sheedaalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaali
(fal) sheedda ka eeg; meel fog ka eeg. Dh: jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalis
-ka: (magac, lab, keli) sheedaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sheedaal
magac loo baxsho wiil qayrkii ka dhex muuqda oo geesi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalin
(Jeedaalin-ta)
Wax durugsan, indhaha ku raadin; fiirin; eegid; ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalin
m.f.dh eeg jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u eegis, dhan fiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarin aan wax ba la sheegaynin. Dh: muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin. m.f.dh, jeedaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedaali
v. gaze (at a distant object)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaali
(fal) dib u eeg: dhinac fiiri, dib u day. Jeedaali inuu soo socdo wiilkiii dabadhoonka ahaa. Dh: jalleec, daymoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedaali
de: gaze (at a distant object)
lx: jeedaali
pd: (jeedaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jeedaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaarin
(Heemaarin-ta)
Caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar, fuuqsasho; hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarin
m.f.dh eeg heemaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) heemaar ka samayn; codcodka, caanaha iyo subagga kala miirid. Haweeku heemaarinta way kala yaqaanniin.
heemaarin -ta: (magac, dhedig, keli) caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar. Dh: fuuqsasho, heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaalin
m.f.dh eeg meehaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaalin
m.f.dh eeg saadaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'wax aan weli dhicin' sii sheegis, sii malayn. Dh: mala'awaalid, saadin, saadaalis.
saadaalin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona sii sheegid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saadaalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraarin
(Seeraarin-ta)
Tuuryo wax soke oo dheer (daar, buur) korka ka marin, oo meel shishe oo aan muuqan ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraarin
m.f.dh eeg seeraari. la-mid: seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuuryo wax soke oo dheer 'daar, buur' kor ka marin oo meel shishe oo dhanka kale ah, gaadhsiin; seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo shubid; shubitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaalin
m.f.dh eeg yeelaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax noqonayaan sii dhigid. Aqalka dhiskiisa yeelaalin ayaa ka horraysa.
yeelaalin -ta: (magac, dhedig, keli) qabatinka ugu horreeya ee haantu markay cusub tahay caanaha lagu shubo Yelaali gocayada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheemaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe kol ay tahay, socdaal samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidaadin
(Shiidaadin-ta)
Shiidaad u geyn, u keenid; jeedin; hawlid; daalin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaadin
m.f.dh eeg shiidaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) shiidaad u geyn, u keenid; hawlid; daalin; dhibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isweydaarin
vl. n. conversion {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isweydaarin
-ta: (n) transposition (taraanispozishen); conversion (conveershen) ~ isdhaafin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isweydaarin
de: conversion {mathematics}
lx: isweydaarin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: isweydaarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheesheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) celcelin, wax inuu soo socdo raba hahakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheemaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dheemaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelin
(Dheelin-ta)
Dheelsiin; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelin
m.f.dh eeg dheeli. la-mid: dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaal
(Heemaal-ka)
Habsami iyo qaab-wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaal
m.l 1. Dhiil la culay oo caano lagu garooriyey marka laga shubo murudka ku hara. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin. 3. (-lo, m.dh) Agagaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemaal
m. n. beauty, beautiful form ~ style
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaal
-ka: (magac, lab, keli) habsamida iyo qaabwanaagga. Heemaalka iyo quruxda gabadha waa lala ashqaraaray. Dh: habsami, hanaan joog, qaab wanaag.
heemaal -ka: (magac, lab, keli) wax yar ama dindin yar oo wax ka soo hadhay. Dh: dindin, goror, qarroor.
