shaqfadlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qalbilaawe; caqlilaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) nin aan qadarin iyo ixtiraam midna lahayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqo laawe
Disoccupato
Unemployed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof hawlaha iyo arrimaha u qabta si lillaahi ah. Dh: gararbaxe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadlaawe
m. n. unreasonable man, insensible ~ foolish person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadlaawe
de: unreasonable man, insensible ~ foolish person
lx: garaadlaawe
pd: (/ga)
ps: n7-m
key: garaadlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfadli'i
-ga: (magac, lab, keli) qalbi li', qofka aan caqli fiican lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaalallaawe
m. n. extravagant ~ improvident person, squanderer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalallaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof ama jiho aan wax dhaqaale ah haysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaalallaawe
de: extravagant ~ improvident person, squanderer
lx: dhaqaalallaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhaqaaladdaran
key: dhaqaalallaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalallawe
m.l Qof aan wax tashiilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agablaawe
-ha: (magac, lab, keli) mid qalab aan haysan. Ciidanka dhawr qof baa agablaawe ah. Dh: qalablaawe.
agablaawe-ha: (magac, lab, keli) qof aan ciirsi iyo garab midna haysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanraawe
-ha: (magac lab, keli) bahalaha inta hilibka cunta. … sowtay haliil iyo haanraawe boobeen, miyuu hebelba noolyahay. Dh: dugaag. Wa: haanraaweyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habilaawe
(Habilaawa-ha)
Aan laab lahayn; fiiraggaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habilaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan caqli badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habilaawe
m. n. (adj.): unintelligent person; stupid; unlucky
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habilaawe
de: unintelligent person; [atr.] stupid; unlucky
lx: habilaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: habilaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawllaawe
(Hawllaawa-ha)
1. Aan lahayn hawl uu qabto.
2. Islawareeg; maxoogsade; mashaqayste; meermeerti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawllaawe
m. n. (adj.): person without work; unemployed; lazy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawllaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan lahayn hawl uu qabto. Dh: matabcade, mashaqayste, meermeerti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawllaawe
de: person without work; [atr.] unemployed; lazy
lx: hawllaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hawllaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanlaawe
(Maanlaawa-ha)
Aan garaad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli badan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maanlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanlaawe
m. n. (adj.): unintelligent male; stupid, ignorant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanlaawe
-maanlaawaha: (n) fool (fuul); bonehead (bown heed)-, dunce (dansi) ~ see also [eeg] maangaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanlaawe
-ha: (magac, lab, keli) eeg maangaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanlaawe
de: unintelligent male; [atr.] stupid, ignorant
lx: maanlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhuglaawe
key: maanlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaablaawe
m.l 1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaablaawe
m.l 1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaablaawe
m. n. formless, amorphous, lacking a definite form; strange person, [atr.] odd; flighty, fickle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaablaawe
-ha: (n) an ugly male [man]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaablaawe
-ha: (magac, lab, keli) qaabxume ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaablaawe
de: formless, amorphous, lacking a definite form; strange person, [atr.] odd; flighty, fickle
lx: qaablaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaablaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalay
(fal) shaqo qor, sii shaqo oo shaqaale ka dhig, qor shaqo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalee
-yey / shaqaaleysay: (v) give employment; hire (haayer); recruit (rikuruut); employ (im-plooy)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaqad-da
travail.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbalaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan aabbihii dhalay la garanayn ama uu ka dhintay. Gocosta waxa loo ciyaaray aabboole iyo aabbolaawe. Dh: agoon. Wa: aabbolaaweyaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaallaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan wanaaggii loo taray waxba ka gudin. Dh: abaaldarane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi lahayn. Dh: jaahil. Li: caalim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaanlaawe
m.l Nin aan nasiib wacan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaanlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qofka aadka u nasiib daran.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqlilaawe
-caqlilaawaha: (n) stupid male
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caqlilaawe
Idiota
Idiot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlilaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli fiican lahayn; qof aan garasho badnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danablaawe
-ha: (magac, lab, keli) walax neef ama dareere ah oo aan gudbin karin quiqulka danabka waxaana lagu isticmaalaa madhxiyeyaasha xadhkaha waaweyn iyo dhismayaasha muhiimka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcadaawe
(tilmaame) garta jilbaha la isku aasto ee aan muslax iyo xaagaan midna lahayn. Li: garmuslax.
