shaqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqal
(Shaqal-ka)
1. Xaraf keligi lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo, sida a, e, i, o, u; xarako.
2. Waxa wax loogu dardaro inay qurux u kordhiyaan; sharrax; dahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqal
shaqal¹: m.l (shaqallo, m.dh) Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iyo wixi lamida.
shaqal²: m.l (shaqallo, m.dh) (naxwe) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tusaale: “a, e, i, o, u, aa, ee iyo wixi lamida”. Sh. culus: shaqallada Soomaaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).
shaqal³: f.g1 (-qlay, -qashay) 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iyo wixi lamida maro ku dahaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqal
shaqal¹: m.l (-llo, m.dh) Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iyo wixi lamida.
shaqal²: m.l (-llo, m.dh) (naxwe) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tusaale: a, e, i, o, u, aa, ee iyo wixi lamida. Sh. culus: shaqallada Soomaaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid 'culus' sida 'dųul' (oo ah duullaan u bixid) iyo mid 'fudud' sida 'duul' (oo ah haadid). m.f.dh, shaqlid.
shaqal³: f.g1 (-qlay, -qashay) 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iyo wixi lamida maro ku dahaarid. m.f.dh, shaqlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqal
m. n. vowel {grammar} a, e, i, o, u
shaqal m. n. decoration, embellishment
shaqal v. adorn, decorate; add a vowel (in Arabic script)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqal
-ka: (n) [plural shaqalada] vowel (vaawal); Ex: shaqalada afka Soomaaliga waa: A, E, I, O, U,; the vowels of the Somali alphabet are: a, e, i, o, u,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqal
(fal) wax ku qurxi oo korka kaga tol ama kaga dheji ama kaga xaradh; shaqal u yeel.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) wax, wax kale dushiis lagu qurxiyo, lagu duhaadho; marada weelka dusha lagaga tolo. Shaqal ayaa lagu tolay caagadii biyaha si ay u qaboojiso biyaha.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) farta alifba'deeda intooda wax lagu xarakeeyo oo ku codaynta shibbanayaasha rogroga oo labada dhinacba ka гааса, midkood; shaqallada alifba'da far Soomaaligu waxay ka koobmaan shaqallo gaaggaaban: a, e, i, o, u, shaqallo dhexe: 'aw; ay; ey; ow; oy' iyo shaqallo dhaadheer: 'aa, ee, ii, oo, uu'; waxayna dhammaantooda cayn ahaanta u sii kalabbaxaan, kuwo lab, kuwo dheddig iyo kuwo bohon ah oo aan cayn lahayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaqal
حركة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqfal
(Shaqfa-sha)
Kilkilo (ama shoqfol).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqfal
m.dh (-llo, m.l) Kilkil. la-mid: shoqfol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqfal
f. n. arm pit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqfal
-shaqfasha: (n) armpit (aarm-pit) ~ shakhfal, kilkil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfal
-sha: (magac, dhedig, keli) kilaankillada gacanta, kilkilo; shoqfol. Dh: kilinkillo, shoqfol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqfal
de: arm pit
initial: s
lx: shaqfal
pd: (/sha)
ps: n1-f, n2-f
syn: kilkilo
key: shaqfal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaal
(Shaal-ka)
Go' la huwado oo dhogor ah oo badanaa Kashmiir ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaal
shaal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Go' la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi.
shaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Gaadiid badeed mowjad weyn oo xooggan oo ka hor timid ka gudbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaal
m.l (-lal, m.l) 1. Go' la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaal
m. n. kashmir shawl
shaal v. buffet, toss, hit headon (of waves at sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaal
-ka: (n) shawl (shoot); a shawl covering for the head, neck, and shoulders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaal
(fal) 'gaadiidbadeed' mawjad duuban ka hortag oo xagga kale uga dhaaddeg; ka daaddeg.
shaal -ka: (magac, lab, keli) go' la huwado oo dhogor ah oo midabbo kala jaad ah loo yeelo, dhar suuf ah ama dhogor badan oo go' laga dhigto oo laga keeni jiray Kashmir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakal
(Shaka-sha)
Meel ciriiryoon; dhudhub; (ama sakal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakal
shakal¹: m.dh la-mid: sakal¹.
shakal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: sakal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakal
f. n. narrow opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakal
-ka: (magac, lab, keli) shakaal.
