sheekaxariiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaxariiro
(Sheekaxariira-da)
Sheeko gaaban oo murti iyo sarbeeb leh, oo dad ama duunyo layska mala'abuurtay ku saabsan, oo lagala baxo waano iyo tusaale salka ku haya dhaqanka dadka, kan xun iyo kan fiicanba; maantooley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaxariiro
m.dh (-ooyin, m.l) Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. la-mid: sheekaxariir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheekaxariiro
f. n., [compound] folktale; anecdote; legend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekaxariiro
-sheekaxariirada: (n) fairy tale (feeri-teeyl); folk-tale also folks tale (foolkis-teeyl); legend (leg-endh); folk story; myth ~ sheekoxariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxariiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sheekaxariir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheekaxariiro
a: sheekaxariir (ta) [n2-f]
de: folktale; anecdote; legend
initial: s
lx: sheekaxariiro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: sheekaxariiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaxariir
m.l/dh la-mid: sheekaxariiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekaxariir
m.l/dh eeg sheekaxariiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxariir
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko gaaban oo murti iyo sarbeeb leh, oo dad ama duunyo layska mala'abuuray ku saabsan, oo lagala baxo waano iyo tusaale salka ku haya dhaqanka dadka, kan xun iyo kan fiicanba. Dh: maantooley, sheekaxariiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekoxariiro
-sheekoxariirada: (n) fairy tale (feeri-teeyl)-, folk-tale also folks tale (foolkis-teeyl)-, legend (leg-endh)-, folk story; myth ~ sheekaxariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekoxariir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sheekaxariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabarey-maanyo
(Gabarey-maanya-da)
(sheekaxariiro) nafley badda ku jirta oo qaarka hore gabar ka ah qaarka danbena kalluun; halkable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joohaar
(Joohaar-ka)
(sheekaxariiro) mas johorad if badani uurka ugu jirto, oo habeenkii inta la soo baxa ilayskeeda ku ugaarsada; masjoohaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorismaris
(Qorismaris-ka)
(sheekaxariiro) Qof kolna dad ah kolna dhurwaa; waraabe-dadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheeko
(Sheeka-da)
1. Wax la isu sheego.
2. Wax laga sheekeeyo, oo madax iyo manjo leh, oo maqalkooda dhegtu u jeesho, aanse run ahayn.
3. Sheekaxariiro; maantooley.
4. Taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirri
(Tiirri-da)
1. (sheekaxariiro) dad aad u waaweyn oo xoogag badan oo waxay arkaan laaya.
2. Dad aan raxmad iyo jimic lahayn, Ilaahna aan aqoon; gaalo.
3. Yahaaburro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunguruf
(Xunguruf-ta)
(sheekaxariiro) bahal qof jeexi ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isu yeeli kara, oo dadka wejiga ka muruxsada, ka diirta, ka xangaruufta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantooley
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko mala'awaal ah oo murti iyo waano qaadasho looga danjeeyahay oo loo iilo xilliyo hore. Dumarku waxay ku waaryaan maantooley. Dh: sheekaxariiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekhaldariige
-ha: (magac, lab, keli) dariigadda suufiyada wadaadka ugu qaabilsan bixinta werdiga iyo darliqadda ku soo biiriddeeda. Dh shiikhaldariige, sheekhaldariigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariir
-ka: (magac, lab, keli) qofka beenta qurxiya ee runta u ekaysiiya. Beenxariir been sheegi ogaa.
beenxariir -ta: (magac, dhedig, keli) been la qurxiyey si loo moodo run; dhab aad ugu eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxumo
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekabaraley
m.dh.u Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekabaraley
m.dh.u Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheertaxaniinyo
(Dheertaxaniinya-da)
Farabbadan; geelcaacis (ama dhuurtaxaniinyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheertaxaniinyo
f. n., [collective] centipede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheertaxaniinyo
-da: (n) centipede (san-ti-piidh); caterpillar ~ farabadani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheertaxaniinyo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo aad u lugabadan oo orodka dheeraysa. Dheertaxaniinyada ha ku joogsan. Dh: geelcaacis, geedtaxaliil, dhuurtaxaniinyo, farabadan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheertaxaniinyo
a: dhuurtaxaniinyo
de: centipede
lx: dheertaxaniinyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: farabbadan
key: dheertaxaniinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekabbaralay
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko la allifay oo aan run ahayn. Sheekabaralleyda naga daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekacarruureed
-ka: (magac, lab, keli) sheeko carruurta lagu maaweeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beergariir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun si kedis ah geela beerka kaga dhaca oo uu ku dhinto.
beergariir: -ka: (magac, lab, keli) naxdin iyo cabsi la dareemo. Beladii dhacdaan beergariir ka qaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraaris
m.l la-mid: dheeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesacarro
m.dh Neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesacarro
-da: (magac, dhedig, keli) neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxariir_1
de: distress, suffering, torment, misery
hm: 1
initial: s
lx: saxariir
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: balambal, dhibaato
key: saxariir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxariir_2
de: suffer, be in distress
hm: 2
initial: s
lx: saxariir
pd: (saxariiray)
ps: v1=intr
key: saxariir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirid
(Saxariirid-da)
Saxariir arkid, mudasho, la kulmid; silcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirid
m.f.dh eeg saxariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad u daran marid. Dh: silic, rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirin
(Saxariirin-ta)
Saxariir tusid, badid; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirin
m.f.dh eeg saxariiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dhibaatayn, rafaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalis
-ka: (magac, lab, keli) sheedaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraarasho
m.f.dh eeg heeraaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesaannimo
m.dh Heesaa ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqartiro
f.mg3 (shanqartirtay, shanqartiratay) Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. la-mid: sharqartiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqartiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: shanqartiro.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-XARIIR
(Suf-harir) S Ceiba pentandra (L) Goertn. Bombaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u naxariiso
v. show kindness ~ compassion, be kind to, have mercy on, spare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_naxariiso
de: show kindness ~ compassion, be kind to, have mercy on, spare
initial: u
lx: u naxariiso
nt: naxariisad (ka) [vn-m], naxariisasho (/da) [vn-f]
pd: (naxariistay)
ps: v3b=expr
key: u_naxariiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) been sheegid oo aad u qurxin. Beenxariirid badanaa beladu ma beri buu ka yimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerashiito
m.dh Gaaraabidhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekasheeko
m.dh Hadal aan murti badan lahayn oo waqtiga laysku dhaafiyo. la-mid: sheekosheeko
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekasheeko
m.dh Hadal aan murti badan lahayn oo waqtiga laysku dhaafiyo. la-mid: sheekosheeko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekasheeko
-da: (magac, dhedig, kell) sheeko ama wax kale oo aan run ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka sheekooyinka sida fiican u sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysasho
(Sheekaysasha-da)
Sheekooyin isu sheegsheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysasho
m.f.dh eeg sheekayso. la-mid: sheekaysad, sheekaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheekays sheekaysad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sheekaysi-ga
conversation.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekobaraley
-da: (magac, dhedig. keli) eeg sheekabaralay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiikhaldariiqe
-ha: (magac, lab, keli) shiikha dariiqada bixiya.