shaxniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxniin
-ka: (magac, lab, keli) shixidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxniin
(Saxniin-ka)
Wax sixidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxniin
m.l la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxniin
vl. n. correction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxniin
-ka: (n) the act or process of correcting; correction (ko-rak-shin); amendment (a-meendi-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxniin
-ka: (magac, lab, keli) wax sixidda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxniin
a: sixid
de: correction
initial: s
lx: saxniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saxniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaniin
m.l Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) shax ciyaaritaan; dheelitaan; shaxniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexniin
-ka: (magac, lab, keli) sheexitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxniin
vl. n. exodus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxniin
-ka: (magac, lab, keli) meel ka bixitaan, ka tegniin. Kiradiina waan ku leeyahay baxniinna waan ka waayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baxniin
de: Exodus (Biblical book)
lx: Baxniin
nt: baxniin (ka) [vn-m]
pd: (-ta)
ps: n-f
key: Baxniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaniin
dhaniin¹: m.l Qoyaan yar oo meel ka dindimaaya. la-mid: dhashiin.
dhaniin²: f.mg1 (-iimay, -iintay) Qoyaan yar meel ka dindimid. la-mid: dhashiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg faxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habniin
-ka: (magac, lab, keli) habidda iyo heemidda biyo iyo wax la mid ahi ka tiftifqaan weel cusub oo dhowaan la tolay.
habniin -ka: (magac, lab, keli) habitaanka carruurta aan ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hagitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg harriin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxniin
-ka: (magac, lab, keli) guurniin meel cabsi iyo colaad looga guuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safniin
-ka: (magac, lab, keli) safidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarniin
(Sarniin-ka)
Wax saridda (ama sarriin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarniin
m.l la-mid: sarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarniin
vl. n. slitting, incision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarniin
-ka: (n) the act of cutting; slit (islit); opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarniin
-ta: (magac, dhedig, keli) jeexniin yar oo fudud oo mididda afkeeda ama makiinadda uun le'eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarniin
de: slitting, incision
initial: s
lx: sarniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: sarniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxiix
(Shaxiix-a)
Dhabcaal; muudal; bakhayl; masuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxiix
m.l (-xyo, m.dh) Bakhayl; masuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaxiix
m. n. miser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxiix
-a: (magac, lab, keli) qof wax bixintu ku adagtahay ama ka naxa horumarka dadka kale, gacan adag. Dh: dhabcaal, qadduuc, bakhayl, muudal, masuuge. Li: faxal, sakhi, deeqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxiix
de: miser
initial: s
lx: shaxiix
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: bakhayl, dhabcaal, masuug, muudal
key: shaxiix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg tixitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqniin
vl. n. washing, laundering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqniin
-ka: (n) the act of washing [for example, clothes]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqniin
de: washing, laundering
lx: dhaqniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaqniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaqniin
تغسيل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxniin
-ka: (magac, lab, keli) cayillaan. Naaxniinka weydsanaan caafimaad qabtaa dhaanta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqniin
m.l (fiisikis) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku saaqo x.d.w. mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqniin
m.l (fiisikis) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku saaqo x.d.w. mareegta, waxana badanaaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqniin
-ka: (magac, lab, keli) astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtagelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku saaqo x.d.w. mareegta, waxana badanaaba loo yaqaanaa laftiisaaqniin.
saaqniin -ka: (magac, lab, keli) saaqidda lafteeda. saaqsan: (tilmaame) mid yalaalugoonaya ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarniin
vl. n. putting, act of placing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg saarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarniin
de: putting, act of placing
initial: s
lx: saarniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saarniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiin
m.dh la-mid: shaafii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarrago leh u socod; xarragood. Dh: tamashlayn, tamashle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidniin
-ka: (magac, lab, keli) wax shidid. shido: (fal) 'dab hurso, daaro, noolayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilniin
-ka: (magac, lab, keli) shilidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirniin
-ka: (magac, lab, keli) shiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shubniin
(Shubniin-ka)
Shubaal; shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubniin
m.l la-mid: shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubniin
vl. n. pouring, act of pouring; smelting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubniin
-ka: (magac, lab, keli) shubid; shubitaan; shubaal.
shubniin -ta: (magac, dhedig, keli) 'raashin' meel ku jira meel kale ku rogid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubniin
de: pouring, act of pouring; smelting
initial: s
lx: shubniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: shubniin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxniin
-ka: (n) epilepsy (eptt-lap-si), fainting (feeynting)', convulsive seizures ~ qallaal, suuxdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) saaxiibbo ka dhigid labo qof. Saaxiibintoodaa ka roon colaadsiintooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baraarujin xis ahaan; saaxi ka dhigid. Dawo saaxisiin ah, ha la siiyo sii uu u kaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis u shaqeeya maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah oo sahayda ay u baahan yihiin siiya, ka iibsha; wakaalad qaabbilsan sahayda la siinayo gaadiidka badda iyo cirkaba.
sahaysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sahayda la siiyo qof socoto si uu jidka ugu maro. Dh: jidmar, jicsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxidin
m.f.dh eeg shaaxidi. la-mid: shaaxidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bisayl ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegniin
-ka: (magac, lab, keli) sheegidda lafteeda.
sheegniin -ka: (magac, lab, keli) sheegitaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelniin
-ka: (magac, lab, keli) sheelidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidniin
-ka: (magac, lab, keli) 'dhagax' shiididda lafteeda.
shiidniin -ka: (magac, lab, keli) 'biyo' shiididda lafteeda.
shiidniin ka: (magac, lab, keli) shiiditaan: dhagxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilniin
m.l la-mid: shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqniin
-ka: (magac, lab, keli) 'xoolo' shuuqitaankooda laftiisa.
shuuqniin -ka: (magac, lab, keli) 'dheecaan shuuqitaankiisa laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aniin
-ta: (magac, dhedig, keli) firida ama midhaha dhulka lagu beero ama ka soo baxa sida garowga iyo arabbikhida. Aniinta ku shub beerta. Dh: iniin.
aniin-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha ama candhada neefka inta taabashadeeda laga dareemo wax firida u eg oo ku dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanin
(Sanin-ta)
Sanuun ama ur kale urin; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanin
m.f.dh eeg sani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanin
f. n., (mass n.): smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun ama ur kale urin; saadin.
sanin-ta: (magac, dhedig, keli) urinta sanuun ama ur kale. Sanin baa inna saaqday. Dh: ur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanin
cf: sanuun, ur
de: smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
initial: s
lx: sanin
pd: (-ta)
ps: n2-f-mass
key: sanin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxni
m. n. plate, dish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxni
-ga: (n) plate (paleeyt); disc (diski) also disk ~ sixni, sax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxni
-ga: (magac, lab, keli) weel dhoobo, macdan ama wax kale ka sameeysan oo fidsan ama gudo leh oo cunnada lagu gurto. Dh: sixan, sixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxni
bw: Arabic
de: plate, dish
initial: s
lx: saxni
pd: (-ga Pl: suxuun (ta))
ps: n8-m
see: sixni
key: saxni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiin
(Shiin-ka)
Dhawaaq alifba'da ka mid ah oo astaantatani sh calaamo u tahay; waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiin
m.l Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiin
m.l Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiin
m. n. SH [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiin
-ka: (magac, lab, keli) dhawaaq alifa'da ka mid ah oo astaantani 'sh' calaamo u tahay, waa shibbane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiin
a: sha'
bw: Arabic
de: SH [letter of the Arabic & Somali alphabet]
initial: s
lx: shiin
pd: (-ka Pl: shiinan (ka))
ps: n4-m
key: shiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnin
m.l Shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniin
caniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
caniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caniin
m. n. sexually impotent man
caniin v. become sexually impotent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caniin
-ka: (n) incapable of sexual intercourse; impotent (im-potant) ~ ciniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniin
-ka: (magac, lab, keli) nin u galmoodka dumarka aan karti u lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniin
faniin¹: m.l la-mid: finiin¹.
faniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: finiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniin
-ka: (magac, lab, keli) tuuryo wax ka soo dhanbalantay; dhanbalan yar oo wax dildillaacay ka yimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantin
m.f.dh la-mid: hantiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti gacanta ku dhigid; hanti mulkiyid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hariin
name-m shading, put ~ carry into the shade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaniin
(Qaniin-ka)
1. Bahallo yaryar oo ishu ayan qaban karin oo cudurro keena; jeermi.
2. Shilin aad u yaryar; shax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniin
qaniin¹: m.l Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iyo wixi lamida.
qaniin²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaniin
qaniin¹: m.l Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iyo wixi lamida.
qaniin²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid. m.f.dh, qaniinid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniin
m. n. small tick; germ
qaniin v. bite, sting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaniin
-ay / tay: (n) bite (baayt). Ex: ilkaha ku qaniin; bite with the teeth
qaniin -ka: (n) louselike insects that are parasitic on livestock especially sheep, goats, and cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniin
(fal) ilkaha xoog ugu qabo oo ku xanuuni.
qaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan takarta la bah ah oo xoolaha cuna oo kaga cabandiya.
qaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan ili ma qa- batay ah oo cudurro keena. Cudurka weysha haya qaniin buu ka dhashay. Dh: jeermis, mikaroob.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaniin
لَسْع لَدْعَ عَضَةً