shaqaqorid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaqorid
m.dh Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. la-mid: shaqaqoris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

shaqaqoris
m.dh la-mid: shaqaqorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqoqorid
m.dh Shaqaalo qoridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqoqorid
vl. n., [compound] hiring, giving employment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqoqorid
de: hiring, giving employment
initial: s
lx: shaqoqorid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: shaqoqorid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SHAQO QORID
Assunzione
Recruitment

Shaqo qorid
Assunzione
Recruitment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqo-qorid
-da: (n) hiring (haayar-ing); recruiting (rikruuting); employing (im-polooying) ~ shaqaalaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakarid
(Shakarid-da)
Meel gudo ah, xoog wax uga buuxin, ugu kakabin, uga iltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxin; wax cidhiidhi isu haysta; bishilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaarid
-da: (magac, dhedig, koli) meel cidhiidhiya ku khasbid aad shay kale xoog ku galiso. Dh: nefis, jujuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqarid
(Shanqarid-da)
Shanqar la maqlo samayn; (ama sharqamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqarid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar la maqlo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharafrid
-ay / day: (v) disgrace (dis-gareeys); dishonor (dis-ooner); discredit (dis-keredit); degrade (di-ga-reeydh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shataarid
(Shataarid-da)
Shataarad cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shataarid
m.f.dh eeg shataar². la-mid: shitaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataarid
-da: (magac, dhedig, keli) shataarad, cid kale wax kaga qaadid, xarfad iyo hab cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaqorid
m.f.dh eeg dhegaqor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtirid
m.f.dh eeg dhabaqtir². la-mid: dhabaqtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalawtirid
m.f.dh eeg shalawtir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrid
-da: (magac, dhedig, keli) tegid caalwaa ah oon lagu faraxsanayn. Dh: tegid, hulluugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax aanay samayn dusha ka saarid. Dh: masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqmid
m.f.dh eeg saaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax oogada wada gaaray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaarib
(Shaarib-ka)
Timaha ka baxa bushinta sare oo ragga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaarib
m.l (-bbo, m.dh) Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. la-mid: shaarub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaarib
m.l (-bbo, m.dh) Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. la-mid: shaarub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaarib
m. n. moustache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaarib
-ha: (n) moustache (mastaaj) also mustache ~ shaarub, shanam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarib
-ka: (magac, lab, keli) timaha ka baxa bushinta sare ee ragga; shaarubo: shaarub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaarib
de: moustache
initial: s
lx: shaarib
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shaarib
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaarib
شَارِب مَا يَنْبُت عَلَى الشَّفَةَ الْعُلْيَا مِنَ الشَّعْرِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxid
m.l Rooti iyo wixi lamida aad dab loogu bisleeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxid
(fal) wax duban oo qallalan noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shagari
-ga: (magac, lab, keli) subag dhirta laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqid
m.dh eeg shanaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqlid
(Shaqlid-da)
Shaqal u yeelid; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqlid
m.f.dh eeg shaqal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha maro iyo wax la mid ah kaga dahaadhid.
shaqlid-da: (magac, dhedig, keli) shaqal u yeelid; shaqlis; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawrid
m.f.dh eeg shawr². la-mid: showrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawrid
-da: (magac, dhedig, keli) kulmid; wadatashad; shawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqaqari
(Jaqaqari-da)
Geedo intay biyo aad u cabbeen, jilcay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaqari
m.dh (botani) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqaqari
m.dh (botani) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqaqari
f. n. lush grass after rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqaqari
-da: (magac, dhedig, keli) cosobka iyo nabaadka ku baxa roobka iyo biyaha badan.
jaqaqari -da: (magac, dhedig, keli) geedo biyo badan ku baxay oo jirrid jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqaqari
de: lush grass after rain
lx: jaqaqari
pd: (-da)
ps: n-f
key: jaqaqari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarid
(Sanqarid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqarid
m.f.dh eeg sanqar². la-mid: shanqarid, sharqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqar la maglo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafid
m.f.dh eeg saqaaf². la-mid: saqaafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaafid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ujeeddadiisu tahay sahan gaaban. Dh: socsocod, saqaafo.
saqaafid-da: (magac, dhedig, keli) warwareeggadka iyo socsocodka aan ujeeddada lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakalid
m.dh la-mid: sakalid.