelid; meegaarid; seeris.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHEERI
(Sceeri) N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheter
(fal) khatal; khiyaamee.
sheter -ka: (magac, lab, keli) khatalaad; khiyaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegid
(Sheegid-da)
Wax maanka lagu hayey, hadal (dhigan, ama aan dhignayn) ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegid
m.f.dh eeg sheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegid
vl. n. telling, relating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegid
-da: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama sir laqarinayey, ku hadlid; wax maanka lagu hayey. hadal dhigan ama aan dhignayn oo la yidhi ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid, sheegis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegid
de: telling, relating
initial: s
lx: sheegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: Mohammed is good at telling stories.
xv: Maxamed sheeko sheegidda wuu ku wanaagsanyahay.
key: sheegid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheegid
حكاية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheemid
(Sheemid-da)
Laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guula hayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemid
m.f.dh eeg sheen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemid
-da: (magac, dhedig, keli) laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guulaayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexid
(Sheexid-da)
Sheex iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexid
m.f.dh eeg sheex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebta iyo wixii qaldan iskaga fogaanshaha iyo ka xishoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererid
(Dhererid-da)
1. Aad u sugid; raagsasho; daahsasho.
2. Taagnaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererid
m.f.dh eeg dherer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareerid
(Shareerid-da)
Wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareerid
m.f.dh eeg shareer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shataarid
(Shataarid-da)
Shataarad cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shataarid
m.f.dh eeg shataar². la-mid: shitaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataarid
-da: (magac, dhedig, keli) shataarad, cid kale wax kaga qaadid, xarfad iyo hab cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shitaarid
m.dh la-mid: shataarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale xeelayn oo qatalid.
shitaarid -da: (magac, dhedig, keli) marada lagu kala xidho qol iyo wixii la mid ah, si aan laysu arag. Dh: sitaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeri
(Seeri-ga)
Firinbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeri
m. n. whistle, siren
seeri m. n., loc. pasture area far removed from the settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeri
-ga: (n) whistle (wisel) ~ firinbi, siidhi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Seeri
Confine
Border
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeri
-ga: (magac, lab, keli) firinbi; siidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheed
(Sheed-da)
1. Meel dheer ama taag ah; buur.
2. Meel durugsan, fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheed
m.dh (-do, ml.) 1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheed
m.dh (-do, ml.) 1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheed
f. n., loc. high ~ distant place, remote area; mountain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheed
-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer ama taag ah. Dh: buur.
sheed -da: (magac, dhedig, keli) meel durugsan, fog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sheer
/shir/ (adj) 1. soocan (aan la tarrixin) 2. leex-leexsan (jan-jeer ah) 3. khafiif ah (maro jilicsan oo khafiif ah sida xariirta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sheer
a., (pure) miiran, safaysan, saafi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerid
m.f.dh eeg beer³. la-mid: beeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhir ama hadhuudh beeris. Basal beerid loo soo bannaan baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeri
1. (Dheeri-da) Wax fog ama dheer ahaansho; dheeraansho.
2. (Dheeri-ga) Dheeraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeri
dheeri¹: m.l la-mid: dheeraad.
dheeri²: m.dh la-mid: dheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeri
f. n., [abstract] length, tallness; distance; extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeri
cf: dheeraan
de: length, tallness; distance; extra
lx: dheeri
pd: (-da)
ps: n2a-f-abs
key: dheeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerid
(Feerid-da)
1. Cayaar ama dagaal feer ugu dhufasho, ula dhicid.
2. (timo) firid; shanlayn.
3. (caw, kd.) jeexjeexid; dhilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerid
m.f.dh eeg feer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerid
-da: (magac, dhedig, keli) shanlaynta timo iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heecid
m.f.dh eeg heec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerin
m.l.kh H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. la-mid: heeran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerin
m. n. alliance through marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabdho guurdoon ah oo dhulkoodii dhul an ahayn u baxa; gabdho in la guursado isu raaca oo dhulka geyaankoodu joogo marba meel ka taga, ilaa iyo inta laga guursanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerin
de: alliance through marriage
lx: heerin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heerin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heerid. heeritaan-ka: (magac, lab, keli) naafo ka dhigitaan ama dhaawacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meerid
(Meerid-da)
Socod wareeg ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerid
m.f.dh eeg meer². la-mid: meer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerid
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad jaarka ah tegid. Islaan meerid badan oo kolba xaafad ka sheekaysa edebsaa la yidhaa. Dh: meeris.
meerid -da: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo wixii la mid ah si xograadin ah u soo wada marid. Kor meerid ayuu kaga war helay dhammaan hawlaha. Dh: wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebid
m.f.dh eeg seeb². la-mid: seebin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seebid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebid
-da: (magac, dhedig, keli) seeb ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seegid
(Seegid-da)
Haleeli waayid; gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegid
m.f.dh eeg seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegid
-da: (magac, dhedig, keli) la gefid haleeliwaayid; seegis, waayitaanka waxaad rabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemid
(Seemid-da)
1. Wax seemman ka dhigid.
2. (cayaar orod iyo istaabasho ku dhisan) taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemid
m.f.dh eeg seen².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seemid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar inta goobaabin dhulka lagu sameeyo, oo labo kooxood laysu qaybiyo hadba qolo goobaabinta ilaaliso, co qofkii kusoo dhowaada ay madaxa ka taabtaan.
seemid -da: (magac, dhedig, keli) wax seemman ka dhigid; dhukurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeris
-ta: (magac, dhedig, keli) seerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seesid
(Seesid-da)
Sees u yeelid, ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seesid
m.f.dh eeg sees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seesid
-da: (magac, dhedig, keli) sees u yeelid; sees ku xidhid; meegaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
segeri
-ga: (magac, lab, keli) subag aan si fiican loo shiilin oo urtiisuna liidato. Dh: shagari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharid
(Sharid-da)
Qof iin yeeshay, mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iin yeeshay. mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin, ka casilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shedid
(Shedid-da)
Shed u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shedid
m.f.dh eeg shed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shedid
-da: (magac, dhedig, keli) shed u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirid
(Shirid-da)
Shir isugu imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirid
m.f.dh eeg shir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirid
-da: (magac, dhedig, keli) shir isugu imaansho; shiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerid
m.f.dh eeg weer³.