shakal -sha: (magac, dhedig, keli) cidhiidhyoon; dhudhub.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Shakal
Ciriiri, aan daleel ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakal
de: narrow opening
initial: s
lx: shakal
pd: (/sha)
ps: n1-f
see: sakal
key: shakal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamal
m.l (-llo, m.dh) Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamal
-ka: (magac, lab, keli) nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqad
m.l (-do, m.dh) Sh. leh: ri' midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alifba'
(Alifba'-da)
Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo shibbaneyaal; alif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
E
(e')
Xarafka shanaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-e: (-ee)
Hadallo ama tixo bay xiriirisaa, kol ay erey ku dabakaran tahay iyo kol ay gooni isu taagto, labadaba waa leedahay; (sida: Waa Liibaane u yeer; ama: Waa Liibaan ee u yeer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
I
(i')
1. Xarafka sagaalaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
2. Uyaalka qofka hore oo keli ah oo wax la taarana hayo oo falku xaggiisa aada hayo; aniga.
-i: ereyada ay raacdo, kuwa ugu badani waa — 1. Tilmaanta magaca wax laga sheegayo ama lagu sheegayo (oo kolka uusan tilmaanta wadan oo keligiis yahay qaata qodobbada -ku, -tu iyo wixii ka farcama) sida 'wiilka wanaagsan - wiilka wanaagsani waa walaalkay, waa Soomaali, waa uu bukaa, waa uu shaqeeyaa; naagta quruxda badani waa boqorad; ninka deeqsiga ah wax buu bixiyaa; ... 2. Waxay kaloo raacdaa magacyada dheddig, oo kelida ah, oo shibbane ku dhammaada, oo aan qodob wehelin, magacyadaas oo iyaguna ah kuwo wax laga sheegayo ama wax lagu sheegayo (dani waa seeto; lafi ma jabin; doodi ma furna; ...). 3. Haddii magaca tilmaanta wax la taaranayo oo falku xaggiisa aadayo, -i(du) markaas raaci mayso, oo la oran kari mayo: wiilkaasi u yeer; libaaxaasi dil; inankaasi anigaa dhalay; hashaasi lis. Waxay la macne tahay -u.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ka
Erey tixda ulajeeddooyin badan oo kala gaar ah u yeela; wuxuu badanaa muujiyaa: meel laga dhaqaaqay, meel laga yimid ama laga soojeedey, wax kala go'ay ama kala durkay, wax la isu foodinayo ama la simayo, kd. (Balcad buu ka yimid; alif-ka-ya'; qalin buu jeebkiisa ka soo baxshey; ceelku aqalka waa ka fog yahay; arrinta wax ka qabo; Marka waxaa ka weyn Xamar; magaaladii qofna waa aan ka garan waayey; baqdin baa ilmaha ka dhawaajisay: afar labo ka gooya: wiilka beenta ka daaya; ...) kolka shaqal aan loo dhexayni ka hormaro, wuxuu noqdaa -ga; (sida: Guuleed iga weyn; naga taga).
-ka — (naxwe) Labada qobod oo dhabta ah (kan kale waa -ta oo qodbaha kale ka farcamaan, midkood; waxaa ka farcama -ga, -ha, -a; wuxuu raacaa magacyada lab oo ku dhammaada B, D, F, L, N, R, S (Sh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
O
(o')
1. Xarafka 15d. oo Alifka Soomaalida, Waa shaqal.
2. (O!) Tiraab yaab ama digniin ah; Ka daa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqlid
(Shaqlid-da)
Shaqal u yeelid; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibbane
(Shibbana-ha)
1. Xaraf aan keligi lagu dhawaaqi karin; waxaa la maqli karaa kolka shaqal weheliyo; xaraf kasta oo aan shaqal ahayn.
2. Aammusane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
U
(u')
1. Xarafka 20d. oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
2. Meesha ama docda loo socdo, sida: xaggee baad u socotaa? Xamar baan u socdaa.
3. Qofka aan lala hadlayn magac-uyaalki wax la taarto ama darti wax loo sameeyo; (wiilka u yeer; naagta aqal u dhis).
-u — (wuxuu la macne yahay -i).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarakayn
(Xarakayn-ta)
Xarako ama shaqal u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarako
(Xaraka-da)
1. Xuruufta alifka intooda shaqalka ah.
2. Kordhigga iyo hoosdhigga iyo godniinka iyo reebniinka astaamahooda.
3. Dhaqdhaqaaq; nuuxnuuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Y
(ya') — Xarafka 23d. oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
-y- — Waxaa loo baahdaa kolkay is xigsadaan labo shaqal oo kicintoodu yare carrabka ku adag tahay oo la doonayo in la jilciyo oo la fududeeyo (sida: qof keli(y)a = qof keli ah; Cali(y)ow kaalay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
ga
-ga
(naxwe) toddobada qodob mid kamid ah: wuxuu raacaa ereyada lab oo kelida ah oo ku dhammaada shaqallada '-i' iyo '-aa' sida guri-ga, maroodi-ga, gabayaa-ga, dilaa-ga; ama kuwo kaloo lab (keli/koox) oo ku dhammaada shibbaneyaasha '-g', '-w', '-y', sida xoog-ga, arag-ga, galow-ga, lo'yow-ga, say-ga, fay-ga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
a
(a', alif) Xarafka koowaad ee xuruufta af Soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alan
alan¹: m.l (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood.
alan²: m.l (almo/-nno, m.dh) (naxwe) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iyo wixi lamida; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iyo wixi lamida) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alifba'
m.dh Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. la-mid: alif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codkac
m.l (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
e
e¹: m.dh (e') Xarafka shanaad ee alifka Soomaaliga, kana mid ah shaqallada.
