shelf
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shelf
/shelf/ shelves;(n) marfish (iskafaale, alwaax ama bir meel lugu dhejiyo, oo alaabta la saarto).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
self
/self/ (n) naf (naftiisa, qudhiisa); iskiis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
self
self, n.m. - qof ahaan; ruux ahaan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
self
refl.p., is, is, -ki; n., naf, -ti, qudh, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sheaf
/shiif/ (n) xirmo (cuntub, guntin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sheaf
n., (of arrows) xidhmo gantaal ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shell
/shel/ (n) 1. qolof (dahaar adag) (n) 2. xabbad (rasaas, saanada qoriga laga rido) (v) 3. qolofta ama dahaar ka qaadid (fiiqid, diirid) 4. xabbad ridid (rasaasayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shell
n., aleel, -shi, laji, -gi or lajo, -adi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaso qaaradeed
Continental shelf
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raso barafeed
Ice shelf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexsaar
v. put in the middle of (as a shelf)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskafaale
m. n. shelf, rack; bookcase
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabar
m. n. dresser, wardrobe, cupboard; drawer, shelf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raar
m. n. kind of mat; ladder; shelf
raar: [feminine] n. inner part of a house
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaran
der. [adjective] stored on a shelf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakee
v. build a platform, shelf, etc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rako
f. n. platform, shelf, scaffolding
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rako
name-f platform, shelf, scaffolding
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arrange
/arreynji/arranges, arranged, arranging; (v) 1. habayn, isku duwid ama diyaarin (gorshayn). e.g. Call me tomorrow and we will arrange a meeting. 2. wax la safay ama si habaysan loo dhigay. e.g. I started arranging my books on the shelf.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskafaale
-iskafaalaha: (n) shelf (shalf)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marfish
-ka: (n) shelf (shelf); shelves ~ iskafaale
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
belong
/beloong/ (v) 1. lahaathow. 2. ku mid haathow. If you belong to a group you are a member of it. 3. dar lahaathow. The book belongs on the shelf, not on the floor.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scaffale
s.m. - iskafaale, shelfis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexsaar
de: put in the middle of (as a shelf)
lx: dhexsaar
pd: (dhexsaaray)
ps: v1=tr
key: dhexsaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskafaale
de: shelf, rack; bookcase Alt sp: iskafaalle {C & S < It}
lx: iskafaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: iskafaale
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabar
de: dresser, wardrobe, cupboard; drawer, shelf {Eng}
lx: kabar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kabar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raar_1
de: kind of mat; ladder; shelf
hm: 1
lx: raar
pd: (-ka)
ps: n4-m
key: raar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaran
de: stored on a shelf
lx: raaran
pd: (raarnaa)
ps: adj-der
key: raaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalfo
(Shalfa-da)
(geel) tagoogta afkeeda iyo shafka oo isxoqa oo meeshu nabar noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalfo
m.dh Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalfo
f. n. abrasion on camel's underside caused by scratching itself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalfo
-da: (magac, dhedig, keli) 'geel' nabar ka dhasha tagoogta afkeeda iyo shafka oo isxoqa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalfo
de: abrasion on camel's underside caused by scratching itself
initial: s
lx: shalfo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shalfo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelo
(Sheela-da)
Xiidmaha wax ka mid ah oo, xuubka hoos ka celiya oo dillaaca darteed, soo dhaadhaca oo qooraha gala oo weyneeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelo
m.dh Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheelo
m.dh Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheelo
f. n. hernia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheelo
-sheelada: (n) hernia (heer-niya)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelo
-da: (magac, dhedig, keli) xiidmaha wax ka mid ah oo, xuubka hoos ka celiya oo dillaaca dartiis, soo dhaadhaca oo haragga xiniinyaha qooraha dhexgala oo weyneeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheelo
de: hernia
initial: s
lx: sheelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sheelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shelmi
-ga: (magac, lab, keli) caanaha laga liso baarta iyo doomada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shelve
