sheekaxariir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaxariir
m.l/dh la-mid: sheekaxariiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekaxariir
m.l/dh eeg sheekaxariiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxariir
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko gaaban oo murti iyo sarbeeb leh, oo dad ama duunyo layska mala'abuuray ku saabsan, oo lagala baxo waano iyo tusaale salka ku haya dhaqanka dadka, kan xun iyo kan fiicanba. Dh: maantooley, sheekaxariiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaxariiro
(Sheekaxariira-da)
Sheeko gaaban oo murti iyo sarbeeb leh, oo dad ama duunyo layska mala'abuurtay ku saabsan, oo lagala baxo waano iyo tusaale salka ku haya dhaqanka dadka, kan xun iyo kan fiicanba; maantooley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaxariiro
m.dh (-ooyin, m.l) Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. la-mid: sheekaxariir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekaxariiro
m.dh (-ooyin, m.l) Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. la-mid: sheekaxariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheekaxariiro
f. n., [compound] folktale; anecdote; legend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekaxariiro
-sheekaxariirada: (n) fairy tale (feeri-teeyl); folk-tale also folks tale (foolkis-teeyl); legend (leg-endh); folk story; myth ~ sheekoxariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxariiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sheekaxariir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheekaxariiro
a: sheekaxariir (ta) [n2-f]
de: folktale; anecdote; legend
initial: s
lx: sheekaxariiro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: sheekaxariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekoxariir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sheekaxariir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekoxariiro
-sheekoxariirada: (n) fairy tale (feeri-teeyl)-, folk-tale also folks tale (foolkis-teeyl)-, legend (leg-endh)-, folk story; myth ~ sheekaxariiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabarey-maanyo
(Gabarey-maanya-da)
(sheekaxariiro) nafley badda ku jirta oo qaarka hore gabar ka ah qaarka danbena kalluun; halkable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joohaar
(Joohaar-ka)
(sheekaxariiro) mas johorad if badani uurka ugu jirto, oo habeenkii inta la soo baxa ilayskeeda ku ugaarsada; masjoohaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorismaris
(Qorismaris-ka)
(sheekaxariiro) Qof kolna dad ah kolna dhurwaa; waraabe-dadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheeko
(Sheeka-da)
1. Wax la isu sheego.
2. Wax laga sheekeeyo, oo madax iyo manjo leh, oo maqalkooda dhegtu u jeesho, aanse run ahayn.
3. Sheekaxariiro; maantooley.
4. Taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirri
(Tiirri-da)
1. (sheekaxariiro) dad aad u waaweyn oo xoogag badan oo waxay arkaan laaya.
2. Dad aan raxmad iyo jimic lahayn, Ilaahna aan aqoon; gaalo.
3. Yahaaburro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunguruf
(Xunguruf-ta)
(sheekaxariiro) bahal qof jeexi ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isu yeeli kara, oo dadka wejiga ka muruxsada, ka diirta, ka xangaruufta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yahaabur
(Yahaabur-ka)
1. Waxa la jaadka ah, aad iyo aad uga weyn; lixaad weyn; taani.
2. Tiirrida waaweyn oo sheekaxariirada ka buuxa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fàvola
s.f. - sheekaxariir, sheekabaraaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenawaas
-ka: (magac, lab, keli) qof been badan oo ku jira sheekaxariirka Soomaaliga. Abnawaas iyo beenawaas ayaa jirijirey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenhawaas
-ka: (magac, lab, keli) qof jiritaankiisu khiyaal yahay oo sheekaxariirta Soomaaliga ku jira oo inta badan abnawaas la jila. Beenhawaas iyo abanwaasa waa lab khaa'in, Dh: beenawaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantomaanto
-da: (magac, dhedig, keli) sheekaxariir carruurta iyo dhallinyaradu isku maaweeliyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko xariir ka sheekayn. Dadkii hore ayaa maantoolaynta ku fiicnaa. Dh: sheekaxariirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantooley
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko mala'awaal ah oo murti iyo waano qaadasho looga danjeeyahay oo loo iilo xilliyo hore. Dumarku waxay ku waaryaan maantooley. Dh: sheekaxariiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariir
-ka: (magac, lab, keli) qofka beenta qurxiya ee runta u ekaysiiya. Beenxariir been sheegi ogaa.
