shawris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawris
m.l la-mid: shawrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawri
shawri¹: m.l Geed dheer oo toos u baxa oo caleemo yaryar oo dhuudhuuban iyo looxaan adag leh.
shawri²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid si qarsoodi ah wax ugu sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shawri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si qarsoodi ah wax ugu sheegid. m.f.dh, shawrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawris
m.dh la-mid: dhawrid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawris
-ta: (n) 1. conservation (kon- sar-veey-shin); preservation (piri- seer-veey-shin)~ daryeel. 2. waiting (weeyting); expecting (ikispekting) ~ sugitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawris
-ta: (magac, lab,keli) ilaalin ama maadin. Lugta ku jaban dhawris bay u baahantahay. Dh: ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawrid
m.f.dh eeg shawr². la-mid: showrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrid
-da: (magac, dhedig, keli) kulmid; wadatashad; shawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawrin
m.f.dh eeg shawri. la-mid: shawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haris
haris¹: m.l la-mid: harin.
haris²: m.dh la-mid: harid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haris
-ka: (magac, lab, keli) eeg harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawr
(Shawr-ka)
Showr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawr
shawr¹: m.l Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. la-mid: showr¹.
shawr²: f.mg1 (-ray, -rtay) Kulan qarsoodi ah arrimo gaar ah uga wada hadlid. la-mid: showr².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shąwr
m.dh Geed biyaha dhanaan ka dhex baxa oo leh caleemo aad u balballaaran aadna u cagaaran iyo laamo dhaadheer oo wax lagu dhisto. la-mid: shąwro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shawr
shawr¹: m.l Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. la-mid: showr.
shawr²: f.mg1 (-ray, -rtay) Kulan qarsoodi ah arrimo gaar ah uga wada hadlid. m.f.dh, shawrid. la-mid: showr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shawr
m. n. private meeting ~ consultation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shawr
-ka: (n) private conversation; secret meeting; confidential meeting ~ showr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawr
(fal) kulan; tasho.
shawr -ka: (magac, lab, keli) kulan gaar ah oo arrin sida laga yeelayo lagaga wada hadlo. Dh: showr, wadatashi, faq.
shawr-ka: (magac, lab, keli) shaki qabid. Qaydhin cune calooshiisuu ka shawr qabaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shawr
bw: Arabic
de: private meeting ~ consultation
initial: s
lx: shawr
pd: (-ka Pl: shawrar (ka))
ps: n4-m
see: showr
key: shawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawis
m.dh la-mid: dhaawid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samris
-ka: (magac, lab, keli) wax qof ku samro u samee ama sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabis
-ka: (magac, lab, keli) shabin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamis
name-f sun, sunlight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamis
-ta: (magac, dhedig. keli) meeraha cadceedda loo yaqaan. Dh: cadceed, qorrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharid
(Sharid-da)
Qof iin yeeshay, mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iin yeeshay. mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin, ka casilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawli
(fal) qof aad u buka oo aan waxba cuni karin afka wax ka sii. Aniga ayaa shawliyee isagu keligii waxba ma cuni karo. Dh: qulaami, jal.
shawli -ga: (magac, lab, keli) meel godan oo dheer oo hoos u godan. Awrkii shawli buu ka dhacay. Dh: haadaan, shalaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawro
(Shawra-da)
Geed weynaada oo xeebaha ka baxa; xoolahaa daaqa, qoryo adagna waa lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawro
shąwro: m.l la-mid: shąwr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shawro
f. n., [collective] large coastal tree species, with hard timber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawro
-da: (magac, dhedig, keli) geed weynaada oo xeebaha ka baxa: xoolaha ayaa daaga qoryo adagna wuu leeyahay. Dh: sarriig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shawro
a: shawri (ga) [n2a-m-col]
de: large coastal tree sp., with hard timber
initial: s
lx: shawro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: shawro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) shixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiris
m.l la-mid: shirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiris
-ta: (magac, dhedig, keli) isku imaad wada arrinsi iyo wax iswaydiini ku jirto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOWRI
(Shori) S Casuarina equisetifolia L. Casuarinaceae.
N Avicennia marina (Forsk)Vierh. Verbenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafris
m.l la-mid: dhafrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrid
(Dhawrid-da)
1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn.