/shelv/ (n) 1. marfishka ama iskafaale saarid, ku nidaamin (v) 2. dib-u dhigid (waqti dame ka dhigid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shield
/shiildh/ (n) 1. gaashaan (qalab berigii hore looga gaban jiray fallaaraha dagaalka) (n) 2. shay kasta oo gaashaan ahaan loo adeegsado (v) 3. qarin (xasayn, wax ku gaashaamid si gabbaad uu u helo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shield
n., gaashan, -ki; shield maker, gabariyeel, -ki, gaashaamo samays,-ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
elf
/elf/ (n) jinni, cirfiid-yan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hel
f.g1 (-elay, -eshay) Wax lumay arkid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hel
f.g1 (-elay, -eshay) Wax lumay arkid. m.f.dh, helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hel
v. get, receive, obtain; find; win, achieve; reach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hel
-ay / heshay: (n) get something back ; find (faayndh)-, recover (ri-kaver); regain (riigeeyn), retrieve (ri-ti-riiv); obtain (obteeyn). Ex: waxay heshay furiheedii; she found her key
ka hel: (v) find pleasant or attractive; enjoy (en-jooy); like (laayk). Ex: ma ka heshay? do you like it?
la hel: (v) aim at or for; hit (hit)-, target (taar get)-, Ex: banooniga kolayga la hel; hit the ball into the basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hel
(fal) wax horay loo la'aa ama kaa maqnaa, dib u hanti. Lacagtii aad hallaysay imikadaa hel. Li: waa.
hel: (fal) cudur, dhibaato ama wax kale, ku dhac; haleel. Dhanjaf baa i helay.
hel: (fal) tuugo, cadaw iyo wixii la mid ah, la kulan. Budcad baa safarkii helay.
hel: (fal) roob, da' ku da'. Roob fiican baa na helay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hel
de: get, receive, obtain; find; win, achieve; reach
lx: hel
pd: (helay / heshay)
ps: v1=
key: hel
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sel
sel, n.m. - milix
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
she
/shii/ (pron) ayada (magac-u-yaal dheddiga loo adeegsado).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
she
pers. prn. (see Grammar).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chef
/jef/ (n) kariye xirfad sare leh (dabbaakh sare).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chef
chef, n.m. - Hoggamiye; Hor kaça
chef de cuisine - Dabbaakha ama kariyaha hudheelka baarka (madaxa kariyada).
chef d'orchestre - hoggaanshe koox ciyaartooy ah
chef de clan - Nabad-doon; Caaqil.
chef de tribu - kaabo qabiil
chef de brigade - Hor-jooge koox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ehel
(Ehel-ka)
Xigto; sokeeye; qaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehel
m.l Qaraabo, sokeeye, xigto. la-mid: ahal, ahalo, ehelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ehel
m.l Qaraabo, sokeeye, xigto. la-mid: ahal, ehelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ehel
m. n. relative, kinsman, family; parent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ehel
-ka: (n) people related by kinship, common origin, or marriage; folks (fowkis); relatives (relativis) qaraabo, ehelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehel
-ka: (magac, lab, keli) qaraabo iyo dad dhawaale ah. Ehel lama aflagaadeeyo. Dh: xigaal, xigto, sokeeye, qaraabo, ehelo. Li: shisheeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ehel
a: ehelo
de: relative, kinsman, family; parent
lx: ehel
pd: (-ka)
ps: n1-m
key: ehel
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Half
Badh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
half
/haaf/ (n) bar, nus.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
half
(½), n., badh, -ki, jeex; (part) go’, -i; half a glass, half a pot, mugii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hell
/hel/ (n) 1. cadaab, naar. (infl) 2. erey xun oo xanaaq muujiya ama hadalka lugu adkeeyo. e.g. What the hell are you doing here?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hell
n., cadaab, -ti, naar, -ti; hellfire, dab cadaabeed, dab naareed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
helm
/helm/ (n) shukaanta markabka (isteerinka markabka laga wado).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
helm
n., shukaan, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
help
/help/ (v) 1. caawin. (n) 2. caawimaad, taageero.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
help
n., caawin, -ti, caawimaad, -di, gargaar, -ki, hiil, -ki; v.tr., la caawi, caawin, gargaar, u hiili, la qabo; God help you, Eebbahay ha kaa caawino; it is a thing we cannot, waa waxaynan iska karayn; go for help, qaylo, qayla gee, caawinaad u kac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seef
(Seef-ta)
Qalab lagu dagaallamo oo leh: bir dheer (birlab) oo xalleefsan oo dhuuban oo toosan ama qalloocan; caarad wax mudda; af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef
m.dh (-fo, m.l) Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seef
m.dh (-fo, m.l) Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seef
f. n. sword, saber, scimitar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seef
-ta: (n) sword (soordh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seef
-ka: (magac, lab, keli) wax badan oo dhinaca is ku haya. Dh: dhinac, fay, gefti.