garcadaawe -ha: (magac, lab, keli) gar cadow iyo shisheeye lala galo; garsoor iyo garnaqsi aan jimic iyo tanaasul lahayn. Li: garsokeeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi'laawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan fiiro dheer lahayn oo maan gaaban. Dh: maangaab.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawl-laawe
Disoccupato
Unemployed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayrlaawe
-ha: (magac, lab, keli) mid aan khayr innaba lagu ogayn. Dh: qayrlaawe.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SALMALAAYE
Abutilon hirtum 01
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalayn
-ta: (n) hiring (haayar-ing); recruiting (rikruuting); employing (im-polooying) ~ shaqaalaysiin, shaqo u qorid, shaqoqorid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qorid: shaqo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalays
-ka: (magac, lab, keli) shaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqlanaan
m.f.dh eeg shaqlan. la-mid: shaqlanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shaqlan ahaan, wax la qarinayo ahaan. Dh: hagoognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacablaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof ma shaqayste ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacablaawe
m. n. lazy person, one who does nothing useful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacablaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba tacban karin ama rabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacablaawe
de: lazy person, one who does nothing useful
initial: t
lx: tacablaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tacablaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlillaawe
(Caqlillaawa-ha)
Aan caqli fiican lahayn; garaadlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlillaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli fiican lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqlillaawe
m. n. slow person (not having a keen mind); not alert
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqlillaawe
de: slow person (not having a keen mind); not alert
lx: caqlillaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caqlillaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof lab oo aan xuruufta ereyada wada karin ama qaarkood si kale u yidhaahda. Dh: carrablaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanmadhaxe
-ha: (magac, lab, keli) geed haramaha ka mid ah oo ubax huruuda leh. Shanmadhaxe ayuu geelu cunaa. Dh: shanmadhaxle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqala'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqala'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqala'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan shaqo hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaalayare
m. n., [compound] micro-economics
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaalayare
de: micro-economics
lx: dhaqaalayare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhaqaalayare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalatee
f.g/mg2 (-teeyay, -taysay) Wax dan laga leeyahay iska hubin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaafalatee
f.g/mg2 (-teeyay, -taysay) Wax dan laga leeyahay iska hubin. m.f.dh, ishaafalatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalatee
v. observe ~ look over a situation carefully; seize opportunity; do something at the right time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishaafalatee
-yey / ishaafalateysay: (v) profit by; seize the chance, grab the chance, take the opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalatee
(fal) hadba sida uu xaalku yahay u dhaqan oo runta u kuurgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalatee
de: observe ~ look over a situation carefully; seize an opportunity; do s.t. at the right time
lx: ishaafalatee
pd: (ishaafalateeyey)
ps: v2b=
key: ishaafalatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meheradlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan shaqo lahayn, ama aqoon farsamo uu ku xoogsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meheradlaawe
m. n. idler; good-for- nothing; careless person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meheradlaawe
meheradlaawaha: (n) idle person; lazybones (leeyz-boonz')
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meheradlaawe
de: idler; good-for-nothing; careless person
lx: meheradlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: meheradlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancaddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. la-mid: saancad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saancaddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. la-mid: saancad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancaddaale
-ha: (magac, lab, keli) qof leh saancaddo, qof loo nisbaynayo ayaandarro. Waa saancaddaaleh gaalku oo xerada uu soo dul fadhiisto ma barakawdo. Dh: dabbuur, qumay, afkuleeble.
saancaddaale-ha: (magac, lab, keli) qof jidh cad. Saancadaale waligaa adaa soor la cunijiree sowdkiisa noo garo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAAN-LAAYE
(Dalan-laiye) N Adenia ellenbeckii Harms Passifloraceae.
N Adenia venenata Forsk. Passifloraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalatayn
(Ishaafalatayn-ta)
Siyaasadda ku dhisid hadba saha jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalatayn
m.f.dh eeg ishaafalatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax walba waayaha la socodsiin oo u kuurgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinsiyadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan dhalasho qaran lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinsiyadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan lahayn dal iyo qaran uu ku abtirsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushqaayadqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof aan mishaar qaadan oo wuxu shaqaysto joogga lagu siiyo. Dh: yawmiyale.