heemaal -ka: (magac, lab, keli) jaantus caddaynaya fikrad la daahfurayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemaal
de: beauty, beautiful form ~ style
lx: heemaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heemaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedali
(fal) la dhac jeedalka oo ulee. Dh: ulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegaan
m.dh (-nno, m.dh) la-mid: jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeqaan
m.dh la-mid: jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacin
m.f.dh eeg shaaci. la-mid: shaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) war sheeko ama wax la mid ah dad ka gaadhsiin. Dh: faafin: baahin; fidin, baahin. Li: qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafin
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin: bogsoodsiin; biskoodsiin. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahin
m.f.dh eeg shaahi². la-mid: shaahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sheegan
name-f revealed, claimed, reported
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelan
(tilmaame) la sheelay; qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelis
-ta: (magac, dhedig, keli) sheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheewal
-sha: (magac, dhedig, keli) cagaf weyn oo dhulka xaadha. Sheewal baa qaadday xashiishkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidaal
(Shidaa-sha)
Wax la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidaal
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidaal
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidaal
f. n. firewood, kindling
shidaal m. n. energy, fuel; gas, gasoline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shidaal
-ka: (n) fuel (fiyuuwal); sources of energy such as coal, gas, oil, wood, firewood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidaal
-ka: (magac, lab, keli) dareeraha dhulka laga soo saaro ama waxa la shito oo dhan; wax kaste oo shidma.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shidaal
وفود
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: beeddalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalan
(tilmaame) neef oofanaya oo saarasho u diyaar ah. Qaalin beedalan ayaa xerada ku jirta. Dh: lugadegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalid
m.dh la-mid: beeddalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalid
-da: (magac, dhedig, keli) oofasho darteed is bihinbihin oo labka isku nanabid. Qaalintu intay beedalidda ku jirto haddii la saran waayo way tebisaa. Dh: rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheecaan
(Dheecaan-ka)
Dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaan
dheecaan¹: m.l (-aamo, m.dh) la-mid: dhacaan¹.
dheecaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -ami) la-mid: dhacaan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheecaan
m. n., (mass n.): liquid, fluid; sap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheecaan
-ka: (n) 1. secretion (si-kirii-shin); sap (saap); fluid (fulu-widh) ~ dhacaan
dheecaan - dheecaamtay / dheecaantay: (v) secrete (se-kiriit); sap (saap);exude (ig-zuudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheecaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere aan dhiig ahayn oo ka yimaadda noolaha meesha nabarku ku yaal. Dh: carun, milil, malax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheecaan
a: dhacaan
de: liquid, fluid; sap
lx: dheecaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: dheecaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellin
m.dh la-mid: dheelliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheemaal
(fal) gellin kol ay tahay, socdaal samee.
dheemaal -ka: (magac, lab, keli) gellin danbe ilaa habeenkii socod.
dheemaal -ka: (magac, lab, keli) eeg dhaameel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeraan
(Dheeraan-ta)
Dheeraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraan
m.f.dh eeg dheer². la-mid: dheeraansho, dheeri².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeraan
f. n., [abstract] height, tallness, depth; state of being long, tall ~ deep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheeraan
-ta: (n) tallness (toolnas); depth (depth)-, [opposite of gaabnaan]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) korid oo mar walba in ku biirid. Dh: korid.
dheeraan-ta: (magac, dhedig, keli) wax halka la joogo ka fog oo intii u jiray ka sii durugsan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeraan
de: height, tallness, depth; state of being long, tall ~ deep
lx: dheeraan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dheeraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaadid
(Eedaadid-da)
1. Silic iyo saxariir mudasho.
2. Xanuun la taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaadid
m.f.dh eeg eedaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad hore u fashay u dhibtood; cidhibta waxaad fashay eedid. Dh: eedis.
eedaadid -da: (magac, dhedig, keli) silic iyo saxariir mudasho. Dh: silcid, saxariirid, rafaadid. Li: rayn, badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaamid
(Eedaamid-da)
(xoolo) xanuun la ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaamid
m.dh la-mid: aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aadaamid.
eedaamid -da: (magac, dhedig, keli) riyaha xanuun la ciyid. Eedaamid ayaa ka dhamaatay xoolihii maanta xanuun dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeraarin
m.l (botani) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eeraarin
m.l (botani) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geegaali
(Geegaali-da)
Waabaayo tan u daran oo aan laga kicin (ama geegali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.