sheelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelid
m.f.dh eeg dheel³. la-mid: dheelis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegid
(Sheegid-da)
Wax maanka lagu hayey, hadal (dhigan, ama aan dhignayn) ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegid
m.f.dh eeg sheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegid
vl. n. telling, relating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegid
-da: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama sir laqarinayey, ku hadlid; wax maanka lagu hayey. hadal dhigan ama aan dhignayn oo la yidhi ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid, sheegis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegid
de: telling, relating
initial: s
lx: sheegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: Mohammed is good at telling stories.
xv: Maxamed sheeko sheegidda wuu ku wanaagsanyahay.
key: sheegid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheegid
حكاية
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarin aan wax ba la sheegaynin. Dh: muujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelis
-ta: (magac, dhedig, keli) sheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheemid
(Sheemid-da)
Laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guula hayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemid
m.f.dh eeg sheen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemid
-da: (magac, dhedig, keli) laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guulaayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexid
(Sheexid-da)
Sheex iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexid
m.f.dh eeg sheex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebta iyo wixii qaldan iskaga fogaanshaha iyo ka xishoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasayn
(Tasayn-ta)
Tixgelin iyo qaddarin la'aan; waxaan jirin ka dhigid; liidid; sheelid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabas
dambaabas¹: m.l Sheelidda wax xogtooda la ogyahay la qariyo.
dambaabas²: f.g1 (-say, -stay) Wax xogtooda la ogyahay qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan laga arki karin dhigid. Dh: xasayn, qarin, sheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan la arkayn dhigid; wax aan muuqan oo qarsoon ka dhigid. Sirtu garintay ku fiican tahay. Dh: kaayid, dahid. xasayn, sheelid, qaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelitaan
-ka: (magac, lab, keli) sheelidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelniin

xobbolid
-da: (magac, dhedig, keli) asturid wax cid gaar u ah. Dh: sheelid, garin, asturid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmid
m.f.dh eeg dheelan². la-mid: dheelan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe ilaa habeenkii socod. Dhego ina rag kay dhinac martaa, dheelmatiin galaba, dhaqan iyo aduun lama hadheen iyo dhogorta xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheyelid
(Dheyelid-da)
Dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheyelid
m.dh la-mid: dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isyeelid
(Isyeelid-da)
Wax isgaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib ama wax kale, isgaadhsiin; wax isu dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheterid
-da: (magac, dhedig, keli) khatalid; khiyaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeli
(Heeli-ga)
Miraha higlada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeli
m.l Miraha higlaha oo bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeli
m. n., [collective] fruit of a thornless tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeli
-ga: (magac, lab, keli) miraha higlada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeli
cf: higlo (the tree)
de: fruit of a thornless tree sp.
lx: heeli
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: heeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Helid
(Helid-da)
Wax la waayey ama lumay la kodlid, arkid, keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
helid
m.f.dh eeg hel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helid
-da: (n) the act of finding, obtaining or receiving ~ helitaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HELID
Ricevere
To receive
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Helid
Ricevimento
Reception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur, dhibaato iyo wixii la mid ah, ku dhicid; helis.
helid -da: (magac, dhedig, keli) roob, ku di'id; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) tuugo, cadaw iyo wixii la mid ah, la kulmid; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayey ama hore u lumay la kulmid, arkid, keenid; helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheed
(Sheed-da)
1. Meel dheer ama taag ah; buur.
2. Meel durugsan, fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheed
m.dh (-do, ml.) 1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheed
m.dh (-do, ml.) 1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheed
f. n., loc. high ~ distant place, remote area; mountain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheed
-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer ama taag ah. Dh: buur.
sheed -da: (magac, dhedig, keli) meel durugsan, fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheel
sheel¹: m.l 1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi.
sheel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) Wax qarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheel
sheel¹: m.l 1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi.
sheel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) Wax qarin. m.f.dh, sheelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheel
v. stop, halt, bring to a stop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheel
(fal) meel ku qari.
sheel -ka: (magac, lab, keli) meel wax lagu qarsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheel
cf: jooji
de: stop, halt, bring to a stop
initial: s
lx: sheel
pd: (sheelay)
ps: v1=tr
key: sheel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelid
(Beelid-da)
Wax waxtar ah oo hor loo haystey waayid, sida: indhabeelid; dhega-beelid, gurya-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelid
m.f.dh eeg beel³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelid
vl. n. act of losing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beelid
-da: (n) the state of losing something. Ex: indho beelidda; becoming blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad lahayd ama haysatay waayitaankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelid
de: act of losing
lx: beelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dheel ku maaweelin. la-mid: dhayali, dheelsii (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeli
v. make someone play ~ dance; play with, entertain, amuse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeli
de: make s.o. play ~ dance; play with, entertain, amuse
lx: dheeli
pd: (dheeliyey)
ps: v2a=tr
key: dheeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heecid
m.f.dh eeg heec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heelad
(Heelad-ka)
Guriga ama ceelka, kd., meesha ay ku fadhiyaan dhulka yar oo ku wareegsan; fagaag; sabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. la-mid: heelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heelad
m. n. surrounding area, immediate environment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelad
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo dheeri ah. Dh: xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heelad
de: surrounding area, immediate environment
lx: heelad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: cedhib ~ cirib
key: heelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelid
(Jeelid-da)
Wax u jeel qabid; wax xiisayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelid
m.f.dh jeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan u qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebid
m.f.dh eeg seeb². la-mid: seebin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seebid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebid
-da: (magac, dhedig, keli) seeb ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seegid
(Seegid-da)
Haleeli waayid; gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegid
m.f.dh eeg seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegid
-da: (magac, dhedig, keli) la gefid haleeliwaayid; seegis, waayitaanka waxaad rabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemid
(Seemid-da)
1. Wax seemman ka dhigid.
2. (cayaar orod iyo istaabasho ku dhisan) taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemid
m.f.dh eeg seen².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seemid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar inta goobaabin dhulka lagu sameeyo, oo labo kooxood laysu qaybiyo hadba qolo goobaabinta ilaaliso, co qofkii kusoo dhowaada ay madaxa ka taabtaan.
seemid -da: (magac, dhedig, keli) wax seemman ka dhigid; dhukurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerid
m.f.dh eeg seer. la-mid: seerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerid
-da: (magac, dhedig, keli) xeerid; soohdin u yeelid; meegaarid; seeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seesid
(Seesid-da)
Sees u yeelid, ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seesid
m.f.dh eeg sees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seesid
-da: (magac, dhedig, keli) sees u yeelid; sees ku xidhid; meegaarid.