shanqar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqar
(Shanqar-ta)
Wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada; (ama sharqan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqar
shanqar¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
shanqar²: f.mg1 (shanqaray, shanqartay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqar
f. n. noise, sound
shanqar v. sound, make a noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqar
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqar
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: sharqan, shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanqar
صَوْتَ كُلُّ مَا يُسْمَعِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqari
f.g2 (shanqariyay, shanqarisay) la-mid: sanqari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqari
v. cause to make a noise, sound; play (musical instrument); mention in passing, refer to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanqari
a: sanqari, sharqami
de: cause to make a noise, sound; play (musical instrument); [ext.] mention in passing, refer to
initial: s
lx: shanqari
pd: (shanqariyey)
ps: v2a=tr
key: shanqari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqar
(Hanqar-ka)
Onkod; guguc; wiriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqar
hanqar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Onkod, gugac. 2. Qarax, biriq.
hanqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cod weyn oo sida gugaca iyo wixi lamida oo kale ah bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqar
m. n. thunder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqar
(fal) roob, onkod.
hanqar-ka: (magac, lab, keli) sanqadha iyo guguca xoogga badan ee hillaaca ka dambeeya. Dh: wiriq, hangadh, onkod, guguc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanqar
de: thunder
lx: hanqar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: onkod, guguc
key: hanqar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqar
(Sanqar-ta)
Shanqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqar
sanqar¹: m.dh (-ro, ml.) Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. la-mid: shanqar¹, sharqan¹, sharqar¹.
sanqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Sanqar samayn. la-mid: shanqar², sharqan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqar
sanqar¹: m.dh (-ro, ml.) Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. la-mid: shanqar, sharqan, sharqar.
sanqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Sanqar samayn. m.f.dh, sanqarid. la-mid: shanqar, sharqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqar
v. make a noise ~ sound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqar
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ sanqadh, shanqar.
ka sanqari -yey / say: (v) cause something to make a noise ~ ka sharqami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqar
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: sharqan, sanqadh, shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqar
de: make a noise ~ sound
initial: s
lx: sanqar
pd: (sanqaray)
ps: v1=intr
see: shanqar
key: sanqar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqad
(Shanqad-ka)
1. Xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyo ka qatanaada.
2. Xanuun ama qandho, shantii maalmoodba, kol timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqad
m. n. five day period of not having drunk water
shanqad m. n. quintan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqad
-ka: (magac. lab, keli) xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyaha ka qatanaada.
shanqad -ka: shantii maalmoodba mar, xanuun ama qandho timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqar
sharqar¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
sharqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululuq
(Cululuq-da)
Shanqarta ka yeerta caloosha dhaqdhaqaaqaysa ama la dacarfaalayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheg
(Dheg-ta)
1. Xubinta oogada ku taal oo dhawaaqa, yeerta iyo shanqarta qabata oo garata; xubinta maqalka; dhegta dadku waxay u qaybsantaa saddex meelood oo mid waliba hawlo gaar ah qabato; dheg soke, dheg dhexe iyo dheg shishe.
2. (weel, qalab, kd.) meelo sida dhegta soo baxsan oo la qabto ama wax kale tara; carrab.
3. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegafarasow
(Dhegafarasow-ga)
1. Dhegaha oo hadba mooda in shanqari u yeertay ama ay wax maqleen; (qof) wax aan jirin ama aan dadka kale maqlayn mooda inuu hadba maqlay.
2. Sida faraska u dhegawaddanaan; meel fog wax ka maqli ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuso
(Dhuusa-da)
Neef kolkol shanqari weheliso oo nafleyda qaarkeed xaggeeda danbe ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaan
(Diyaan-ka)
Shanqar weyn oo culus sida jibinta ama madfac la ridey ama durbaan la garaacay; (ama diryaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foori
(Foori-da)
Shanqar ama yeer la maqlo kolka inta bushimaha la isu dhoweeyo, neef xoog leh la soo saaro; fiijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuq
1. (Fuuq-a) Dhuunta xabbadda oo baaruuddu ku jirto, gumucana sidda; qashar.
2. (Fuuq-da) a) Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha, kd., xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiiq; fururuq. b) In yar oo kol la fuuqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdan
(Gurdan-ka)
Shanqarta ka yeerta orodka xoogga leh, siiba kan fardaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamham
(Hamham-ta)
Codad ama shanqar hugun oo kale ah oo aan si qeexan loo maqla hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaad
(Jaanqaad-ka)
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba).
