shaxaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxaadid
(Shaxaadid-da)
Yaboohsasho; dawarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxaadid
m.f.dh eeg shaxaad². la-mid: shaxaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxaadid
-da: (magac, dhedig, keli) shaxaad ka doonid, weyddiisad; wax weyddiisad; shaxaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahmaadid
(Shahmaadid-da)
Shahmaad ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahmaadid
m.f.dh eeg shahmaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) la yaabid iyo wareer ku ridid. Dh: amakaagid, ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraab
qaraab¹: m.l.u 1. Miro, xabag iyo wixi lamida oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iyo wixi lamida aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado.
qaraab²: f.mg1 (-bay, -btay) Soo q.: 1. Miro, xabag iyo wixi lamida duur ka doonid. 2. hunguri, lacag iyo wixi lamida la shaqaysan meelo ka shaxaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaraab
qaraab¹: m.l.u 1. Miro, xabag iyo wixi lamida, oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iyo wixi lamida aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado.
qaraab²: f.mg1 (-bay, -btay) Soo q.: 1. Miro, xabag iyo wixi lamida duur ka doonid. 2. hunguri, lacag iyo wixi lamida la shaqaysan meelo ka shaxaadid. m.f.dh, qaraabid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cadge
/kaaj/ (v) shaxaadid, tuugid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
freeload
/frii lowdh/ (v) caada-qaadad, shaxaadid, qofka ku nool waxa dadku siiyaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scrounge
/skrawnj/ (v) shaxaadid (baryid), tuugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxaad
(Shaxaad-ka)
Yaboohsi; dawarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxaad
shaxaad¹: m.l 1. Si wax loo weyddiisto qof la yaqaan laguna kalsoonyahay. 2. la-mid: shaxaa-
shaxaad²: f.g1 (-day, -dday) Qof la yaqaan si kalsooni leh wax u weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaxaad
shaxaad¹: m.l Si wax loo weyddiisto qof la yaqaan laguna kalsoonyahay.
shaxaad²: f.g1 (-day, -dday) Qof la yaqaan si kalsooni leh wax u weyddiisasho. m.f.dh, shaxaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaxaad
m. n. cadger, parasite, beggar
shaxaad v. beg, ask for (petty items), sponge, cadge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaxaad
-ay / day: (v) friendly begging; beg (beeg); scrounge (iska-raawnj); cadge (keeyj) ~ baryid, tuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxaad
(fal) baahi maalmeed, weyddiiso.
shaxaad -ka: (magac, lab, keli) wax baahimmaalmeed ah oo lacag ah oo qof wax haysta loo doonto oo la weyddiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaxaari
-ga: (n) womanizer (woman-aazer) ~ shabeelnaagood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahaadad
f. n. certificate, degree, diploma
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahaadad
a: shahaado
de: certificate, degree, diploma
initial: s
lx: shahaadad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shahaadad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaabid
m.f.dh eeg sharaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaab, cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shataarid
(Shataarid-da)
Shataarad cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shataarid
m.f.dh eeg shataar². la-mid: shitaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataarid
-da: (magac, dhedig, keli) shataarad, cid kale wax kaga qaadid, xarfad iyo hab cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxaad_1
cf: yaboohso
de: cadger, parasite, beggar
hm: 1
initial: s
lx: shaxaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaxaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxaad_2
de: beg, ask for (petty items), sponge, cadge
hm: 2
initial: s
lx: shaxaad
pd: (shaxaaday)
ps: v1=tr
xe: He bummed a cigarette off of me.
xv: Sigaar buu iga shaxaaday.
key: shaxaad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixnadid
m.f.dh eeg shixnad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixnadid
-da: (magac, dhedig, keli) shixnad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanqaadid
m.f.dh eeg saanqaad². la-mid: saanqaad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) 'ilmo yar' socod bilaabid socodbarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaraadid
(Sakaraadid-da)
Sakaraad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaraadid
m.f.dh eeg sakaraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaraadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad noqosho, xanuunka geerida. Dh: xaraarugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaaxid
m.f.dh eeg shabbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) shabbaaxtan cayaarid; nishaabtan; shabbaaxtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shallaayid
(Shallaayid-da)
Qoomammo qabasho; farta dhexda ka qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shallaayid
m.f.dh eeg shallaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallaayid
-da: (magac, dhedig, keli) qoomamayn; farta dhexda ka qaniinid, is ciil kaambiyid. Dh: calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh la maglo samayn; sharqamid; sanqarid; shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaamiid
m.l eeg sharmuuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharaamiid
m. n., pl. prositutes, whores
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharaamiid
-da: (n) [plural of sharmuuto] prostitutes; hookers ~ see [eeg] dhillo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharaamiid
de: prositutes, whores
initial: s
lx: sharaamiid
pd: (-ka Sg: sharmuuto)
ps: n8-m-pl
key: sharaamiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatamid
(Sharatamid-da)
Sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatamid
m.f.dh eeg sharatan². la-mid: shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatamid
-da: (magac, dhedig. keli) sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadid
(Haadid-da)
Duulid; lalid; bidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadid
m.f.dh eeg hąad³. la-mid: haadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kor uga duulid; hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo diyaaradaha. Haadiddu shinbiraha qaar way ku adagtahay. Dh: haadis, biibid, lalid. Li: daadegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona astaamahooga ka sii sheegid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxid
(Shaxid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxid
m.f.dh eeg shax². la-mid: shixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxid
-da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid, dheelid; shixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraadi
-ga: (n) one that falls behind among moving herd; straggler (straaglar) ~ dabaadi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraadi
(fal) cid oonsii oo biyo u baahsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid. m.f.dh, saraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraadi
-yey I say: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadi, saadaali
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saxaabi
صحابي
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxaari
-ga: (magac, lab, keli) timir ku jirta saxaarad, timirta noocaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaadir
(Shaadir-ka)
Shuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaadir
m.l (-rro, m.dh) Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaadir
m. n. chador, large (black) garment worn by Muslim women to cover the entire body
shaadir m. n. clever person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaadir
-ka: (magac, lab, keli) dhar dumarku isku daboolaan oo is ku qariyaan marka ay ka baxaan aqalka. Shaadir iyo indhashareer bay jiq is ku siisay. Dh: shuko, jilbaab, jalaabbiib, shareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaad
shahaad¹: m.l Dadaal badan oo tacab loo galo.
shahaad²: f.mg1 (-day, -dday) Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaad
-ka: (magac, lab, keli) marka la qaadayo qasii-dooyinka nabi ammaanka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanaad
(Shanaad-ka)
Tiro taxan, kan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraadka iyo lixaadka u dhexeeya; (5d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaad
m.l.t. j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.