shanshanqarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanshanqarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shan-shanqadhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanshanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar soo noqnoqota oo la maqlo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) khalad ama gef qof galay ka jarid; ciqaab la gaadhsiiyo ruux, anshax-xumo uu sameeyey darteed. Dh: edbin, anshaxmaris, ganaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadh badan u yeelid; waxlax ka shashangadhin. Sansanqadhinta shuguxda adhiga ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haashaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood iyo socosho hannaan quruxsani ka muuqdo. Dh: taxtaxaashid, mardaaddiyid, shoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka sanqari
v. cause to make a sound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_sanqari
de: cause to make a sound
lx: ka sanqari
pd: (sanqariyey)
ps: v2a=expr
see: shanqari
key: ka_sanqari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog. Iyaga maxaa shaan shaan geeyay haday sidan u jilicsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabshabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqso u qabad; deddejin; shashabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqshaqid
m.f.dh eeg shaqshaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqshaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka ridridasho: gargaroocid.
shaqshaqid -da: (magac, dhedig, keli) badar la tumay, shaqshaq ku kala saarid; haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anshaxdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho. m.f.dh, anshaxdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anshaxdaran
adj., [expression] ill-mannered, impolite; undisciplined; immoral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anshaxdaran
-aa: (adj) contrary to established moral principles; naughty (nooti); indecent (indiisant); wicked; immoral ~ edeb darro, saqajaan, anshax xun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anshaxdaran
de: ill-mannered, impolite; undisciplined; immoral
lx: anshaxdaran
pd: (anshaxdarnaa)
ps: adj-expr
key: anshaxdaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg anshaxmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid subag marsaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafshafayn
(Shafshafayn-ta)
Shafshafo ku waxayn, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafshafayn
m.f.dh eeg shafshafee. la-mid: shafshafo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafshafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shafshafo ku waxayn, xaydh marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuushaamin
(Shuushaamin-ta)
(xoolo) si gaar ah oo lexejeclo badani ku jirto u koolkoolin, u ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaamin
m.f.dh eeg shuushaami. la-mid: shuushaamis, shuushin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaamin
wax si gaar u xannaanay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansiin
m.dh la-mid: dhadhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cunto ama cabbitaan siin, si uu dhadhankiisa u dareemo. Dh: dhadhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh badan oo soo noqnoqod leh. Dh: shanshangarid, shashanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaarid
m.f.dh eeg shaashsaar². la-mid: shaashsaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaaris
m.dh la-mid: shaashsaarid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Shaanshi, qabiil
قبيلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareerin
m.dh la-mid: ansaleelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalin
m.f.dh eeg baashaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) maaweelin oo wakhtidhaaf u samayn. Dh: maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaanadin
m.f.dh eeg banaanadi. la-mid: banaanadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaanadin
-ta: (magac, dhedig, keli) yaryarayn oo kolba in yar bixin. Dumarku iyagaa banaanadinta biilka raga kaga wanaagsan. Dh: tashiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka hasha wax diiddan la sasabayo si loo liso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsanaan
m.f.dh eeg dhacsan. la-mid: dhacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taariikhdii la isticmaali lahaa dhamaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dhardhaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaaran
(tilmaame) dheri dhadhaarradii leh oo wax lagu karin karo.