2. Saanqaad; socod; tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawin
(Jaawin-ta)
(suul jaawin) suul iyo far gacneed oo inta lays kor saaro oo xoog laysugu qabto, shanqar laga yeersiiyo; suuldhabaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaldhaf
(Jaldhaf-ta)
Shanqar ka yeerta qofka socona haya kabihiisa, iyo ciddiyaha iyo cumaacumaha nafleyda qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeftuur
(Neeftuur-ka)
Neef, si degdeg ah oo xoog badan oo shanqari weheliso, sanbabbada loo geeyo oo looga soo saaro; hinraag; neefkudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Onkod
(Onkod-ka)
Shanqar weyn oo hillaaca kaddib la maqlo: dabaylahaa inta isku murga isjiira oo inta daarma, jac iyo danab isu roga haya oo qarxada; guguc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarax
(Qarax-a)
1. Dillaaca iyo shanqarta xoogga leh oo is wata oo dhaca kolka waxyaalaha qarxadaa ay kulayl dareemaan ama wax xoog ugu dhacaan.
2. Wax diiran, muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufac
(Qufac-a)
Neefta oo si kedis ah, oo xoog iyo shanqar leh, sanbabbada uga soo baxda, oo hunguriga cad u soo marta, muruqyada hunguriga, oo xanuun qabtay iskula roora, ama dhuumaha neefta iyo sanbabbada oo xaako xirtay laga soo saarayo, darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarid
(Sanqarid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarin
(Sanqarin-ta)
Shanqarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanqar_1
de: noise, sound
hm: 1
initial: s
lx: shanqar
pd: (-ta)
ps: n1-f, n2-f
key: shanqar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanqar_2
de: sound, make a noise
hm: 2
initial: s
lx: shanqar
pd: (shanqaray)
ps: v1=intr
key: shanqar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqarid
(Shanqarid-da)
Shanqar la maqlo samayn; (ama sharqamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqarid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar la maqlo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqarin
(Shanqarin-ta)
(ka shanqarin) Shanqar ka yeersiin; (ama sharqamin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqarin
m.dh la-mid: sanqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqarin
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqar ka yeersiin; sharqamin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqadh
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadh
(fal) sanqadh samay, sangar.
shanqadh -a: (magac, lab, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta oo dhawaaq sameeya; sangar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqar
-ka: (magac, lab, keli) cabbitaanka ama cunnada ugu horraysa ee ilmaha afka loo saaro. Angar xalaal ah ilmaha sii. Curadkayga timir ayaan angar uga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaar
(Shaar-ka)
Gashi; shaati; garbaggale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaar
m.l (-rar, m.l) Hu' si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaar
m.l (-rar, m.l) Hu' si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaar
m. n. shirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaar
-ka: (n) shirt (sheerf) ~ shaadh, shaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaar
-ka: (magac, lab, keli) dharka qaarka sare la gasho ee jeeb iyo badhannoba leh. Dh: shaati, shaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaar
a: shaati ~ shaadh
de: shirt
initial: s
lx: shaar
pd: (-ka Pl: shaarar (ka))
ps: n4-m
key: shaar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hangar
hangar, n.m. - dhismaha dayaaradaha lagu hagaajiyo; dhismo yar oo dhismaha weyn ku dheggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqal
(Hanqal-ka)
Oogada dadka qaarkeeda kore oo hore oo madaxa iyo caloosha u dhexeeya; laab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqal
m.l Qaarka sare ee dadka inta madaxa iyo caloosha u dhexeysa. la-mid: hangal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqal
m.l Qaarka sare ee dadka inta madaxa iyo caloosha u dhexeysa. la-mid: hangal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqal
m. n. chest (body from the abdomen to the chin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqal
-ka: (magac, lab, keli) oogada inta sare ee madaxa iyo caloosha u dhaxaysa. Libaaxii kolkuu i arkay ayuu hanqalka la kacay. Dh: xabbadka, laab.
hanqal -ka: (magac, lab, keli) dhawaaqa onkodku sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanqal
cf: laab
de: chest (body from the abdomen to the chin)
lx: hanqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hanqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanrar
-ka: (magac, lab, keli) xadhig iskaga wareega labada dhinac ee awrka. Awrku yaanu dheelliyine hanrarka adkee. Dh: bayd, reryo, heryo.