beenxariir -ta: (magac, dhedig, keli) been la qurxiyey si loo moodo run; dhab aad ugu eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekhaldariige
-ha: (magac, lab, keli) dariigadda suufiyada wadaadka ugu qaabilsan bixinta werdiga iyo darliqadda ku soo biiriddeeda. Dh shiikhaldariige, sheekhaldariigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekabaraley
m.dh.u Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheekabaraley
m.dh.u Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan. m.f.dh, dheeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaarin
(Heemaarin-ta)
Caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar, fuuqsasho; hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarin
m.f.dh eeg heemaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) heemaar ka samayn; codcodka, caanaha iyo subagga kala miirid. Haweeku heemaarinta way kala yaqaanniin.
heemaarin -ta: (magac, dhedig, keli) caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar. Dh: fuuqsasho, heensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarsi
m.l la-mid: heemaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg heemaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraarid
m.f.dh eeg heeraar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegaxiir
(Jeegaxiir-ka)
Tima jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegaxiir
jeegaxiir¹: m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (- rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
jeegaxiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Timaxiirid; timajarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeegaxiir
m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegaxiir
m. n., [compound] haircut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeegaxiir
-ka: (n) haircut (heer-kat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegaxiir
-ka: (magac, lab, keli) qofka timaha ka gaagaabiya dadka. Dh: rayiisle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeegaxiir
de: haircut
lx: jeegaxiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: jeegaxiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhibaato weyn gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxariiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhibaato weyn gaarsiin. m.f.dh, saxariirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxariiri
v. torment, cause suffering, make someone miserable; torture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxariiri
-yey say: (v) cause hardship, suffering or misfortune; oppress (o-parees); torture (toor-jar) ~ rafaadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxariiri
de: torment, cause suffering, make s.o. miserable; torture
initial: s
lx: saxariiri
pd: (saxariiriyey)
ps: v2a=tr
key: saxariiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraarid
m.f.dh eeg seeraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraarid
-da: (magac, dhedig, keli) dul sabbayn.
seeraarid -da: (magac, dhedig, keli) soohdin u samayn; meegaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraarin
(Seeraarin-ta)
Tuuryo wax soke oo dheer (daar, buur) korka ka marin, oo meel shishe oo aan muuqan ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraarin
m.f.dh eeg seeraari. la-mid: seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuuryo wax soke oo dheer 'daar, buur' kor ka marin oo meel shishe oo dhanka kale ah, gaadhsiin; seeraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraaris
(Seeraaris-ka)
Tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke (derbi, aqal, geed, buur, ...) dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraaris
m.l la-mid: seeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraaris
-ka: (magac, lab, keli) tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxaroor
m.dh Baruur subaggii laga shiilay waxa ka soo hara; shariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaali
(fal) sheedda ka eeg; meel fog ka eeg. Dh: jeedaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysi
(Sheekaysi-ga)
Sheekaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysi
m.l la-mid: sheekaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheekaysi
-ga: (n) chatting (jaating)-, casual conversation (kon-verseey-shin); gossip ~ sheekeysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysi
-ga: (magac, lab, keli) wada hadal laba qof ama in kabadan dhexmara oo waxyaalo tagay. jooga, soo socda la isaga warramo. Dh: haasaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexniin
-ka: (magac, lab, keli) sheexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beergariir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun si kedis ah geela beerka kaga dhaca oo uu ku dhinto.
beergariir: -ka: (magac, lab, keli) naxdin iyo cabsi la dareemo. Beladii dhacdaan beergariir ka qaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraaris
m.l la-mid: dheeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalis
-ka: (magac, lab, keli) sheedaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaxumo
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko xun.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-XARIIR
(Suf-harir) S Ceiba pentandra (L) Goertn. Bombaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka sheekooyinka sida fiican u sheega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekabbaralay
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko la allifay oo aan run ahayn. Sheekabaralleyda naga daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekobaraley
-da: (magac, dhedig. keli) eeg sheekabaralay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheertaxaniinyo
(Dheertaxaniinya-da)
Farabbadan; geelcaacis (ama dhuurtaxaniinyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheertaxaniinyo
f. n., [collective] centipede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheertaxaniinyo
-da: (n) centipede (san-ti-piidh); caterpillar ~ farabadani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheertaxaniinyo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo aad u lugabadan oo orodka dheeraysa. Dheertaxaniinyada ha ku joogsan. Dh: geelcaacis, geedtaxaliil, dhuurtaxaniinyo, farabadan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheertaxaniinyo
a: dhuurtaxaniinyo
de: centipede
lx: dheertaxaniinyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: farabbadan
key: dheertaxaniinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiikhaldariiqe
-ha: (magac, lab, keli) shiikha dariiqada bixiya.