dhadhaaran: (tilmaame) mid maqiiqaan oo yool saaniya haysta. Dh: maqiiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaarid
m.dh la-mid: dhardhaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cunta dabka saarid oo karinteeda bilaabid. Xilligii dhadhaaridda qadada ayaa gaadhay. Dh: bilaabid
dhadhaarid -da: (magac, dhedig, keli) is maqiiqid oo yool saaniya isku sii dayn. Is dhadhaaridda maalinba qof aad isku dhadhaarayso iska daa oo shagayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanaan
m.f.dh eeg dhanaan³. la-mid: dhanaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhandhanka ciirta yeelasho; wax dhanaan oo sida cusbada u dhandhamaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamin
m.dh la-mid: dhadhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto ama cabbitaan, carrabkaaga ku dareemid dhandhanka ay leeyihiin. Dh: dhadhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansi
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansi
-ga: (magac, lab, keli) carrabka saarid oo dhandhankiisa sii macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqdhaqan
Wax la dhaqdhaqay ah; mayran; qasaalan; xalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqdhaqan
der. [adjective] washed, rinsed out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqdhaqan
de: washed, rinsed out
lx: dhaqdhaqan
ps: adj-der
key: dhaqdhaqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawraarin
(Dhawraarin-ta)
Wax wax lagu dhawro ama laysaga dhawro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawraarin
dhawraarin¹: m.dh (-nno, m.dh) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. la-mid: dhawraarimo.
dhawraarin²: m.f.dh eeg dhawraari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawraarin
m.dh (-nno, m.dh) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. la-mid: dhawraarimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawraarin
f. n. protection, custody
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawraarin
de: protection, custody
lx: dhawraarin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dhawraarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaan
m.f.dh eeg faansanaan. la-mid: faansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la faaniyay ahaan; mid la amaanay ahaan. faansanaansho -ha: (magac, lab, keli) faan iyo amaan qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarin
m.f.dh eeg garangari. la-mid: garaangarin, garangaaris, garangaris, garaangirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarago leh, wax u dhaqdhaqaajin. Garangarinta laafyaha, xubnaheega gaarka ah...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhansan
(tilmaame) badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbabarid
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin iyo sas daraadeed hurdada ka soo boodid. Dh: sasid, salelid, boodis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaansan
(tilmaame) qaab suubban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqayn
m.f.dh eeg hantaaqee. la-mid: hataaqayn, hintaaqayn, nitaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqayn
-ta: (magac, dheidg, keli) qof weyn ama daallan, dhibaato gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshaysan
(tilmaame) mid hawli ku furan tahay. qof hawl ku dhexjira. Dh: hawshoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idansanaan
m.f.dh eeg idansan. la-mid: idansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaaran
La kabay; jaan la saaray; la karkaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaansaaran
der. [adjective] patched, cobbled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaansaaran
de: patched, cobbled
lx: jaansaaran
ps: adj-der
key: jaansaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaarid
(Jaansaarid-da)
Wax duugoobey oo karid u baahan, jaan cusub ku tolid, ku dhejin; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarid
m.f.dh eeg jaansaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarid
-da: (magac, dhedig, kali) habka kabta loo saaro sar lagu hagaajinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu qasbanyahay in la falo.Dh: sandulaysnaan, qasbanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaashaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaashaaran
(tilmaame) wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabsanaan
(Saabsanaan-ta)
Wax saabsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsanaan
m.f.dh eeg saabsan. la-mid: saabsanaansho, saabnaan, saabnaansho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabsanaan
f. n., [abstract] condition of having to do with ~ being connected with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saabsan ahaan.
saabsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) la xidhiidha, ku qotomid, saabsan ahaan, wax ujeedid, wax ka hadlid. Dh: salaysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabsanaan
de: condition of having to do with ~ being connected with
initial: s
lx: saabsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: saabsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqsanaan
m.dh la-mid: saaqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saaqsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarsaaran
La kor dhigdhigay; kor yaalyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarsaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarsaaran
der. [adjective] piled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarsaaran
(tilmaame) la kor dhigdhigay; kor yaalyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarsaaran
de: piled up
initial: s
lx: saarsaaran
ps: adj-der
key: saarsaaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahaysan
(tilmaame) ranjiyaysan.
shaahaysan: (tilmaame) shaah cabbay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la shaankaxay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankaxid
m.f.dh eeg shaankax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun shaashada ee ku dhaca umusha iyo ilmaha qaadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaar
shaashsaar¹: m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
shaashsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Gabar la aroosay markii ugu horreysay shaash u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaashsaar
m.l Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabarnimadii ka baxday loogu saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakhaawis
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maskaxgeelkalabbax: jirjirroole.