e²: xi. (-e) la-mid: ee¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhaw
hoosdhaw¹: m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. la-mid: hoosdhebid.
hoosdhaw²: f.g1 (-dhabay, -dhabtay; -dhebi) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaale
(Shaqaala-ha)
Qof shaqo haya; shaaqi; xoogsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqaale
m. n. worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaale
-shaqaalaha: (n) worker (woorkar); employee (im-polooyii); staff (istaaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaale
-ha: (magacwadareed) qof ama dad shaqo cid u haya, qof shaqo haya. Beerta waxaa ka shaqeeya nin shaqaale ah. Dh: ciidan, shaaqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqaale
bw: Arabic
de: worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
initial: s
lx: shaqaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shaqaale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaqaale
مُوَظَّفَعَامِل
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqal_1
de: vowel {grammar}
hm: 1
initial: s
lx: shaqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: shibbane (consonant)
xv: a, e, i, o, u
key: shaqal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqal_2
cf: dahaar, sharrax
de: decoration, embellishment
hm: 2
initial: s
lx: shaqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shaqal_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqal_3
de: adorn, decorate; [ext.] add a vowel (in Arabic script)
hm: 3
initial: s
lx: shaqal
pd: (shaqlay / shaqashay)
ps: v1=tr
key: shaqal_3
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqalan
(tilmaame) shaqal loo yeelay; la shaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ismaqal
(Ismaqal-ka)
Habka wadajirka iyo wada dhaqanku ku dhisan yihiin; wax-iskayeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismaqal
v. listen to each other; hear each other
ismaqal: vl. n. listening to each other; mutual understanding, cooperation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ismaqal
-ay/een / nay: (v) 1. pay attention to each other; co-operate (ko wapareeyt); collaborate; Ex: haddii iidan ismaqal waad khasaaraysaan; if you don't co-operate, you will lose. 2. listen or hear each other. Ex: ma ismaqasheen? did you hear each other?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ismaqal
Armonial
Harmony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaqal
-ka: (magac, lab, keli) wax iska yeelid oo is ixtiramid; is dhegaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaal
(Shakaal-ka)
Qoofal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaal
shakaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iyo wixi lamida looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaal²: m.l (xisaab) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.
shakaal³: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) 1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shakaal
shakaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iyo wixi lamida looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaal²: m.l (xisaab) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha. m.f.dh, shakaalid.
shakaal³: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) 1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo. m.f.dh, shakaalid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shakaal
Hypotenuse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakaal
m. n. hobbling-rope, tether, hobble cord
shakaal v. hobble, tie up (an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaal
-ka: (magac, lab, keli) xarig tidcan ama dhaaclaysan oo labada afba ilo ku leh oo fardaha jeeni iyo lug isxiga laysaga xiro, si aysan u fogaan ama u cararin. Dh: qoofal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Shakaal
Sida birshakaasha, wixii wax halkooda ku kala xanniba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakali
-ga: (magac, lab, keli) soo leexinta gaadiidka. Dh: duubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaal
-ka: (magac, lab, keli) marshada oo dhulka qodi weyda oo dul marta. Dh: shubad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamaal
name-m wind that comes from the North
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanbal
(Shanbal-ka)
Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanbal
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanbal
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanbal
m. n. cymbal; cymbals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbal
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka kooban labo qalbac oo mid waliba dhexda ka xoldan yahay oo kolka laysku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo. Dh: narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanbal
de: cymbal; cymbals
initial: s
lx: shanbal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shanbal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqad
(Shanqad-ka)
1. Xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyo ka qatanaada.
2. Xanuun ama qandho, shantii maalmoodba, kol timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqad
m. n. five day period of not having drunk water
shanqad m. n. quintan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqad
-ka: (magac. lab, keli) xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyaha ka qatanaada.
shanqad -ka: shantii maalmoodba mar, xanuun ama qandho timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqar
(Shanqar-ta)
Wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada; (ama sharqan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqar
shanqar¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
shanqar²: f.mg1 (shanqaray, shanqartay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqar
f. n. noise, sound
shanqar v. sound, make a noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqar
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqar
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: sharqan, shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanqar
صَوْتَ كُلُّ مَا يُسْمَعِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaab
-ka: (magac, lab, keli) nin nuxuus ah, nin dumar biiye ah ama khasiis ah. Dh: dhillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqayn
(Shaqayn-ta)
Shaqo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqayn
m.f.dh eeg shaqee. la-mid: shaqays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqayn
vl. n. working, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qabasho, hawl hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqayn
de: working, labor Alt sp: shaqeyn
initial: s
lx: shaqayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: shaqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqays
m.l la-mid: shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqfad
(Shaqfad-da)
Laab; qalbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqfad
m.dh (-do, m.l) Laab; qalbi.