shanley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanley
(Shanley-da)
1. Maro shan waar ah.
2. Maanso gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanley
m.dh (-yo, m.l) 1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanley
f. n. cloth measuring five yards
shanley [feminine] n. short poem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanley
-da: (magac, dhedig, keli) maro shan waar ah.
shanley-da: (magac, dhedig, keli) maanso gaaban oo shan meeris ah;
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaley
(adv) yesterday (yas-ter-dheey) ~ shala, shalay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanle
(Shanla-ha)
Shan waxyaalood leh ama ku yaalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanle
m. n. five (playing card); something having five of anything
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanle
-shanlaha: (n) playing card that has five numbers ~ turub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanle
-ha: (magac, lab, keli) 'turub' warqad shan dhibcood leh.
shanle -ha: darajo ka mid ah darajooyinka ciidamada. Dh: gaashaanledhexe.
shanle-ha: (magac, lab, keli) shan waxyaalood leh ama ay ku yaalliin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanle
de: five (playing card); s.t. having five of anything
initial: s
lx: shanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlay
(fal) timo iyo wax la mid ah, feedh; fidh. U shanlay ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Timo iyo wixi lamida shanlo ku feerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Timo iyo wixi lamida shanlo ku feerid. m.f.dh, shanlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlee
v. comb (hair)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlee
-yey / shanleysay: (v) comb (koom); arrange the hair with a comb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlee
cf: shanlo
de: comb (hair)
initial: s
lx: shanlee
pd: (shanleeyey)
ps: v2b=tr
key: shanlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta saddexleyda jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feer
feer¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
feer²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iyo wixi lamida shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pentathlon

Pentathlon Modern
Shanley cusub
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanley_1
de: cloth measuring five yards
hm: 1
initial: s
lx: shanley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shanley_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanley_2
cf: maanso
de: short poem
hm: 2
initial: s
lx: shanley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shanley_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayn
m.f.dh eeg shanlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo saqaf iyo wixii la mid ah ku feedhid. Dh: feedhid, fidhid, feerid, firis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlays
-ka: (magac, lab, keli) shanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuunley
m.dh Gumaarka dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuunley
m.dh Gumaarka dadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuunley
(magac, dhedig, keli) xurmo badan. Dh: sharafley.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shale
Gaantay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banley
-da: (magac, dhedig, keli) dhul bannaan ama dhirtiisu is haysan. Dh: banbannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganley
m.dh (-layaal, m.l/dh) (c.nafl) Dir ka mid ah faylam hoosaadka siliyofaara; xubnaha dirkana noloshooda oo dhan waxay leeyihiin gan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganley
m.dh (-layaal, m.l/dh) (c.nafl) Dir ka mid ah faylam hoosaadka siliyofaara; xubnaha dirkana noloshooda oo dhan waxay leeyihiin gan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanay
(fal) wax afar ahaa, mid ku dar; shan ka dhig: shan gaadhsii; wax afar ahaa oo aad ku darto hal kale. Qoladaa adigu shanay. Dh: shanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Tiro afar ah shan ka dhigid. 2. Ka sh.: cid ka guul helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanee
v. make five, cause to be fifth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanee
(fal) shan ka dhig: koox afar ahayd shan ku noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanee
de: make five, cause to be fifth
initial: s
lx: shanee
pd: (shaneeyey)
ps: v2b=tr
key: shanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlo
-shanlada: (n) comb (koom)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlo
-da: (magac, dhedig, keli) saqaf; gadhfeedh; garfeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlo
de: comb
initial: s
lx: shanlo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: garfeer, saqaf
key: shanlo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanlo
ممشط، مشط، مُشط
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shanty
/shaanti/ (n) buul (guri buul ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabley
-da: (n) rib cage (rib keeyj) ~ saableyda feeraha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabley
-da: (magac, dhedig, keli) qoorta iyo caloosha inta u dhaxaysa ee feedhaha iyo inta ay ku dahaadhan yihiin. Sambabada jidhkaygiyo saableyda feedhaha.
saabley -da: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo saab leh, in alle intii saab leh. Weelka saableyda ah horta ha la raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallay
m. n. remorse, repentance, regret
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallay
(fal) qoomammay. Dh: shallee.
shallay -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) ka qoomamay wax aad fashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallay
de: remorse, repentance, regret
initial: s
lx: shallay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinley
-da: (magac, dhedig, keli) maansooyin silsilad ah oo qaafiyadda siinka ku socoday oo toddobaatanaadkii ay ka qaybgaleen abwaanno badan oo Soomaaliyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisqanley
m.dh Meesha ay bisqintu ka baxdo; gumaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisqanley
m.dh Meesha ay bisqintu ka baxdo; gumaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisqanley
-da: (magac, dhedig, keli) gumaarka inta bisqintu ka baxdo. Bisqanleyda ayey xabbaddu kaga dhacday. Dh: bisqinley, bisigley, nabasley, shiciradley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashley
m.dh 1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaashley
m.dh 1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaashley
f. n., [collective] married women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashley
-da: (magac, dhedig, keli) arabikhidu kolka ay is xambaarato ee aany weli firideedu adkaan. Arabikhidu waa shaashley oo weli xasiid ma yeelan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaashley
de: married women
initial: s
lx: shaashley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: shaashley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho. m.f.dh, shanlaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayso
(fal) feedho; fidho; firo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharafley
-da: (magac, dhedig, keli) qof sharaf iyo xurmo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shardiley
f. n. conditional, subjunctive {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shardiley
de: conditional, subjunctive {grammar}
initial: s
lx: shardiley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shardiley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaley
m.dh la-mid: caanooley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaley
f. n., pl. milk-vendors; mammals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanaley
-da: (n) people who sell or deliver milk to customers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanaley
-da: (magacwadareed) dadka caanaha xoolaha iibiya. Dh: caanadiiq.
caanaley -da: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo caano iibisa ama caanadiiqda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaley
de: milk-vendors; mammals
lx: caanaley
pd: (-da)
ps: n1-f-col; n5b-f-pl
see: caanooley
key: caanaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caanaley.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANEEYE
(Daneie) May, S Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiley
m.dh Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamiley
Azionisti
Shareholders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiley
-da: (magac, dhedig, keli) qof saami meel ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaanbee
v. thrash with the tail; kick one's legs in swimming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaanbee
de: thrash with the tail; kick one's legs in swimming Alt sp: shaambee
initial: s
lx: shaanbee
pd: (shaanbeeyey)
ps: v2b=intr
see: shaambo
key: shaanbee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaleyto
(adv) yesterday (yas-ter-dheey) ~ shala, shalay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shallaay
-ga: (n) remorse (ri-moor-si); penitence, compunction ~ shallaayto, qoomamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka qoomamayn; ka shallay: ka qoomamood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallays
-ka: (magac, lab, keli) shallayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shambles
/shaambalz/ (n) murugsanaan (is-dhex-daadsanaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaneemo
f. n. movie theater, cinema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaneemo
-shaneemada: (n) cinema (sinima);, movies (muuvis); movie theater ~ filin, shineemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaneemo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha lagu daawado filimada oo aad uballaadhan. Dh: sinimoo.