sharatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatan
(Sharatan-ka)
Sharad la dhigto oo lagu kala adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatan
sharatan¹: m.l 1. Sharad la isu dhigto. 2. la-mid: sharatamid. la-mid: shiratan¹.
sharatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Sharad isu dhigasho. la-mid: shiratan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharatan
sharatan¹: m.l Sharad la isu dhigto. la-mid: shiratan. sharatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Sharad isu dhigasho. m.f.dh, sharatamid. la-mid: shiratan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharatan
v. bet, wager
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharatan
-sharatamay I sharatantay: (v) make a bet with; bet on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatan
-ka: (magac, lab, keli) eeg sharatamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharatan
bw: Arabic
de: bet, wager
initial: s
lx: sharatan
nt: sharatan (ka) [vn-m]; rw: sharad + -tan
pd: (sharatamay)
ps: v1=intr
key: sharatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiratan
shiratan¹: m.l la-mid: sharatamid.
shiratan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: sharatan².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bet
/bet/ (n) 1. sharad (sharatan) 2. hubaal (informal)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pool
/puul/ (n) 1. barkad (meel biyo ku jiraan)(n) 2. barkadda dabaasha (v) 3. wadaagid (wax isku-darsad) (n) 4. bilyaardi (v) 5.sharatan (bakhtiyaa-nasiib).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sweepstakes
/swiip steyks/ (n) sharatan (bakhtiyaanasiib).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pari
pari, n.m. - sharad; sharatan.
engager un pari - sharatan.
pari mutuel - ciyaarta lacagta sida bakhtiya nasiibka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bet
n., sharad, -ki.
bet: v.tr., la sharatan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
charlatan
/jaarlatan/ (n) sheegato (qof cilmi uusan lahayn sheegta).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHARIBTAN
(Sharibtan) S Rhynchosia melacophylla (Spering) Boj. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharraxan
La sharraxay; la qurxiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharraxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) 1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho. m.f.dh, sharraxnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharraxan
der. [adjective] decorated; designated as candidate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharraxan
-sharraxnaa / sharraxnayd: (adj) 1. decorated, decked out, embellished. 2. nominated (noomi-neeytidh); proposed as a candidate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxan
(tilmaame) wax la faahfaahshay; la kala dhigdhigay; la macneeyey.
sharraxan: (tilmaame) mid la qurxiyey. Gurigu wuu sharraxan yahay. Dh: sharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharraxan
de: decorated; designated as candidate
initial: s
lx: sharraxan
pd: (sharraxnaa)
ps: adj-der
key: sharraxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haatan
Haddatan la joogo; haddeer; hadda; eegga; amminka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haatan
adv., time: now, at this moment; right now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haatan
(adv) at this time, at present: now (naaw). Ex: haatan miyaad tagaysaa? are you leaving now1?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haatan
(falkaabe) tusaaleeya waqtiga ama aminta isla marka la hadlayo la joogo; haddan la joogo. Haatan waa la joogaa, hadhow waa la sugayaa. Dh: imika, haddadatan, hadda, eegga, aminka, eegadan, eegadatan, amminka, imminka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haatan
de: now, at this moment; right now = hadda + tan
lx: haatan
ps: adv-time
key: haatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraan
(Haraan-ka)
Dhar la tolay ama la iibshey cad ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraan
m. n. leftover piece of cloth, remnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la iibshay ama la tolay in yar oo ka soo hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraan
de: leftover piece of cloth, remnant
lx: haraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saatan
(sida + tan)
Sidatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saatan
fk. Sidan, sida tan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saatan
fk. Sidan, sida tan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saatan
conj., deictic: like that, thus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saatan
(adv) this (thiis) way, such (saj) way ~ saas Ex: saatan miyaad rabtaa? did you want it this way?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saatan
(falkaabe) ereyada 'sida tan' oo taxriifi ku dhacday. Saatan aad waddo la ma rabo. Dh: sidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saatan
de: like that, thus = si (da) + tan
initial: s
lx: saatan
ps: conj + deic
key: saatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratan
baratan¹: m.l la-mid: bedertan¹.