2. Fiirin; u jeedid; eegid.
3. Sugid; korosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrid
m.f.dh eeg dhaw4. la-mid: dhawris, dhawritaan, dhawrmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrid
vl. n. protecting, care-taking; awaiting, expectance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhursugid oo wuxu noqon doona isha ku hayn. Dh: sugid.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) fiirin oo ka dhugasho; eegid oo isha ka buuxsasho. Dh: fiirin.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) wax jabaya ama meel bugta aayar oo ilaalin. Ishu dhawridda ayay ku roontahay lugtuna dhibidda. Dh: miyirid.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) u dulqaadasho; cid laga itaal roon yahay u ceesid. Dh: ceesid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrid
de: protecting, care-taking; awaiting, expectance
lx: dhawrid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhawrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacis
m.l la-mid: shaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahis
m.l la-mid: shaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahis
-ta: (magac, dhedig, kell) shaahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanis
(Shaanis-ka)
Cayaaraha turubka mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaanis
m.l Nooc ka mid ah siyaalaha turubka loo cayaaro. la-mid: shaanus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaanis
m. n. playing card game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaaraha turubka mid ka mid ah, noocyada turubka midkood, badanaa habluhu ciyaaraan. Dh: raanbe, khamaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaanis
cf: turub
de: playing card game
initial: s
lx: shaanis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaanis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaarib
(Shaarib-ka)
Timaha ka baxa bushinta sare oo ragga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaarib
m.l (-bbo, m.dh) Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. la-mid: shaarub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaarib
m.l (-bbo, m.dh) Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. la-mid: shaarub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaarib
m. n. moustache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaarib
-ha: (n) moustache (mastaaj) also mustache ~ shaarub, shanam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarib
-ka: (magac, lab, keli) timaha ka baxa bushinta sare ee ragga; shaarubo: shaarub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaarib
de: moustache
initial: s
lx: shaarib
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shaarib
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaarib
شَارِب مَا يَنْبُت عَلَى الشَّفَةَ الْعُلْيَا مِنَ الشَّعْرِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwis
-ka: (magac, lab, keli) shalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlis
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqli.
shaqlis -ta: (magac, dhedig, keli) shaqlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharrib
(Sharrib-ka)
Jarrib; tijaabo; hollis; baxnaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrib
sharrib¹: m.l Jarrib; tijaabo; holis; baxnaanis. la-mid: shirrab¹.
sharrib²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax qabashadooda isku dayid. 2. Wax tijaabin. la-mid: shirrab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharrib
f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax qabashadooda isku dayid. 2. Wax tijaabin. m.f.dh, sharribid. la-mid: shirrab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharrib
m. n. experiment
sharrib v. try (out), test, experiment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharrib
-ay / tay: (v) put to the test; try out (taraay aawt) ~ jarrib, tijaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrib
(fal) jarrib; tijaabi.
sharrib -ka: (magac, lab, keli) jarrab; tijaabo; hollis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrif
f.g1 (-fay, -ftay) Cid xushmayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharrif
v. honor, respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrif
-ka: (magac, lab, keli) sharaf; muuno; xurmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharrif
de: honor, respect
initial: s
lx: sharrif
pd: (sharrifay)
ps: v1=tr
key: sharrif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawlid
(Shawlid-da)
Shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawlid
m.f.dh eeg shawl². la-mid: kawl¹, kawlid, shawl¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawlid
-da: (magac, dhedig, keli) shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Showrid
(Showrid-da)
Showr u fariisasho; wadatashad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
showrid
m.f.dh eeg shawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
showrid
-da: (magac, dhedig, keli) wada tashad; shawr u fariisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuris
m.l la-mid: shuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdhawrid
(Isdhawrid-da)
Qofba qofka kale dhawrid, ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) is ilaalin; is banbaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxis
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askaaris
m.l.u (-syo, m.dh) (baayoloji) Ablaablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askaaris
m.l.u (-syo, m.dh) (baay.) Abla-ablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharis
m.l la-mid: casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharis
-ka: (magac, lab, keli) eeg casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku dahaarid. Dh: dahaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaris
m.l la-mid: dhacarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seraaris
-ka: (magac, lab, keli) wax soke oo dheer ka lalis; dulmaris, Seeraaris buu ku geeyay meel dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambis
m.l la-mid: shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaambis
-ka: (magac, lad, keli) eeg shaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbis
-ka: (magac, lab, keli) shaanbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaaribo
-shaaribaha: (n) [plural of shaarib] moustaches (mastaajis) also mustache ~ shaarbo, shanam. Ex: nin shaaribo qira weyn; a man with a thick mustache
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakarid
(Shakarid-da)
Meel gudo ah, xoog wax uga buuxin, ugu kakabin, uga iltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxin; wax cidhiidhi isu haysta; bishilid.