hanrar -ka: (magac, lab, keli) haylaan ama alool caws buurbuuran laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahar
(Shahar-ka)
Soddon maalmood; bil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahar
m. n. month, thirty-day period
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahar
de: month, thirty-day period
initial: s
lx: shahar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bil
key: shahar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakar
v. cram (into ~ full)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakar
(fal) bishil; iltir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakar
cf: buux
de: cram (into ~ full)
initial: s
lx: shakar
pd: (shakaray)
ps: v1=
key: shakar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanab
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shaarub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaq
f.g1 (-nqay, -naqday; -nqi) Cid deldelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaq
(magac, lab, keli) qof ama wax kale cunnaha qabasho. Dh: ceejin, ciijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqad
m.l (-do, m.dh) Sh. leh: ri' midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqal
(Shaqal-ka)
1. Xaraf keligi lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo, sida a, e, i, o, u; xarako.
2. Waxa wax loogu dardaro inay qurux u kordhiyaan; sharrax; dahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqal
shaqal¹: m.l (shaqallo, m.dh) Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iyo wixi lamida.
shaqal²: m.l (shaqallo, m.dh) (naxwe) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tusaale: “a, e, i, o, u, aa, ee iyo wixi lamida”. Sh. culus: shaqallada Soomaaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).
shaqal³: f.g1 (-qlay, -qashay) 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iyo wixi lamida maro ku dahaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqal
shaqal¹: m.l (-llo, m.dh) Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iyo wixi lamida.
shaqal²: m.l (-llo, m.dh) (naxwe) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tusaale: a, e, i, o, u, aa, ee iyo wixi lamida. Sh. culus: shaqallada Soomaaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid 'culus' sida 'dųul' (oo ah duullaan u bixid) iyo mid 'fudud' sida 'duul' (oo ah haadid). m.f.dh, shaqlid.
shaqal³: f.g1 (-qlay, -qashay) 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iyo wixi lamida maro ku dahaarid. m.f.dh, shaqlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqal
m. n. vowel {grammar} a, e, i, o, u
shaqal m. n. decoration, embellishment
shaqal v. adorn, decorate; add a vowel (in Arabic script)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqal
-ka: (n) [plural shaqalada] vowel (vaawal); Ex: shaqalada afka Soomaaliga waa: A, E, I, O, U,; the vowels of the Somali alphabet are: a, e, i, o, u,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqal
(fal) wax ku qurxi oo korka kaga tol ama kaga dheji ama kaga xaradh; shaqal u yeel.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) wax, wax kale dushiis lagu qurxiyo, lagu duhaadho; marada weelka dusha lagaga tolo. Shaqal ayaa lagu tolay caagadii biyaha si ay u qaboojiso biyaha.
shaqal -ka: (magac, lab, keli) farta alifba'deeda intooda wax lagu xarakeeyo oo ku codaynta shibbanayaasha rogroga oo labada dhinacba ka гааса, midkood; shaqallada alifba'da far Soomaaligu waxay ka koobmaan shaqallo gaaggaaban: a, e, i, o, u, shaqallo dhexe: 'aw; ay; ey; ow; oy' iyo shaqallo dhaadheer: 'aa, ee, ii, oo, uu'; waxayna dhammaantooda cayn ahaanta u sii kalabbaxaan, kuwo lab, kuwo dheddig iyo kuwo bohon ah oo aan cayn lahayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaqal
حركة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanqar
wanqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac halis ah.
wanqar²: m.l 1. (xisaab) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xisaab) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
wanqar³: f.g1 (-ray, -rtay) Ugaar, xoolo iyo wixi lamida iyada oo uur-kujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanqar
wanqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac halis ah.
wanqar²: m.l 1. (xisaab) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xisaab) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar. m.f.dh, wanqarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wanqar
Symmetry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqar
(fal) ugaadh, xoolo iyo wixii la mid ah iyada oo uurkujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) dhagax lagu hagaajo oo lagu sigibtiro dhagaxa hoose ee shuurada lagu ridqo. Dhagax wanqar ah oon ku wanqarno inoo doon. Dh: kureed.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) dhaawac halis ah.
wanqar-ka: (magac, lab, keli) guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaran yahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddeli karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed.
wanqar -ka: (magac, lab, keli) shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaran yahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqari
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. la-mid: shanqari, sharqami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqari
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. m.f.dh, sanqarin. la-mid: shanqari, sharqami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shagaar
-ka: (magac, lab, keli) midabbo isku badhxan, sida kuwa baalasha balanbaalista; xaradh oo alaabada qaarkeed lagu qurxiyo. Gogol shagaar leh ayay hooyo soo iibsatay. Dh: xaradh, saafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanaad
(Shanaad-ka)
Tiro taxan, kan shanta jagadeeda ku abbaaran; kan afraadka iyo lixaadka u dhexeeya; (5d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanaad
m.l.t. j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.