baratan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: bedertan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baratan
- baratamay/baratantay: (v) compete (kam piit); contest (kon test) ~ baretan, tartan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratan
-ka: (magac, lab, keli) tartan orod ah oo dhexmara laba qof iyo ka badan. Baratankii yaa badiyey?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaan
(Dharaan-ka)
Dhar aan cusbayn ama aan qaali ahayn oo la xirto marka hawlaha gacanta qaarkood la qabanayo; dharka intiisa lagu adeegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haratin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haratin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dh: herdiyid, haratiyid, hertin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaab
sharaab¹: m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
sharaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Hoore cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharaab
m.l Hoore la cabbo; cabbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaab
-ka: (magac, lab, keli) waxa la cabbo oo dhan. Dh: cabbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sharday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardan
(tilmaame) shardi lagu xiray.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sharfan
name-f beauty, grace, splendor, prestige, nobility, honor, pride, reputation, respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharkan
(tilmaame) la sharraxay; la qurxiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqan
(Sharqan-ta)
Shanqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqan
sharqan¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
sharqan²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharqan
f. n. sound
sharqan v. make a sound ~ noise (squeak, chirp, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharqan
-ta: (n) noise (nooys); sound (saawndh) —ka sharqami -yey / -say: (v) cause something to make a sound or noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqan
(fal) sanqadh; shanqar.
sharqan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: shanqar, shanqadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharxan
-ta: (magac, dhedig, keli) 'cashar' sharraxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaran
La shakaray; iltiran; buuxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaran
der. [adjective] crammed, stuffed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaran
(tilmaame) la shakaray; iltiran; buuxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaran
cf: iltiran
de: crammed, stuffed
initial: s
lx: shakaran
ps: adj-der
key: shakaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shalaqan
magac loo bixiyo inanta markay soo dhalato xuub ku gedfan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqalan
(tilmaame) shaqal loo yeelay; la shaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqaan
m.l la-mid: harqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqaan
-ka: (magac, lab, keli) kharkhaan; dawaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatamid
(Sharatamid-da)
Sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatamid
m.f.dh eeg sharatan². la-mid: shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatamid
-da: (magac, dhedig. keli) sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardanaan
m.f.dh eeg shardan. la-mid: shardanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shardi lagu xiray ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawritaan
-ka: (magac, lab, keli) shawridda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxartaan
(Shaxartaan-ka)
(qof) xarrago badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxartaan
m.l (-nno, m.dh) Qof xarrago badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaxartaan
m. n. dandy, elegant person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxartaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka xarrago iyo islaweyni badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaxartaan
cf: xarrago
de: dandy, elegant person
initial: s
lx: shaxartaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shaxartaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabsan
der. [adjective] wet, covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabsan
(tilmaame) meel dharab qoyan leh. Doogga oo dharabsan ayaan dhex maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabsan
de: wet, covered with dew
lx: dharabsan
pd: (dharabsanaa)
ps: adj-der
key: dharabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharagsan
(tilmaame) mid calooshu buuxdo. Dh: dibbirsan, dheregsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley). m.f.dh, dhararsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmataan
m.l (juqraafi) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harmataan
m.l (juqraafi) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harmataan
Harmattan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harmataan
-ka: (magac, lab, keli) dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, boodhley iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harmattan
Harmataan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaritaan
-ka: (magac, lab, keli) saaridda lafteeda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shahrazad
name-f princess
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalan
Qoofalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la shakaalay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaalan
der. [adjective] hobbled, tied up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalan
(tilmaame) shakaal ku xidhan yahay Dh: dabran, qoofalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakaalan
de: hobbled, tied up
initial: s
lx: shakaalan
pd: (shakaalnaa)
ps: adj-der
key: shakaalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad kululaan; xaruurad, marka qofka cadho ku soo boodda ah uu leeyahay isagoon dabeecad xumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharabaad
m.l Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iyo wixi lamida oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. la-mid: sharabaaddo.