seef -ta: (magac, dhedig, keli) qalab lagu dagaallamo oo ka samayn bir, xalleefsan oo toosan ama soo yara xoodan, caarad wax mudda leh, af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto leh, gal la geliyana leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seef
bw: Arabic
de: sword, saber, scimitar
initial: s
lx: seef
pd: (-ta Pl: seefaf (ka))
ps: n4-f, n1-f
key: seef
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
seef
سيف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seel
-sha: (magac, dhedig, keli) carro dhanaan oo soo foodhacdo oo xooluhu jecelyihiin. Dh: dhagad, garraw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sell
/sel/ (v) iibin (gadid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sell
v.tr., iibi, soo iibi, iibso, soo iibso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
serf
/serf/ (n) addoon loo gatay inuu dhulka uga shaqeeyo sayidkiisa ~ dhul-tabce.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
serf
serf, n.m. - addoon; adeege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaf
(Shaf-ka)
Laabta inta lafsakaarta ku abbaaran; leg; gaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaf
shaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Geedo iyo wixi lamida jarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaf
shaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Geedo iyo wixi lamida jarid. m.dh, shafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaf
m. n. chest, breast
shaf v. reap, harvest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaf
-ka: (n) chest (jast); breast (ba-reest) ~ laab, xabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaf
-ka: (magac, lab, keli) laabta inteeda lafsakaarta ku abbaaran: leg: gaaddo. Shafka ayuu ku qaaday dadkii oo dhan kibir dartii. Dh: xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shed
(Shed-ka)
(naxwe) Shibbaneyaasha qaarkood oo dhawaaqooda la adkeeyo oo laballabada (-dd-, -bb-, -rr-, kd.) loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shed
shed¹: m.l Labanlaabidda shibbane Carabi ah la labanlaabo.
shed²: f.g1 (-day, -dday) Shibbane Carabi ah labanlaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shed
shed¹: m.l Labanlaabidda shibbane carabi ah la labanlaabo.
shed²: f.g1 (-day, -dday) Shibbane carabi ah labanlaabid. m.f.dh, shedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shed
m. n. double consonant; stress {grammar}
shed v. double (a consonant); put stress on {grammar}
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shed
/shedh/ (n) 1. cariish (guri buul ah) (v) 2. daadasho (sayrin, qubid, sida illin oohin la qubata, caleen geed ka daadata iwm).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shed
-ka: (n) doubling an Arabic letter; stress placed on the, sound in a word
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shed
-ka: (magac, lab, keli) naxwe, shibbaneyaasha qaarkood oo dhawaaqooda la adkeeyo laballabada loo dhigo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shed
n., (a hovel) balballo, -adi, waab, -ti, bul, -ki; make the shed, balballay.
shed: v.tr., (pour out) daadi, qub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shey
(Shey-da)
Geed weyn oo weligi cagaaran, oo leh miro qabowga lagu cuno sida kuwa qurcista (tiinka).